Cowke Posted May 30, 2010 Wasiirka Kaluumeysiga Puntland oo Aan Ka Waraysanay Xaaladda Buuhoodle May 30, 2010 Wasiirka Kallumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Puntland oo ka mid ah wefdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ku sugan degmada Buuhoodle oo wareysi siinayay Horseed Media ayaa sheegay in xiisad la sheegay in ay ka taagan tahay degmada Buuhoodle oo u dhaxeysa dadweynaha iyo Ciidamada Itoobiya ay waqtigaan dejiyeen. Maxamed Faarax Aadan ayaa sheegay in xiisadaasi ay timi ka dib markii Ciidamada Itoobiya ay ka kaxeysteen gudaha degmada Buuhoodle gawaari gaaraysa 15 oo ay la aadeen degaanka Gaashaamo ee xadka Itoobiya. Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay la kulmeen qaar ka mid ah Saraakiishii kaxeystay baaburtaas isla markaasina Saraakiishaasi ay u sheegeen in amarka gawaaridaasi ay ku kaxeysteen uu yahay mid uga yimi Saraakiisha ka saraysa. Maqal Waraysiga Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ”Baaburtaasi waa la cashuuraya ama waa la ganaaxaya ama waa la sii deynaaya, laakinse annaga wax kastawaxaa nooga dhib badan in dhibaato ay dhacdo oo dad nooga dhinto…”ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sheegay in Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladda Puntland ay xirrir la sameyeen Dowladda Itoobiya ayna kala hadleen dhacdada dhacday sidii wax looga qaban lahaa isagoo sheegay in Dowladda Itoobiya ay uga garaabtay dhacdadaasi. Wasiirka ayaa xusay inuu aad uga xunyahay in hantida dadweynaha loo geysto dhibaato, wuxuuna dadweynaha iyo Ciidamada Itoobiya ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo deris wanaaga. Xaalada degmada Buuhoodle ayaa saaka iyadu ku waaberistay jawi xiisad colaadeed ah, waxaana laga cabsi qabay inuu dagaal ka dhaco halkaasi. Wareysi Quote Share this post Link to post Share on other sites