Sign in to follow this  
General Duke

LA: THE PEOPLE CHANT Dooni-meyno Soomaali diidka Dooni-meyno dhuuniqaatayaasha”

Recommended Posts

Laascaanood: “Dooni-meyno Soomaali diidka Dooni-meyno dhuuniqaatayaasha” Dibadbax balaaran oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

 

3. oktober 2007

Laascaanood(AllPuntland)- Kumanaan qof oo reer Puntland ah ayaa isku soo baxay Fagaarayaasha magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ,dadkana waxa ay adeegsanayaan Faasaas ,Burar iyo waliba dhagax tuur xoogan.

 

Mudaharaadyadan ayaa bilowday saaka waabarigii waxa ayna socdeen ayagoo roobab ka socdaan magaalada Laascaanood ,waxa ayna wararku sheegayaan in khasaare ka dhashay ayadoo dhawaacyada qaar yihiin dhagxaan dadku dhinteen.

 

Dadweynaha ayaa socodka waxa ay ku bilaabeen goobihii ay joogeen Maleeshiyadii taageersanaa Maamulka isku magacaabay Somaliland waxa ayna dhagxaan ku tureen guryo kuyaala deegaankaasi waxa ayna wararku sheegayaan in dadweynaha tageen goobaha ay joogaan kooxaha Maleeshiyaadka.

 

Eryada ay adeegsanayaan dadkan ayaa ah “ Dooni meyno Soomaali diidka ,Dooni meyno Dhuuni qaatayaasha iyo waliba Erayo kale oo xamaasad ku abuuray Dadweynihii mudaharaadyey.

 

Waxaa xirmay dhamaan goobihii ganacsiga ee magaalada Laascaanood ,waxaa socda diyaar garow dagaal waxa ayna dadku doonayaan in ay aadaan dhinaca deegaanada dagaalada laakiin ciidamada Puntland ayaa dadka udiiday in ay halkaasi galaan.

 

Faa’isa Cabdi Dhalac oo ka mid ah howlwadeenada Madaxtooyada Puntland ayaa AllPuntland usheegtay in dibad baxyadan aysan ka qeybgalin masuuliyiin ka tirsan Puntland.

 

Faa’isa waxa ay sheegtay in mar walba dagaal laga cabsi qabo ayadoo sheegtay in ciidamada dowlada gobaleedka Puntland ay magaalada amnigeeda siweyn usugayaan.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee magaaladana waxa ay sheegayaan in xaaladu degan tahay maanta oo aysan jirin wax dagaal ,balse cabsi xoogan oo arintaasi ku aadan ay jirto.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaan Bax Xoogan Oo Wali Ka Socda magaalada Laascaanood

 

(Laascaanood}3.10-7

banaan bax xoogan oo wali ka socda magaalada laascaanood iyo banaan baxayaasha oo gubay astaanta calanka u ah maamulka hargeisa.............................

 

Banaanbax balaadhan oo looga soo horjeedo ciidamada cadowga ah ee somalidiidka ayaa ayaa ilaa hadeer wali ka socda dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada laascaanood.

 

Banaanbaxan oo ay ka soo qeybgaleen kumanaan qof oo isugu jira Rag iy Dumar ayaa looga soo horjeeday ciidamada Cadowga ah ee somaliland ee la sheegay inay soo galeen meelo ka mid ah gobolka sool iyadoo sidoo kale lagu taageerayey difaaca adag ee ay kujiraan ciidanka mujaahidiinta ah ee maamul goboleedka somaliyed ee puntland.

 

Dadka banaanbaxa ka soo qeybgalay qaarkood oo shacauurtooda aad u kacsaneyd ayaa watay boodhaadh ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Kala qoqobkii waa dhamaaday, isaaqland waa cadow soo jireen ah” iyo ereyo kale oo ka tarjumaya ujeedada banaanbaxa maanta uu ku saleysnaa.

 

kadib markii ay dhanka koonfurta magaalada laascaanood u gudbeen banaan baxayaashaas ayaa waxaa rasaas soo huwiyay maleshiyaad gabaad ka dhiganayay halkaas kuwaas oo dadkii kala erayay balse koldanbe ayay dib isu soo habeeyeen iyagoo halkii kasii watay banaan baxa.

 

banaan baxayaasha oo dhinac marayay xafiiska radio widhwidh ayaa aanu lakulanay isla markaana aanu weydiinay ujeedada banaaanbaxa saaka.

 

"waa banaan bax aanu ku diidanahay nidaamka xagjirka ah ee kajira hargeisa iyo shirqoolada laga soomaleegayo asmara waa banaan bax aanu isga kicinayno cadow aanu mudo u dul qaadanaynay" ayay si cadho leh u tidhi mid kamid ah haweenkii banaan baxa samaynayay oo gacanta midigna kuwadatay faash sifiican u afaysnaa.

 

banaanbaxayaasha oo ilaayo hadeer oo salaadii duhur lagu jiro banaan baxaya ayaa waxay gubeen calanka sadaxda rinji ka kooban ee ay astaanka ka dhigtaan ciidamada cadowga ee maamulka hargeisa.

 

banaan buxu wali wuu socdaa wixii soo kordhana waan idiin soo gudbin doonaa insha allaah

 

Jordan:::Widhwidh Online News Desk..media center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax xooggan oo manta ka dhacay magaalada Laascaanood.

 

Laascaanood (WNT)-Banaan bax si wanaagsan loo aggaasimay ayaa manta abbaarihii 11.30 xilliga bariga Africa ka dhacay magaalada Laascaanodd ee xarunta gobolka Sool.

 

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay dhamaan wadooyinka waaweyn ee magaalada kuwaas oo ku qaylinaya halku dhigyo ay kaga soo horjeedaan maamulka Soomaaliland ee fadhigiisu yahay magaalada Hargaysa .

“Soomaaliland dooni mayno' Dhuuni qaate dooni mayno” ayey ku qaylinayeen banana baxayaashu iyo weliba hal ku dhegyo kale oo dhan ka ah isla maamulka Soomaaliland.

 

banaanbaxayaasha ayaa boorar waa wayn la dhex qaadayey wadooyinka waaweyn ee magaalada laascaanood iyagoo dhagax tuuraya meheradaha furan si ay ugala qaybtaan banaanbaxa.

 

 

Banaanbaxaan ayaa ilaa iminka la ogayn cidda soo abaabushay ayaa ahaa

 

kii ugu xoogga badnaa ee abid ka dhaca magaalada Laascaanood, iyadoon baanaan baxaani uusan keenin wax rabsho ah.

Mudaharaadka manta ayaa ku soo beegmay xilli magaalada Laascaanood ay maalmihii ugu danbaysay ay noqotay xarun dagaal, oo isaga hor yimaadeen maamullada Puntland iyo Soomaaliland,rabshadaahs oo keenay dhimasho,dhaawac iyo maxaabiis la kala qabsaday.

 

Baashi Jaamac

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

HornAfrique,

 

look closer at the kid...if that flag was burning and that was real fire, then that kid's head is not alive anymore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this