Sign in to follow this  
General Duke

Warlords ignore Sharif Xasan + Salax lobbying Arab support for TFG

Recommended Posts

Kulankii uu ku baaqay Guddoomiyaha baarlamaanka oo aysan ka soo qaybgelin Wasiirrada Hubeysan

Posted to the Web Jan 18, 14:40

 

 

Muqdisho (PP) – Kulan maanta ay ku yeesheen xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan uuna shir guddoominayay Guddoomiyaha Baaramaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaanay ka soo qaybgalin wasiirrada hubeysan.

 

Kulankaan ayaa ahaa mid uu ku faafaahinayay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan safarradii uu ku soo kala bixiyay dalalka Masar, Kenya, Dubai iyo Yemen oo ay ku kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiye Shariif Xasan ayna ku gaareen heshiis ka koobnaa shan qodob.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ugu baaqay shalay markii uu soo gaaray Muqdisho in xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ay isugu yimaadaan kulan uu ku faafaahinayo heshiiskii isaga iyo Madaxweyne Yuusuf ku dhex maray dalka Yemen, waxaase ka yaabisay kaddib markii ay soo xaadiri waayeen wasiiradda hubeysan.

 

Kulankii maanta ayaa markii la furay waxaa warbixin uu guddoomiye Shariif Xasan uu warbixin uga dhageystay Afhayeenka labada gole ee Muqdisho Mudane Cumar Xaashi Aadan oo ahaa ku simaha guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana warbixintaas uu ku faafhaafiyay wixii is baddalay intii guddoomiyaha uu dibadda dalka uga maqnaa.

 

Intaas kaddib ayaa waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay inuu magaalada Qaahira kaga qaybgalay kulankii Baarlamaannada dalalka Carabta, sidoo kalena uu kaga qaybgalay Imaaradda Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta aaskii Amiirkii dhawaan dhintay ee Imaaraddaas iyo isagoo sheegay in Yemen uu u tagay sidii uu heshiis ula soo saxiixan lahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Shariif Xasan oo faahfaahin dheeri ah uga bixiyay xildhibaannada Muqdisho ayaa ku tilmaamay heshiiskaas inuu ahaa mid lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay dowladdu hal meel ku shaqeyso.

 

Xildhibaannadii maanta ka soo qaybgalay kulankaas ayaa si weyn ugu qancay sida uu guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan u qeexay heshiiskii uu Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed kula soo yeeshay Magaalada Cadan ee Dalka Yemen, isagoo sheegay in kulan kale oo looga hadlayo halka lagu qabanayo kulanka baarlamaanka ay isugu imaan doonaan Maalinta Sabtida ah ee soo socota haddii ALLE idmo.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Saalax oo ku hawlan sidii ay J/Carabtu ay taagero dhaqaale ugu fidin lahayd Soomaliya

San'a:- Sida ay ku warrantay wakaalada wararka Yemen ee SABA.

 

Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax ayaa waxa uu ku hawlan yahay sidii ay Jaamaaca Carabtu ay uga qayb qaadan lahayd dadaalada horay loogu riixayo heshiiski dib u heshined ee Soomaliya.

 

Iyada oo laga ambaqadayo qodobadii ay Madaxweyne Yusuf iyo Gudoomiye Sharif ay qalin ka ku duugeen heshiiski Cadan.

 

Masuul ka tirsan xukumada Yemen ayaa u sheegay SABA in Jamhuuriyada dalka Yemen ay ka codsatay dalalka Carbeed in ay bixiyaan ballan qaadyadii dhaqaale ee ay Somaliya ugu ballan qaadeen shir madaxeedki Carbeed ee Aljeeriya.

 

Waxana uu sheegay in la doonayo in deeqaha dhaqaale ee Carabtu ay bixinayso si toos ah loogu dhiibo xukuumada Soomaliya, iyada oo ay J /Carabtu ka ciyaarasyo kaalinta isku dabaridka deeqahan.

 

Waxana uu sheegay in codsigan ay xukumada Yemen ay carabta u sii marsiiyay xoghaya guud ee Jaamacada Carabta.

 

Waxana uu masuulkani intaa raaciyay in xukuumada Yemeni ay bixisay ballanqaadyadii dhaqaale ee ay Somaliya ugu yaboohday shir madaxeedkii Carbeed taas oo qayb ka ah daadalada ku jihaysan dib u dhiska Somaliya, dib u soo celinta hay'adihii asaasiga ee dawlada iyo xasilooni ku soo dabaalida Soomaliya iyo guud ahaanba Geeska Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Wadh hedhe , ma tahlishii ayad cabtey misina. Sotaad cadheysneed , mise waa lagu so cadho celiyay huuno? Waxay meshi baad ka miste hadana? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this