Som@li Posted February 2, 2005 Samsam Axmed Ducaale oo xabsiga laga sii daayay Burtinle-Online Arbaco, Febraayo 02 2005 Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa tibaaxaya in xabsiga laga sii daayey Samsam Axmed Ducaale oo in mudo ahba u xirneyd maamulka Korneyl Daahir Riyaale Kaahin. Samsam oo 17 sano jir ah ayuu maamulka Korneyl Riyaale ku eedeeyay in ay damacsaneyd in ay disho Madaxweyne xigaha maamulkaas ninka lagu magacaabo Axmed Yuusuf Yaasiin. Eedeymaha maamulka Riyaale ayaa sababay in gudoomiyaha Maxkamada gobolka Hageysa uu 5 sano oo xarig ah ku xukumo gabadha yar. Wasiirka cadaalada ee maamulka Korneyl Riyaale ninka lagu magacaabo Axmed Xasan Cali (Casoowe) ayaa saxaafada u sheegay in amar kasoo baxay Madaxweyne ku xigeenka lagu cafiyay Samsam Axmed Ducaale. Warar habeenimadii Talaadada soo gaaray Burtinle-Online ayaa sheegaya in Samsam lagu wareejiyay Dr. Qanim Alnajjar oo ah sarkaal u shaqeeyay Hay'ada Qaramada Midoobay kuna howlan ilaalinta xuquuqda aadanaha. Wararka nasoo gaaraya ayaa intaa ku daraya in maalmaha soo socda Samsam loo duulin doono magaalada Boosaaso. Sii daynta Samsam ayaa sahli doonta in laga sal gaaro eedeymo loo jeediyay maamulka Korneyl Daahir Riyaale oo ahaa in ilaalada Madaxweyne Xigaha maamulkaas Axmed Yuusuf Yaasiin kufsadeen gabadha yar. Burtinle-Online editor@burtinle.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted February 2, 2005 Alxamdulilaahi Rabil Caalimiin Alshukrililaah. May Allah reward her Janna for the pain she suffered. God Bless her with good husband and children. Quote Share this post Link to post Share on other sites