Cowke Posted July 11, 2010 Galgala oo la Ciyaartay Badhan July 11, 2010 By Axmed Muuse Dheere Labada Degmo ee Galgala iyo Badhan oo ka kala Tirsan Bari iyo Sanaag ayaa Wada dheelay maanta Ciyaar Xiisa badan oo lagu Marti qaaday Garoonka Magaalada Badhan, Warka ayaa sheegaya in Ciyaartaasi ayay Weerar Weerar Celis ku Bilaabatay Markii Hore hase yeeshee ay Labada Naadi soo Bandhigeen Ciyaar aad Loogu Masquuday. Kabtan Galgala Maxamed Siciid Salaax oo loo Yaqaan [saxaaf] ayaa ii sheegay isaga oo Badhan ku Sugan inay Ciyaartaasi ku dhamaatay 2- Gool iyo Laba Gool uuna Goolka Galgala u dhaliyay AMin. Kabtanku waxa kaloo sheegay inay Sanaag iyo Hayland ay Marayaan isla markaana ay Sanaag qaar ka mid ah Ciyaar la soo dheeleen sida Ceerigaabo oo ay Ciyaal Laga Yaabay soo Bandhigeen. Sidoo kale Hadaaftimo ayay Ciyaar la dheeleen waxana ay Kaga Badiyeen Hal aan Zero, iyada oo sidaasi ay Guushu ku Raacday Naadiga Degmada Galgala. Maxamed Siciid Saalah waxa uu Hanbalyo u diray Kabtanadii Hore ee Xulka Galgala oo Qurabaha Jira sida Axmed Cade iyo Toxob oo ay sheegeen inay aad u Taakulayaan Xulkaasi Galgala sidii ay Heer Fiican uga Gaadhi lahaayeen Ciyaaraha. Inta badan Naadiyada Sanaag iyo Hayland ayaa Lagu Yaqaan inay Ciyaar Xiisa badan dheelaan sida Ciyaaraha Koobka Golada PL . Jamac Feyte Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 11, 2010 Ardeyda Dugsiyada Sare ee Garowe oo Loo Dhigay Koob Ciyaareed (Sawiro) (Garowe) RBC: Waxaa galabta ka furmay garoonka kubada cagta ee Mirre Aware ee Magaalada Garowe Koob ay ku tartamayaan afar dugsi sare oo ku yaala Magaalada Garowe Caasimada Puntland Koobkaan ayaa waxaa dhigtay Hay,adda Save Childareen oo ka mid ah Hay,addaha ka howlgala deegaanada Puntland waxa uuna koobkaan maanta lugu daah furay laba kooxood oo kala matalayay Dugsiga sare ee Alwaaxa iyo Dugsiga sare ee Imaamunawaawi . Inta aan la furin koobkaan ka hor ayaa waxaa halkaa hadlo ka jeediyay Wasiirka S/S/Sportska Puntland Maxamed Nuur cagwayn waxa uuna sheegay in uu kula dardaaramayo dhalinta tartankaa ka qayb galaysa in ay soo bandhigaan ciyaar wanaag. Labada kooxood ee koobkaa lugu furay ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiisa badnayd waxaana labada dhinac ay iskula bar bar dhaceen 0_0 inkastoo labada kooxood ay iska baardareeyeen fursado guulo u horseedi karay . Koobkaa oo ay ku tartamayaan afar dugsi sare ayaa socon doona muda 10 cesho ah waxa uuna daah fur u yahay tartama kale oo iyana Hay,adda Save ku qaban doonto Gobalada kale ee Puntland sida uu sheegay Cabdi Qani Shikh Maxamuud oo ah madax barnaamijkaa fulinayay. C/qani ayaa tilmaamay in ay kaga gol leeyihiin koobkaan in ay ka soo saaran koox dhamaystiran hasayeeshee uu ka horeeyo tartama ay galin doonaan dhamaan dugsiyada sare ee Puntland waxuna sheegay in tartankaa uu yahay mid la rabo in kor loogu qaado tayada Sortska Puntland. Ciyaartaan ayaaa waxaa grsoorayaal ka ahaa afarta Garsoore eek ala ah 1Maxamed Warsame 2 Saacid Cusmaan 3 Jorje Axmed Idriis C/risaaq Maalinta barita ah ayaa la filayaa in ay food isku dari doonaan garoonka Mire Aware labada kooxood ee ka kala socda Dugsiga sare ee Ganmbool iyo dugsiga sare ee Nugaal waxana dhamaan afartaa kooxood ay isku arki doonaan mid mid iyadoo markaa loo eegi doono xaga dhibacaha cidii badnaata in la siiyo Koobkaa. Waa markii ugu horaysay ee in muda ah kidib koob nuucaana loo qabto dugsiyada sare ee Puntland waxaana arintaa aad u soo dhawayay Maamulada dugsiyada sare oo ku tilmaamay tilabadaa mid dhiiri galin ah. RBC NEWS Sports Xafiiska Garowe C/raxamaan Maxamed Muuse Ilkacase Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted July 11, 2010 Cowke, SOL has different sections, please stop posting every thing on the politics section. If you need help with how to post on other sections, seek help from the admin. Quote Share this post Link to post Share on other sites