Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Hotel silent as Al Shabaab takeover schedule programming of Radio's

Recommended Posts

Idaacadaha Muqdisho oo si Live u tabinaya Khudbado Saraakiisha Alshabaab ka jeedinayaan Masaajidka Abuu Hureyra.

 

Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Muqdisho ayaa goor dhow bilaabay sii deynta Khubado muddo saacado soconaya oo Saraakiisha sar sare ee Xarakada Alshabaab ka jeedinayaan Masaajidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

 

Ilaa shan ka tirsan Idaacadaha ku yaal qeybaha ay maamulaan Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ayaa si Live ah u tabinaya Khudbadaha, iyadoo Idaacadahana ay u dhaga nuglaadeen amaro saaka la faray, kaas oo ahaa in ay ilaa 12-ka duhurnimo ilaa sagaalka galabnimo ay si toos ugu jirto.

 

Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf ayaa khudbad ka jeedinaya Masaajidka Abuu Hureyra, iyadoo khudbadaas ay si toos haatan uga baxeyso Idaacadaha qaar sida Idaacada Horn Afrik, Shabelle, Simba, Danan Radio iyo Idaacada kale ee Capital Voice oo mataan la ah Horn Afrik.

 

Khudbadaha ayaa ah kuwo Shabaabka ku cabirayaan xaaladaha dalka ka jira, gaar ahaan ahdaaftooda gaarka ah, waxayna u muuqdaan kuwo Idaacadaha si sanka dule ah uga gudbinayaan.

 

Idaacadaha la heysto ayaa waxay hakad geliyeen dhamaan wixii warar iyo barnaamij ahaa ee ay sii deyn jireen, waxaana ay u muuqdaan kuwo saacado lagala wareegay wixii howl ah oo ay bulshada u hayeen.

 

La soco wixii ku soo kordha khudbadaha laga jeedinayo Masaajidka Abuu Hureyra.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this