Sign in to follow this  
Jumatatu

Waa Dowlaad wada 'Muqalas' ah...!

Recommended Posts

Jumatatu   

Sadex ka mida wafdigii Geedi ee Faransiiska oo Qaxootinimadooda sheegay in….

 

Mudo hada laga joogo bil ayaa waxaa safar howled ku jimid dalka Faransiiska wafdi balaadhan oo uu horkacayo Ra’iisulwasaaraha dowladda FKMG ah Cali Maxamed Geedi, safarkaas oo uu kaga qeybgalayay shir looga’ga hadlayo hormarinta xoolaha aduunka oo uu hore isaga ugu taqasusay.

 

Safarka Ra’iisulwasaaraha oo ay saxaafada Soomaalidu ka hadashay ayaa waxaa ku wehlinayay rag ay ka mid ahaa yeen Cabdirisaaq Jurila oo ah wasiirka xiriirka iskaashiga caalamiga iyo 7 ruux oo dalka Kenya looga soo qaaday leen bug ah iyadoo lagu soo dhexdaray wafdiga Ra’iisulwasaaraha.

Sida ay inoo xaqiijiyeen rag ku sugan dalka Faransiiska oo u turjuma afsoomaaliga soogalootiga ayaa la kulmay sadex ka mida ragii uu Prof:Geedi iyo Jurila muqalas ahaanta ugu soo qaadeen dalkaas, kuwaas oo hada dacwadooda ku sheegay ee qaxootinimo inuu dalka keenay wasiirka iskaashiga caalamka Md.Jurila.

 

Dhinaca kale afarta kale ee safarka ku jirtay ayaa magangalyo ugu soo baqoolay dalka Biljem, sidoo kale wararka aanu helnay ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaaraha uu Fiiso ka dalbaday dalkan Ingriiska intii uu ku sugnaa Madaxweyne Cabdulahi Yusuf magaalada London iyadoo fiisihiina loo soo diiday waxaana safarkaasi kusoo wehlinlahaa Ra’iisulwasaaraha gabar qaraabadiisa ah oo halkaas ku dhibaateysan oo uu London la ra’bay .

 

Wararka kale ee hada naga soo gaadhaya dalka Beljem ayaa sheegaya in ay Wasiirka arimaha dibada Cabdulahi Sh. Ismaaciil iyo Cabdirisaaq Jurila ay hada ku sugan yihiin dalkaas iyadoo ay damacsan yihiin sidii suuq loogu helilahaa Safaaradii hore ee Soomaalida ee dalkaas, waxaana hada ka taagan muran xoogan iyo lacago hore dhulkaas loogu yeeshay muda’dii ay dowlad la’aantu aheyd Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this