Sign in to follow this  
Cowke

Galgalanews Agent of Daynille.Com

Recommended Posts

Cowke   

Xeel Dheere Abdirahman Dhoore "Galgalashaxunnews/Galagalanews Horta Yaa Iska Leh?"

 

LONDON(SP): Waxaan halkan ku iftiimainayaa warbixin cadaynaysa cidda iska leh galgalanews iyo waxa loo aasaasay web-kan oo la doonayey in loo adeegsado si laysaga horkeeno beelaha walaalaha ah ee dhaqan iyo dhiigba ka dhaxeeyo,

 

waxaanay in badan isku dayeen iday colaad sokeeye uga hurin lahaayeen beelaha wada dega magaalada Boosaaso taasi oo usuu roobi wayday kadib markii la ogaaday meesha shirqoolku ka socdo.

 

Hadaan taa intaas ku dhaafo “Halkee magaca Galgala laga soo dheegtay” Galagli waa Degmo ku taal gobolka Bari waxaanay Boosaaso ka xigtaa dhinaca koonfur-galbeed waxaana dega Beesha ********** gaar ahaan Dubays waana beelaha dega magaalada Boosaaso waa cida keliya ee loo adeegsan karo inay wiiqaan nabadgelyada gobolka Bari.

 

Taas awgeed waa in la helaa magac degmo oo beeshaasii ay degto waxaana la soo qaatay magaca Galgala intaa kadib waxa la raadiyay qofkii la adeegsan lahaa oo isla deegaanka kasoo jeedaa waxaana la helay wiilka damiirlaawaha ah ee Jaamac Ayaanle Feyte oo laga soo cayrshay dhamaan warbaahinta Maakhir kadib markii uu ku talaabsaday waxaan dhaqan u ahayn reer Maakhir iyo warbaahintaba.

 

Hadaba waa kuma Jaamac Ayaale Feyte?, waa wiil dhalinyaro ah kuna so barbaaray Degmada Xiingalool oo ka tirsan Gobolka Sanaag wuxuuna waxbarashdiisii hoose dhexe kusoo qaatay isla magaaladaas,

 

kadibna waxaa uu usoo wareegay magaalada Boosaaso wuxuuna u hanqaltaagay siduu ugu soo biiri lahaa bahda Warbaahinta waxaana gacan qabtay mulkiilaha Laasqoray.net muddo kadibna waa cayrshay,

 

kadib markii uu ku talaabsaday wax ka fog dhaqanka saxaafada kadibna waxa uu u wareegay inuu weriye u noqdo sanaagpost.com nasiib darro iyana waa laga cayrshay, kadib markii uu warar been abuura ka qoray madaxdii reer Maakhir isagoon wax cadayna hayn.

 

Waxaas oo dhana waxaa sababay in marba meel laga eryo isagoon wadan aqoontii war-baahineed waxa u geeyayna ay ahayd baahi uu doonayay inuu ku ****olo nolol maalmeedkiisa.

 

Waxaanay markii danbe ula gashay inuu wariye u noqdo web-ka Dayniile.com oo aad u doonayay weriye calooshii ushaqayste ah oo warar xaqiiqada ka fog ka soo qora Puntland,

 

waxaanay nasiib u heleen wiilkii ay doonayeen nasiib xumuse maceeshad raadiskii meel khaldan ayay la gashay wax uuna ka codsaday markii danbe in loo sameeyo mareeg faafisa wararka lidka ku ah Puntland,

 

abuurtana xasilooni darro iyaguna waa intay raadinayeen laakiin web-ka uma madaxbanaana marka laga reebo aflagaadada iyo wararka uu ka been abuurto gobolada Maakhir laysku yiraahdo.

