xiinfaniin Posted August 12, 2009 Riyaale oo baaq loo jeediyay 11 Aug 11, 2009 - 11:39:31 AM Fadhigii maanta [Aug11] ee Golaha Wakiilada ee maamulka la magac-baxay Somaliland ayaa waxa cod aqlabiyad ah lagu meel mariyay in uu Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Guddiga Doorashooyinka ay si deg deg uga noqdaan go'aankoodii hore ee ahaa in doorashada madaxtooyada lagu gali diwaan gelin la'aan, iyadoo go'aankaasi oo khilaaf weyni ka dhashay kaasi oo ilaa hada taagan. Fadhigan oo ahaa mid daba socday fadhiyo maalmahan ka socday xarunta Golaha Wakiilada oo dood kulul jilbaha la isku dhigay waxa aakhirkii maanta laga soo saaray go'aan ka kooban afar qodob waxanay kala ahaayeen: 1. In go'aankii Guddiga Doorashooyinka ku laalay natiijadi diwaan gelinta cod bixiyayaashu aanu ahayn mid sharciya. 2. In Guddiga Doorashooyinka iyo Madaxweynuhu si deg deg ah uga noqdaan, isla markaana ku dhaqmaan xeerarka doorashooyinka madaxtooyada iyo deegaanada iyo xeerka diwaan gelinta codbixiyayaasha. 3. In Golaha Wakiilada Somaliland qaado talaabooyinka u dastuurku u jideeyay, hadii ay Madaxweynaha iyo Guddiga Doorashooyinka ku dhaqmi waayaan go'aanada ka soo baxa Golaha Wakiilada. 4. In Xukuumaddu ka fogaato talaabo kasta oo xumayn kara xidhiidhka beesha caalamka iyo Somaliland una hogaansanto wanaajinta xidhiidhka caalamka si aanu u dhaawacmin ictiraafka ay Somaliland ka doonayso beesha caalamka. Ilaa hada wax war ahi kama soo bixin dhanka Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo ku saabsan go'aanka ay maanta gaadheen Golaha Wakiiladu, waxana maanta si weyn ugu badnaa dhagaha dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa hadal haynta go'aankan cusub iyo saamaynta siyaasadeed. Maxamed Jamaal, Garowe Online Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 12, 2009 Pres. Riyaale Rejects Parlaiment Decision.Condems Interpeace Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 13, 2009 September 27th is the big day. patience is wearing thin. Quote Share this post Link to post Share on other sites