Sign in to follow this  
General Duke

TFG minister police chief arrive in Kismayu..

Recommended Posts

Kismaayo: Wasiirka Ganacsiga, Taliyaha ciidamada Booliska iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo howlo shaqo u tegay Kismaayo.

 

17. februar 2007

 

 

Kismaayo(AllPuntland)- Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose, waxaana wafdiga ka mid ah taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali.

 

Wafdigan ayaa ujeedada socdaalkooda waxay ku sheegeen in ay tahay sidii loo hor marin lahaa ilaha dhaqaale iyo ciidamada booliska gobolladaasi.

 

Cabdullaahi Axmed Afrax wasiirka Ganacsiga oo ka warbixinayey ujeedada ay halkaasi u tageen ayaa sheegay in ay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa ilaha dhaqaale ee magaalada Kismaayo isla markaana maamulka cusub ee halkaasi ay kala hadli doonaan qaabka shaqo ee ilaha dhaqaale looga howlgalayo.

 

Jen. Cali Madoobe oo ah taliyaha ciidamada Booliska ayaa isagana sheegay in ujeedada ugu weyn ee safarkiisa ay tahay sidii loo hor marin lahaa howlaha ciidamada Booliska ayna u heli lahaayeen tababaro tayo leh, wuxuuna sheegay in halkaasi maanta uu kula kulmi doono dhamaan saraakiisha ciidamada ku sugan magaalada Kismaayo.

 

socdaalka wafdigan ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili gobolada Jubbooyinka loo sameeyay maamul cusub oo aan ilaa weli shaqo bilaabin, waxaana weli ilaha dhaqaale ee magaalada Kismaayo gacanta ku haya maamulkii hore ee Barre Hiiraale.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

KISMAAYO: Dowladda Federaalka Soomaliya oo wafdi heer sare ah u dirtay Magaalada Kismaayo si ay...

 

Posted to the Web Feb 17, 09:17

 

 

Kismaayo (PP) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay markii ugu horreysayu dirtay Magaalada Kismaayo wafdi ka socda Golaha Wasiirrada kuwasoo u kuurgalaya xaaladda Ammaan ee Magaalada Kismaayo.

 

 

Wafdigaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya C/llaahi Axmed Afrax ayaa waxaa qayb ka ah Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe), waxaana lagu wadaa in halkaas laga dhiso taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo aan ka jirin gobolkaas.

 

 

 

Sidoo kale wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in lagu ururiyay Magaalada Kismaayo saldhigyadeeda booliiska Gobolka Jubbada Hoose oo dhan, iyadoo ay mas’uuliyiintaan hadal u jeedin doonaan ciidammada Booliiska.

 

 

 

Arritaan ayay wararku sheegayaan inay ka dambeysay kaddib markii dhawaan halkaas uu ka dhacay qarax weyn oo sababay inay ku dhaawacmaan goobta uu qaraxu ka dhacay saraakiil ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo haatan daweyn ahaan loogu qaaday dalka Itoobiya oo ah dal soomaaliya si xoog leh uga taageera dhanka amaanka.

 

 

 

Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya wafdi caynkaan oo kale ah u dirto Gobolka Jubbada Hoose oo ahayd goobtii ugu dambeysay oo ay Dowladda Federaalka ka saarto Maxkamadihii Midoobay.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka ganacsiga iyo wafdi uu hogaminayo oo gaaray magaalada Kismaayo

 

 

 

(Kismaayo)-Shalay gelinkii danbe ayaa magaalada Kismaayo waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga dowladda Federaalka KMG ah.

 

 

 

Wadigaan ayaa waxaa ka mid ahaa, Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali iyo taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe,kuwaas oo safarkooda ku sheegay sidii loo dar dar gelin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha gobolka iyo xoojinta iyo weli tayeyta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

 

Mar uu aritnaan ka hadlayey ujeedada safarkooda wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Axmed Afrax ayaa sheegay in ay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa ilaha dhaqaale ee gobolka Jubada hoose, maamulka dhawaan la magacaabayna ay kala hadli doonaan qaabka ay isula shaqaynayaan iyo weliba sidii loo hawl gelin lahaa ilaha dhaqaalaha gobolka.

 

Waxaa isna dhankiisa ka hadalay sidii loo horumarin lahaa Ciidanka Booliiska gobolada Jubooyinka Jen. Cali Madoobe oo ah taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana sheegay tabar wanaagsan la siin doono ciidanka Booliiska manta uu la kulmi doono saraakiisha Booliiska magaalada Ksimaayo.

 

Waa wafdigii ugu ballaaraa oo gobolka booqda tan markii halkaas ay isaga taggeen midowgii maxaakiimta oo laga tabar roonaaday dagaal ay isu kaashadeen ciidamada dawlada FS iyo kuwa Ethiapia.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this