Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: President Siilaanyo Meets with Mayors

Recommended Posts

Madaxweynaha la Doortay iyo Ku-xigeenkiisa oo Kulankii u Horreeyey la Yeeshay Maayirrada Caasimadaha Gobollada Somaliland

4

 

 

Hargeysa (Jam)-Madaxwaynaha dhawaanta la doortay ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay kulan la yeeshay guud ahaan Maayarada Caasimadaha Gobolada dalka markii ugu horeysay iyagga oo ka wada hadlay arimo la xidhiidha Munaasida uu madaxwaynaha la doortay xilka kula wareegi doono oo dhici doontyo 27/06/2010-ka.

 

 

Maayaradan oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab, Maayarka Burco, Maayarka Boorama, Guddoomiy ku xigeenka Gobolka Gabilay ayaa waxa uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo kaga dhagaystay Maayarada Fikrado la xidhiidha sida ugu haboon ee dalka looga samayn karo isbadalka dalku u baahan yahay, iyagga oo Madaxwaynaha u soo jeediyay in aanu u joojin soo jeedimaha dadka oo uu isagu yeelo wax alaale waxa uu is yidhaahdo way saxan-yihiin oo waa dariiqii loo baahnaa.

 

 

Masuuliyiintani waxa ay tilmaameen inay waajib tahay in maayarada Magaalooyinka dalka iyo masuuliyiinta kaleba ay taageeraan xukuumada cusub ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxayna balanqaadeen inay doorkooda ka qaadan doonaan ammaanka iyo nidaamka xaflada ay xilka kula kala wareegayaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Madaxwaynaha xilka sii haya Md. Daahir Rayaale Kaahin.

 

 

Madaxwaynaha cusub ee la doortay Md. Axmed Siilaanyo, ayaa isaguna maayarada u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kulanka ay yeesheen, isaga oo ku boggaadiyay hawsha ay qaranka u hayaan oo uu tilmaamay inay tahay mid wax-ku-ool ah, isaga oo tilmaamay inay si wanaagsan u wada shaqay doonaan.

 

 

Kulankan oo ka dhacay guriga Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo u badnaa sidii ammaanka sare loogu qaadi lahaa maalinta xil wareejinta oo ku beegan 27/07/2010-ka ayaa waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan oo is-garad.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NinBrown:

JB used to work for the NIS in Somalia.

Waar ha na caayin niyow ,,,,, :D

 

 

NIS na maxay ahayd ?? ,, lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

kii chief caaqil sooka is qarxiyey

Xaaji, adna waa lagu foogeyay. oo waxa lagugu sheegay nin shiisheeya oo Yuhuuda la degan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Maaddeey, wax isku mid ah ayaad kala sheeg-sheegtaa adna!

 

Chef oops xaaji, de farsamo kale la imo indha-adeyga iska daayo. Filinkani gubay isagu. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Qaraxyo ma wadee, waxaan ka yaabay cheap comment intaad qof isaga accuse-gareyso haddana dad waaweyn oo gadh iyo gafuur leh u riyaaqaan?, isagoo reer Somaliland ah Triangle-ka Hargeysa, Burco iyo Boorama kama hadli karo miyaa?

 

Abtigiis, shalaan kaa quustay Adiga. Anoo ku leh waxaas waxba kama jiraanoo anaa indhaheyga ku soo arkay, baad leedahay sow still lama ban-gareyn. Maskax madoobaad baa kugu dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this