Sign in to follow this  
General Duke

FAALO: Ceebeey tacaal Jihaadkii uu iclaamiyay Indhacade xaguu ku dambeeyay?

Recommended Posts

Indhacade.jpg

FAALO: Ceebeey tacaal Jihaadkii uu iclaamiyay Indhacade xaguu ku dambeeyay?

Posted to the MOL December 19, 2006, 7:48 am

 

 

Yuusuf Siyaad Indhacade oo Maxkamadaha u qaabilsan dhinaca Gaashaandhiga ayaa Todobaadkii hore iclaamiyay inay weerarayaan Ciidamada Dawlada iyo Macalamiimta Itoobiyaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo,hadii aysan Magaaladaas ooga guurin Todobaad gudihiis.

 

Xiligii la qabtayna waa la dhaafay,iyadoo aysan Dawladu dhaq jalaq u-siin dhawaaqii aan laga fiirsan ee ka soo yeeray Indhacade (Ceebeey-Tacaal)(Been-Fakatay-Run-ma-gaarto).

 

Jihaadka uu sida jees-jeeska oogu dhawaaqay Indhacade wuxuu ka mid yahay Tiirarka aas-aaska u ah Shareecada Islaamka, waxaana jira Aayado badan iyo Axaadiis ku soo aroortay qaabka loo wajahayo Jihaadka,laakiin waxaa muuqata in Mas,uuliyiinta Maxkamadaha arintii Jihaadka inay ka dhigteen xeelad-Siyaasadeed oo lagu kicinayo quluubta Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laga faaiideysanayo cadawtinimada soo jireenka ah ee u dhexeeya Wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Kacdoonkii Shacabka Gobolka Banaadir intii uu socday waxaa badanaa arimaha Maxkamadaha wax laga weydiin-jiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed, balse daraasad aan sameeyay Labadii Todobaad ee la soo dhaafay kadib markii aan dhaga-dhageeyay Idaacadaha waxaa ii soo baxday in Nimankan horboodaya Maxaakiimta aysan Afkooda iyo dhagtooda is maqal, waxaana iigu cajibsanaa markii aan dhageystay Gudoomiyaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Awees oo la weydiiyay maka qeyb galeysaan Shirka Khartuum? balse markiiba wuxuu la soo booday maxaan ka qeyb-galnaa Shirka maba aqoonsani Dawlada, balse daqiiqado kadib Sheekh Shariif Axmed oo isagana Idaacad kale ka hadlaya ayaa carabka ku adkeeyay "Waan aqoon-sanahay Dawlada waana ka qeyb-galeynaa Shirka Khartuum bilaa shuruud" :eek: iyadoo daqiiqado kadibna uu wareysi bixiyay Sheekh Cabdi-raxmaan Muudeey oo dhinaca Warbaahinta u qaabilsan Maxaakimta wuxuuna yiri isagoo xanaaqsan "Kenya iyo Itoobiya hadaan Shirka laga saarin uma socono kulanka Khartuum" :D isagoo beeniyay hadalkii Gudoomiyaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Axmed, taasina waxay ku tusaysaa in shuruucda Maxaakiimtu ku dhisan-tahay is-bar-bar-yaac.

 

Murti Soomaliyeed ayaa oranaysa "Meyd midkee u dambeeyay?"Midka hada la sii wado, iyadoo aan wada ognahay in shalay oo keliya Madax ka tirsan Raga horbooda Maxaakimta ay ka hadleen Idaacadaha, Wasiir Mareykan ah baa hadlay, Masuuliyiin kala gedisan oo Maxaakiimta ayaa kadaba qaadatay, Reysal-wasaaraha Itoobiyaa hadlay, Mas,uuliyiin kala gedisan oo Maxaakiimta ayaa u jawaabtay, Dawlada Federaalka ayaa hadashay, Masuuliyiinta Maxkamadaha oo kala fikrad duwan ayaa u jawaabay, taasina waxay ku tusaynaa aqoon-yarida heysata Nimanka hormooda Maxaakiimta, waana mida maanta keentay in Gudoomiyaha Gudiga fulinta Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu beeniyo dhawaaqii Jihaadka ahaa ee uu keligiis iclaamiyay Yuusuf Indhacade,isagoo Shariifku sheegay inaysan ka war-qabin goorta iyo goobta lagu dhawaaqay Jihaadka uu iclaamiyay Ninka u qaabilsan Gaashaandhiga (Cajiib).

 

Hadalkayga waxaan ku soo af-jarayaa Aayad quraan ah oo ku jirta Suuratul Munaafiquun (Walaahu Yash-hadu Inal-Munaafiqiina-La-kaadibuun)oo micnaheedu yahay Ilaahay wuxuu ka marqaati kacayaa in Munaafiqiinta Been sheegayaan, hadaba hadii ay rabaan Maxaakiimta in Umada aaminto ha iska-qabteen oo shaqada ha ka fariisiyeen Indhacade waayo had iyo jeer wuxuu la taagan-yahay inuu ceebeeyo karaamada iyo sharafta Diinta Islaamka, waxaana hadalkeyga ku soo xirayaa marnaba lagama yaabo inay Maxaakiimtu gaaraan hadafkooda ilaa iyo inta uu dhex-boodayo shaqsigan caadeystay had iyo jeer inuu ku been-abuurto Shareecada Islaamka, waxaana talo ku soo jeedin-lahaa maadaama kelimada (Abuu)mudooyinkan la baxeen Xubnaha Maxaakiimta sida (Abuu-Mansuur ama Abuu Cuteyba) in aad u bixisaan Yuusuf Siyaad Indhacade (Abuu-Beenaale) maadaama Shacabka Soomaaliyeed ay ooga barteen inuu yahay shaqsi caadeystay been-abuurasho iyo hadalo aan laga fiirsan.

 

Suldaan-Godo-Godo (Abuu-Godo-Godo)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha maxakimta islaamka oo sheegay in ay ka baaqsaden go`ankii muddada todobaadka ah ay ugu qabteen ciidamada Itoobiya.

 

Golaha maxaakimta islaamka ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ka laabteen go`aankii hore ee ahaa in muddo todobaad ah haddii ciidamada Itoobiya uga bixin dalka Soomaalya ay weeraryaan .Tue- Dec-19-2006

Horn Afrik reports... They are following the Art of War to the letter.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this