Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Hotels's dithering brings misery to Beledweyne

Recommended Posts

Baladweyn: Xisbul Islaam & DF oo ku dagaalamaya Baladweyn gacan ku heynteeda.

4. november 2009

 

Baladweyn(AllPuntland)- APL ayaa heshay warka sheegaya in ay dagaalo ka socdaan magaalada Baladweyn ee gobalka Hiiraan, kuwaas oo udhaxeeya mucaaradyada hubeysan ee ka soo horjeeda dawladda Faderaalka Soomaaliya & ciidamo uu hogaaminayo Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan.

 

Dagaalada oo socda ayaa khasaaraha ay geysteen aan la garan karin,waxa ayna dhinacyadu isku adeegsanayaan hubabka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegayaan Wariyaasha ku sugan magaalada Baladweyn.

 

Dagaalkan ayaa ka socda meel ka durugsan magaalada Baladweyne, ayadoo lasheegay in ay dagaalka qaadeen xoogaga mucaaradsan dawladda KMG ah, oo ka careysan hadal ka soo baxay TFG-da oo ku aadanaa in ay kooxahaasi ka saareen magaalada Baladweyne.

 

Dadka magaalada Baladweyne ayaa qaba cabsi ku aadan in ay dagaaladan saameyn weyn ku yeesheen gudaha magaalada, ayagoo ay sheegayaan in ay arkayaan Xarakada Al- Shabaab oo diyaar garoobeysa galida dagaalkan.

 

Al- Shabaab hadii ay gasho dagaaladan Magaalada Baladweyne, dad badan ayaa cabsi ka qaba in ay soo galaan ciidamada dawladda Itoobiya oo ku sugan meel aan wax badan ka fogeyn magaalada Baladweyne.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baladweyn:Dagaal xoogan oo goor dhaw ka qarxay duleedka Baladweyn

4. november 2009

 

Baladweyn(AllPuntland)Dagaalo xoogan ayaa saaka dib uga qarxay afaafka magaalada Baladweyn ee G/Hiiraan halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada dawladda iyo xoogaga ka soo horjeeda.

 

Dagaalka ayaa bilawday markii xoogaga mucaaradka ay weerareen xarun ciidan oo ay ciidmada dawladda ka joogeen buurta Janta-kuutdishe oo ay ku duqeeyeen madaafic nuuca hoobiyayaasha ah.

 

Magaalada Baladweyn ayaa laga maqlayaa daryanka madaaficda labada dhinac inkastoo aan magaalada wali gudaha la isula soo galin.

 

Wixi ku soo kordhaa kala soco xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH: Dagaal culus oo goor dhow ka qarxay Janta Kundishe

 

Dagaal ayaa goor dhow ka qarxay Buurta Janta Kundishe oo qiyaastii 5KM dhinaca bari ka xigta Magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda.

 

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii weerar rogaal celis ah ay qaadeen Xoogaga Xisbul Islaam oo maalmo ka hor looga itaal roonaaday dagaalo ka dhacay Duleedyada Beledweyn.

 

Inkastoo Magaalada Beledweyn wax ciidan ah ku sugneyn, ayaa hadana labada dhinac ee maalmahan dagaalamayay ahaayeen kuwo magaalada banaanka ka ahaa oo daafaheeda ku dagaalamayay.

 

Warar xog ogaal ayaa sheegaya in Ciidamadii Dowladda ee ay wateen Dabageed iyo Aadan Garaaso laga saaray Buurta Janta Kundishe oo ah goob istiraatiiji ah, waxaana dagaalka ka socdaa deegaanada howdka.

 

Hubka la isu adeegsanayo dagaalka ayaa ah mid si weyn loogaga maqlayo gudaha magaalada Beledweyn, waxaana la sheegi karin qasaaraha dagaalka uu geysanayo, iyadoo hubanti tahay in qasaaruhu noqdo mid ku koobmo labada dhinac dagaalka dhex maraya.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baladweyn: Ciidamada DF oo laga qabsaday Buundadii Janta- Kun dishe.

4. november 2009

 

Baladweyn(AllPuntland)- Wariyaasha APL ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dawladda Soomaaliya laga qabsaday Buurtii ay saldhigyada ku lahaayeen, isla markaasna hada laga qabsaday guud ahaan meelihii ay joogeen.

 

Wariyaasha ayaa sheegay in ay labada dhinacba la kulmeen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana si gaar ah loo xaqiijiyey in ciidamada dawladda KMG ah laga qabsaday gaadiid dagaal, ayna wali socdaan dagaalada oo xoogeystay.

 

Goob-joogayaasha magaalada Baladweyne oo saakadii hore maqlayay rasaasta ayaa sheegay in ay hada ka fogaatay rasaastaas, isla markaasna ay taasi umaleyn karaan in ay rasaastaas durugtay lagana awood badatay ciidamada dawladda Soomaaliya.

 

Yuusuf Axmed Hagar oo ay la hadashay APL ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo wararkan, wuxuuse qiray in ay jiraan dagaalada oo aad u socda, isagoo sheegay in marba qolo laga guuleysan karo hadii uu dagaal dhaco, wuxuuna shaaciyey in aysan ka laaban doonin qorshahooda ah in ay qabsadaan magaalada Baladweyne.

 

Afhayeen magaciisa ku sheegay Cabdi rixmaan Sheekh oo ka tirsan Xisbul Islaam ayaa sidoo kale Telfoonka ugu sheegay APl in ay dagaaladan, guulo wanaagsan ka gaareen, ayna ku daba jiraan soo qabashada dadka uu sheegay in ay dagaaladan markii hore soo abaabuleen, oo ula jeeday dhinacyada ka soo horjeda ee dawladda Soomaaliya ah.

 

Saacad kasta AllPuntland.com kala soco wararkii ugu dambeeyey uguna xiisaha badnaa ee dalka Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland, News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fresh fighting kills 7, injures 11 in central Somali town

4 Nov 4, 2009 - 5:01:25 AM

 

At least seven people have been killed while eleven others sustained injuries on Wednesday in a fresh fighting between Somali government forces and Hizbul Islam rebel fighters in Beledweyn town, the capital of Hiiran Region, approximately 206 miles (332 km) north of the capital Mogadishu, witnesses and officials said.

 

The fighting started after rebel fighters carried out attacks on Somali forces based in a village outskirts of the town, prompting heavy gun battle that spread into the western wing of the central town.

 

Mohammed Osman Arus, a spokesman for Hizbul Islam said his group has crushed the Somali forces, killing several soldiers and recapturing the town.

 

“Early today, we carried out heavy attacks on the Somali government forces’ base in the outskirts of the town. We managed to oust them from there and inflict them heavy casualties,” he told reporters in Beledweyne, adding that his group have lost some fighters and others injured

 

He also claimed that his fighters have captured several soldiers who are currently held in the town, declining to outline what steps his group will take against the prisoners.

 

The defeated government forces have regrouped in Elgal, a village 13 kilometres north of Beledweyne. Some government soldiers in Mogadishu have confirmed that the strategic town has fallen into the hands of the rebel group.

 

Residents have also confirmed the presence of battlewagons belonging to Hizbul Islam and several fighters stationed in the town’s regional offices.

 

The town, which strategically borders Ethiopia and connects the capital Mogadishu to central Somalia, has changed hands several times in recent weeks.

Somalia has been marred by years of civil war which erupted after the ouster of President Mohammed Siad Bare in 1991 by Mogadishu warlords.

 

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this