 

Dagaalkii ugu horeeyayna waxa uu la galay warbaahinta reer Maakhir gaar ahaan kuwii soo gacan qabtay isagoo u arkayay inay yihiin kuwa keliya ee ka hortiga kara mashruuc qalafsan ee loo soo dhiibay wuxuu abaaray inuu aflaagado qayaxan u gaysto mulkiilayaasha Laasqoray.net iyo sanaagpost.com waxaanan u qoray email aankaga codsanayo inuu joojiyo aflagaadooyin madaama oo aanu u kacnay xiligii la xidhay si loo siidaayo iminkana waxa waajib nagu noqday inaanu ka joojino khaladka,

 

wuuse kasii daray ilaa uu gaadhay inuu shirar hoosaadyada beesha ku baahiyo web-ka waana ta keentay inaanu usoo bandhigno shacab waynaha cidda iska leh web-kan iyo ujeedada ka danbaysaba.

 

Hadaan in yar yara iftiimiyo mulkiilayaasha mareegaha kala ah Laasqoray.net Dhahar.com, Sanaagpost.com, Ceerigaabonews.com, Hadaaftimo.com iyo Xingaloolnews.com oo ah kuwa ka turjuma siyaada reer Maakhir waa la yaqaan cidda iska leh iyo meelaha ay joogaanba, laakiin ilaa hada waxa la iswaydiiyaa yaa leh yaase lagala xisaabtamaa Galgalashaxunnews/Galagalanews,

 

hadaadse email u qorta waxaa laguugu soo jawabaya waa cay waar ilayn anagaa balaayo aragnay, waxaanse muddo raadiyay sidaan ku ogaan lahaa web-kan iyo ujeedada laga lee yahay iyo cidda iska leh,

 

waanse soo helay waxaana web-kan iska leh nin ganacsade ah gacansaarna la leh web-ka Dayniile.com waxaanu degan yahay muqdisho gaar ahaan suuqa bakaaraha oo uu goob ganacsi ku lee yahay waxaanu dhowr goor lasoo xidhiidhay dad reer Maakhira isagoo ka codsanay in laga iibsado laakiin qof waliba waa ka cararay isagoo sharaftiisa ilaashanaya waana kan Mulkiilaha iska leh web-site la magac baxay

 

Galgalashaxunnews/Galagalanews:-

 

Osman Adan Fax +252.1651069

 

Room 206, Shire Business Center

 

Howlwadag Street

 

Mogadishu, BANADIR SO 450

 

Hadaad u baahantay xog dheeraada fadlan garaac www.dnstools.com ka dibna page kusoo baxo waa taabataa boxka ka horeeya “Do it all” oo ah iwada tus halka ka hoosaysana waxaad ku qoraysaa Galgalanews ka dibna waxaad click siisaa Go waxaanad arkaysaa cida webkan masuulka ka ah meesha lagala xidhiidhayo,

 

Kadib markii lagu guuldarastay wixii loo sameeyay waxa loo daayay inuu siduu doono ka yeelo jaamac yare waayo iibna ku waaye qorshahoodiina waa u socon waayay waxaana iminka maalgeliya siduu siyaasada cali khaliif galayr u fulin lahaa mulkiilaha jidbaale.com oo ah ninkii loo adeegsaday samaynta magaca SSC oo ay ka cadeeyeen TVGA UNIVERSAL inay yihiin Majoratiga sool sanaag cayn inta la degtaana ay yihiin minority Hadalka waxa TVga ka cadeeyay gudoomiyaha Jaaliyad Reer Sool,

 

waana duuban tahay qorshaha reer Sool ay doonaya inay fara maroojiyaan siyaasadeena waxa galgala kula wadaaga mareegyo kale waxaana idiin sheegayaa mareegtaas kale siday u taageeri jirtay Puntland iyo waxa hada ku kalifay aflagaadaynta maamulka Puntland iyo faafinta Magaca ssc waan soo bandhigay hadii alle ka dhigo iyagana Ma ihi nin lagu eryan karo aflagaado mareeg yar lagu soo qoro laakiin cid kastoo wada majara xaabinta shacab dhan oo aan cidna colaad u qabin waan sheegayaa waxay doonto hasoo qorto galgalanews caydiinana waad ku mahadsan tihiin aniga aflagaado iga reeban.

 

By Abdirahmaan dhoore

 

Starcc90@hotmail.com

 

Sanaagpost News Desk/London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this