Jacaylbaro Posted September 12, 2007 Madaxweynaha Somaliland oo maanta xafiiskiisa ku qabilay waftigii ka socday Baanka Aduunka Hargisa(QARAN)-Waxa shalay dalka yimid wafti balaadhan oo ka socda Baanka aduunka kuwaasi oo hawlo shaqo ah u yimid Somaliland,waftigani ayaa saaka kulan fool ka foola ah waxa ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin,kulankan oo ay madaxweynaha ku weheliyeen xubno sar sare oo ka mid ah xukumadiisa oo uu ka midyahay wasiirka qorsaynyta qaranka iyo xubno kaleba. Dhanka kalena warsaxaafdeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadadqa Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada ayaa waxa uu u dhidhnaa sidan. Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Riyaale Kaahin waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka aduunka (word bank) oo socdaal toban maal mooda ku kala bixin doona JSL wafdigaas oo ujeedada socdaal koodu yahay in ay ka caawiyaan Somaliland habka loo maamulo dakhliga dalka ka soo gala cashuuraha iyo xirfadaha casriga ah ee lagu maamulo lacagaha cashuuraha ee ka soo baxa kastamada iyo laamaha ganacsiga ee dalka. Wafdigaasi inta ay jogaan Somaliland wax ay tababaro kala duwan siin donaan Hay’adaha dowliga ah ee maamula lacagaha. Madaxwaynaha JSL hadal kooban oo soo dhawayna u ujeediyay wafdiga waxaa uu ugu mahad naqay imaatinka ay yimadeen dalka Somaliland, isaga oo uga waramay Somaliland wixii ay qabsatay kaligeed iyadoo isku tashatay wax kaalmo ahna aan ka helin aduunka intiisa kale. Madaxwaynuhu waxa uu urajeeyay waftiga ka socda bangiga caalamiga ah ee dunida inay Somaliland si wayn uga faa’iidaysan doonto xirfadaha iyo aqonta ay u lee yihiin habka loo maamulo lacagaha dakhliga ah ee dalka soo gala. Waftigaasi inta ay jogaan dalka waxa ay si toos ah ula shaqayn donaan Hay’adaha dowliga ah ee maamulka lacagaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites