Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Met with the World Bank Delegation

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland oo maanta xafiiskiisa ku qabilay waftigii ka socday Baanka Aduunka

 

WorldBank07.jpg

 

Hargisa(QARAN)-Waxa shalay dalka yimid wafti balaadhan oo ka socda Baanka aduunka kuwaasi oo hawlo shaqo ah u yimid Somaliland,waftigani ayaa saaka kulan fool ka foola ah waxa ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin,kulankan oo ay madaxweynaha ku weheliyeen xubno sar sare oo ka mid ah xukumadiisa oo uu ka midyahay wasiirka qorsaynyta qaranka iyo xubno kaleba.

 

Dhanka kalena warsaxaafdeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadadqa Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada ayaa waxa uu u dhidhnaa sidan. Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Riyaale Kaahin waxa uu maanta xafiiskiisa

ku qaabilay wafdi ka socda Baanka aduunka (word bank) oo socdaal toban maal

mooda ku kala bixin doona JSL wafdigaas oo ujeedada socdaal koodu yahay

in ay ka caawiyaan Somaliland habka loo maamulo dakhliga dalka ka soo gala

cashuuraha iyo xirfadaha casriga ah ee lagu maamulo lacagaha cashuuraha ee

ka soo baxa kastamada iyo laamaha ganacsiga ee dalka.

Wafdigaasi inta ay jogaan Somaliland wax ay tababaro kala duwan siin

donaan Hay’adaha dowliga ah ee maamula lacagaha.

 

Madaxwaynaha JSL hadal kooban oo soo dhawayna u ujeediyay wafdiga waxaa

uu ugu mahad naqay imaatinka ay yimadeen dalka Somaliland, isaga oo uga

waramay Somaliland wixii ay qabsatay kaligeed iyadoo isku tashatay wax

kaalmo ahna aan ka helin aduunka intiisa kale.

 

Madaxwaynuhu waxa uu urajeeyay waftiga ka socda bangiga caalamiga ah ee

dunida inay Somaliland si wayn uga faa’iidaysan doonto xirfadaha iyo aqonta

ay u lee yihiin habka loo maamulo lacagaha dakhliga ah ee dalka soo gala.

 

Waftigaasi inta ay jogaan dalka waxa ay si toos ah ula shaqayn donaan

Hay’adaha dowliga ah ee maamulka lacagaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this