Sign in to follow this  
General Duke

Beledweyne: Mayor Garaase No one can hinder federal troops

Recommended Posts

Duqa Degmada Beladweyne oo sheegay in ay dagaal kala hor imanayaan cidkasta oo isku dayda inay hor istaagto ciidamada Puntland

 

Beladweyne:-- Duqa Degmada Beladweyne Aadan Garaase ayaa xalay ku dhawaaqay go'aankan

 

Guddoomiyaha Degmada Beladweyne Aadan Garaase ayaa xalay ku dhawaaqay go'aankan.

 

Go'aankan ayaa la sheegay inuu kadeemay kadib markii ay habeenkii xalay ay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran ay isugu yimaaden wasiirada reer Hiiran ee ka tirsan DFKMS, Guddoomiyaha Degmada Aadan Garaase iyo weliba qaarkatirsan saraakiisha ciidamada reer Hiiran

 

Mas'uuliyiintan reer hiiran ee xalay shiraysay ayaa la sheegay inay magaaalada Mustaxiil kula soo shireen madaxweyne Cabdilaahi Yusuf markii uu halkaas booqashada ku tegay.

 

Aadan Garaase oo kulan kadib saxaafada la hadalayey ayaa sheegay in kulankii xalay ay yeesheen ay ku soo dhamaynayeen barnaamijyo qabyo ka ahaa ka hor inta aysan Mustaxil u ambabixin.

 

Aadan Garaase mar uu ka hadlayey Ciidama Puntland ee la sheegay inay ku sugan yihiin magaalada Mustaxiil ee dalka Itoopiya waxa uu sheegay in ay ka mari doonan hiiran meelkasta ayka doonaan,waxaana uu isla markasna uu sheegay

in iyagu aysan ka leexan doonin cid walba oo reer Hiiran ah oo isku dayda inay is hortaagan ciidamada Puntland ee doonaya inay u gudbaan dhinaca magaalada Jowhar.

 

Aadan Garaase waxa uu kamid ahaa mas'uuliyinta reer Hiiran ee iyagu horay u diidanaa in ciidamada Puntland ay maraan gobolka Hiiran,

 

fikirkan cusub ee uu qaatay iminka ayaa lala xiriirinayaa is afgarad dhex maray ma'suuliyinta ka soo jeeda gobolka Hiiran iyo madawxeyne Cabdilahi Yusuf mudadii uu booqashada ku joogay magaalada Mustaxiil ee dalka Itoopiya.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this