Allamagan Posted June 22, 2007 "Wallee sagaaro ima barato" nin baalaga sheegay Dagaalo lagu kala qabsaday gawaari dagaal oo ka dhacay duleedka Kismaayo Mogadishu 22, June.07 ( Sh.M.Network) In ka badan 2 ruux ayaa ku geeriyootay inta la ogyahay tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib dagaalo xoogan oo saakay ka bilowday tuulo ku taala duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo, iyadoo dagaaladaasi lagu kala qabsaday gawaari dagaal iyo fariisimo ciidan. Dagaalkaan oo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ah oo ka soo kala jeeda beelaha **** iyo Puntland ayaa waxa uu bilowday abaarihii 9:30 daqiiqo, waxaana yara qaboobay 12:30 kii duhurnimo sida uu ku soo waramay Wariye ka tirsan shabelle oo maanta gaaray Tuulada Buulo gaduud. Maleeshiyooyinka Beelaha **** ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay jiireen kuwii kale ee fariisinka u aheyd deegaanada Buulo Gaduud iyo Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo oo uu hogaaminayay Col. C/risaaq Afgaduud oo ay isku heyn yihiin Madaxweynaha dowladda KMG ah. Sarkaal sare oo u hadlay Maleeshiyooyinka Beesha **** kana gaabsaday magaciisa ayaa waxa uu shabelle u sheegay in ay ku qabsadeen dagaalkaasi 6 baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo abaanduulihii qeybta koowaad ee ciidamada Col. Aadan Boojaar. Tuulooyinka Buulo Gaduud iyo Goobweyn ayaa haatan dagan, iyadoo ay gacan ku heynteeda ay la wareegeen maleeshiyaadka maamula magaalada Kismaayo. Lama oga wali halka ay cirib iyo jaan dhigeen ciidamadii uu hogaaminayay Col. Afgaduud, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in wali ay isaga soo horjeedaan labada dhinac oo israsaaseyn ay ku dhex mareyso tuulooyin kale oo ku dhow dhow goobtii lagu dagaalamay saakay. Ilaa iyo wali lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, laakiin labo dhimasho ah iyo labo kale oo dhaawac ah ayaa la soo gaarsiiyay Isbitalka magaalada Kismaayo. Source: Daagaal xoogan oo leysku awood sheegtay oo ka socda duleedka magaalada Kismaayo Kismaayo Dagaal aad u qaraar oo leysku awood sheeganayo ayaa xiligaan ka socda dhanka tuulada Buulo Gaduud ee duleedka W/magaalada Kismaayo kaasoo u dhaxeeyo beelaha dega Gado iyo Puntland . Dagaalka oo ah mid aad u qaraar ayaa ilaa iyo hadda la heynin qasaarahiisa dhabta ah ee soo kala gaaray labad ciidan ee ka wada tirsan ciidanka DFKMG laakiina u kala qeybsamay laba beelood oo iska soo horjeeda Dagaalka xalay oo markiisii hore ka bilaawday gudaha magaalada Kismaayo ayaa u muuqdo in loo awood sheegay maleeshiyada asal ahaan ka soo jeeda deegaanada Puntland kuwaas oo loo soo buurtay dhinaca tuulada Buulo Gaduud oo 12KM u jirta magaalada dekadda ah ee Kismaanyo Labada beelood ma ah kuwa dagaalkooda uu cusb yahay iyagoona kal hore ay is gacan saareen laba ciidan ee iska soo horjeeda iyadoona dagaalkii hore loogu awood sheegtay maleeyshiyadii uu hogaaminaayey Col. C/risaaq Afgaduud Waxii soo kordha kala soco dayniile .com Source Quote Share this post Link to post Share on other sites