Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mohamed Dheere Got Assaylum

Recommended Posts

Dowladda Wadanka Switzerland ayaa megengelyo siyaasadeed siisay Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere), waxaana Maxamed Dheere la sheegayaa inuu haatan ku sugan yahay dalkaasi.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) uu sii joogi doono labada sano ee soo socota dalka Switzerland, hase yeeshee lama sheegin inuu wadankaasi ka tegayo iyo in kale, waxaana la sheegayaa in Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Maxamed Dheere ay la socdaan in ka badan shan xubnood oo ka tirsan eheladiisa, kuwaasi oo iyana qeyb ka ah wafdiga M/Dheere la socda ee iyana megengelyada siyaasadeed la siiyay.

 

Dhinaca kale dadweyne aad u fara badan ayaa saakay isugu soo baxay degaanka ceelasha biyaha, kuwaasi oo dowladda wadanka Switzerland ka dalbaday inay ka noqoto go'aankeeda ay megengelyada siyaasadeed ugu fidisay Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere), iyagoona sheegay inuu ahaa mas'uulkii u horseeday dhibaatada iyo barakaca la soo gudboonaaday .

 

Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaayay sidoo kale muddo sagaal bilood ah oo aan la siinin wax raashin ah, tan iyo markii ciidamada Itoobiyaanka ah ay ka soo saareen degaanadooda, waxayna sheegeen in arrinaasi barakacooda la xiriirta uu sabab u ahaa maamulkii hore ee G/Banaadir oo madaxda uu ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere).

 

Kaamamka Baar Magoog iyo Hab Wanaag oo ay ku jiraan barakacayaal fara badan ayaa madaxdoodii ka hadashay isu soo baxaasi, iyadoo Guddoomiyaha kaamka Baar Magoog C/llaahi Daahir Diini uu shaaca ka qaaday inaysan weli wax gargaar ah soo gaarin kaamka uu maamulo.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha 105-Kaam Sheekh C/Nuur Axmed Cali (Sheekh Macruuf) waxa uu isna shaaca ka qaaday in kaamamka uu mas'uulka ka yahay dadka ku jira ay la liitaan caafimaad xumo iyo nafaq darri, isla markaana aysan jirin waxbarasho laga saacido caruurta halkaasi ku jirta.

 

Tallaabada Dowladda Switzerland ayaa noqoneysa tallaabadii ugu horeysay oo megengelyo siyaasadeed siisa shaqsiyaadka iyo hormuudka siyaasadda dalka hoggaamiya, inkastoo la filayo in dalal kalena ay iyana megengelyo siyaasadeed u fidiyaan hoggaamiyayaal siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

hee maxaad ku qoslaysaa ,, miyuu ku ag fadhiyaa ?
:D

Maya ...kuwa kale oo raba in ay tahriban aya i ag fadhiya. Muse Sudi ayad ka taqan... :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Juje:

quote:Originally posted by Jacaylbaro:

hee maxaad ku qoslaysaa ,, miyuu ku ag fadhiyaa ?
:D

Maya ...kuwa kale oo raba in ay tahriban aya i ag fadhiya. Muse Sudi ayad ka taqan...
:D:D
Waar inaadeerow bal odaygaasna meel uun ha loo raadiyo ... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Cumar Finnish iyo Qanyare ayaa lagu sheegaay iney u dhoofeen Paraguay, website Soomaali ah ayaan ka akhrinayey maalin dhaweed,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

^^^Sharif Amxaar & Adan Madobe are in worse position , tell my ina adeer Omar to stay away.

Thank you for your concern - 'your ina adeer' Omar is fulfilling his responsibilities and is never a coward who turns away from situations whether they are bleak or worse. He is adamant to straighten and solve the dire issues and Insha Allah he will do so. And yes, what ever this admin is he is part and parcel of it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

mar hadii xilkii warlord nimada ku wareejiyeen wadaaddii dee meesha waxba uma yaalaane ,,,, iyaguna meelahaasay geli, hawshiina halkii baa laga sii wadi ... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thank you for your concern - 'your ina adeer' Omar is fulfilling his responsibilities and is never a coward who turns away from situations whether they are bleak or worse. He is adamant to straighten and solve the dire issues and Insha Allah he will do so. And yes, what ever this admin is he is part and parcel of it.

Agreed with everything except the last line, how dare you compare Omar AbdiRashid Sharmarke to Sharif Amxaar, Ibbi, I sold the sea Abdishakur and others? How dare you :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually not a bad move. If we can send all the worlords to overseas including shabaab Somalia will become peaceful. Who will take shabaab? I have no idea.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Peace Action:

Who will take shabaab? I have no idea.

Duke aya meel u radradinaya , so we wait to hear from him... :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this