Sign in to follow this  
Che -Guevara

Baydhabo falls to Al-Shabaab

Recommended Posts

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa ku jirta kala guur, iyadoona Magaalada ay ka oogan yihiin xiisado iyo dareen cabsi dagaal oo laga qabo in halkaas ay ka dhacaan waqtiyada dhow, waxaana bar bar soconaya kulamo ay leeyihiin Odayaasha iyo waxgaradka, kaas oo ay xaalada ku dejinayaan.

 

Barqanimadii maanta ayaa waxaa Magaalada laga maqlayo rasaas iyo qaraxyo is xigay, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac, waxaana jawiga Magaalada uu yahay mid kacsan oo is bedel weyn uu ka muuqdo.

 

Maleeshiyaadka degaanka iyo Ciidamada booliiska oo u kala jab jabay qaab qabiil ayaa waxaana dhex maray is rasaaseyn qadar daqiiqado socotay, waxaana soconaya bililaqo aad u baahsan oo loo geysanayo Xarumihii Dowladda gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada oo saddexdii sano ee la soo dhaafay uu ka howl galayay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf.

 

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka deegaanka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay isaga kala gooshayaan qeybo ka mid ah Magaalada, waxaana dareenka cabsi uu yahay dagaal ay Alshabaab Magaaladaas ku soo qaado.

 

Dadka deegaanka ayaa qaba cabsi xoog leh oo ku aadan in dagaalo lagu jilbo murxo uu halkaas ka dhaco marka ay soo galaan Magaalada Xoogaga Alshabaab oo ku sugan Duleedka Magaalada.

 

Goobihii ganacsiga ayaa ah kuwo albaabada loo laabay, dhaq dhaqaaqii gaadiidka ayaa joogsaday, cid walba ayaa ku sugan Hoygeeda, waxaana ay dhegaha u taagayaan tallaabada xigta.

 

Kulan ay qaateen Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beelaha Digil iyo Mirifle ayay ka soo saareen ilaa Labo gudi oo wax ka dajinaya Xaalada Magaalada, isla markaana la kulmaya Xoogaga Alshabaab si loo baajiyo dagaal ka dhaca Magaalada Baydhabo.

 

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa ku sugan Magaalada Baydhabo, kuwaasoo ka soo jeeda deegaanka, waxaana ay ugu baaqsadeen Magaalada Jabuuti arrimaha bixida Ciidamada Ethiopia oo saaka faarujiyay Magaalada, waxaana la sheegay in Wasiiradaas iyo Xildhibaanada uu horboodayo Maxamed Ibraahim Xaabsade in Maleeshiyaadka deegaanka ay u gacan geliyeen Hubka, isla markaana u sheegeen inay is daafacaan hadii la soo weeraro.

 

Afhayeenka Alshabaab oo dadweynaha reer Baydhabo kala hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay inay Magaalada qabsadaan, waxaana uu u digay Maleeshiyaadka oo uu ugu baaqay inay hubka iska soo dhiibaan, hadii kalena ay afka ciida u darayaan waa sida uu yiri.

 

48-ka saac ee soo socda ayaa la filayaa inay wax iska badalaan muuqaalada kala duwan ee ka taagan Magaalada xarunta u ah Magaalada Baydhabo.

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Qeybo ka mid ah Baydhabo oo ay ka talinayaan Al- Shabaab.

26. januar 2009

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay Koonfurta Magaaladaasi qeybo ka mid ah markan maamulayaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, siiba Kooxda Al- Shabaab.

 

Ciidamo uu hogaaminayo Afhayeenka Ururkaasi Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abu Mansuur) ayaa galay xarun ay ku shiri jireen Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana lasheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay gudaha iyo daafaha Magaalada.

 

Al- Shabaab lama aysan kulmin wax iska caabin ah, waxa ayna ku waramayaan Warar Madax banaan in ay Al- Shabaab isku balaarinayaan Magaalada Baydhabo ee koonfurta Soomaaliya, ayagoo aysan jirin wax iska caabin ah oo kaga imaanaysa dhinacyada ka soo horjeeda ee ku sugan Magaaladaasi.

 

Xubno ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya una dhashay Magaalada Baydhabo ayaa ku sugan magaalada oo uu ka mid yahay Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka tirsanaa Hogaamiyaashii maamulayay Magaalada Baydhabo, intii aysan saldhigan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Dadka Magaaladaasi ayaa dagay, markii ay arkeen in aysan jirin wax dagaal ah oo lagala hortagay Al- Shabaab, waxa ayna dadku Magaaladu maanta bililiqo xoog leh ugeysteen Xarumihii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayagoo galay Xarunta Madaxtooyada oo ay guud ahaan fujisteen, luguna arkayo galabta Darbida oo dhisan oo kaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah Magaalada Baydhaba oo gashay gacanta Alshabaab

 

war hada na soo gaaray ayaa sheegay in dhamaan gabi ahaanba la wareegeen Magaalada Baydhaba dhaliyara diimeydka Alshabaab kuwaa oo gabi ahaanba sugayo amanaka Baydhaba.

 

Xarakada Alshabaab ayaa ka talisa intabadan gobolada dalka iyadoona xiligaan gacanta ku heysa dhamaan Bay iyo Bakool

 

Wali magaalada waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan oo la ogeen cida u dhaxeysa iyadoona la sheegayo xildhibaanadii fara ku tiriska ahaa ee ku harayna ay qateen diyaarad qaas ah oo keneysa magaalada Byadhaba

 

 

dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The entire deep south is under their control. They have formidable presence in Xamar environs, Hiiraan, and central Somalia.

 

The TFG only exists only in name today!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Guul iyo Gobanimo. Bay**** has been the center of the stooges for far too long. Clean their dirt, Al-Shabab, and reconcile with sheikh Shariif.

 

But if Ethiopians were to come back or support a warlord, continue the fight; even against sheikh shariif.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Beydhabo oo goordhow ay la wareegeen xoogagag hubeysan ee Al-shabaab.

 

 

Xoogagga Al-shabaab ayaa goordhow dagaal kula wareegay magaalada Beydhabo halkaas oo ay saaka ka guureen ciidamada Itoobiya.

 

Xoogagga Al-shabaab ayaa muddo kooban dagaal la galay ciidamada dowladda KMG ah oo garab ka helaya maleeshiyo beeleedyo hubeysan.

 

Xarumaha muhiimka ah sida xarunta madaxtooyada, ADC-da iyo saldhigga booliska ayey xoogagga Al-shabaab la wareegeen, waxaana magaalada Beydhabo ka taagan xiisad.

 

Saraakiil sarsare oo uu ku jiro afhayeenka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay gudaha u galay magaalada Beydhabo halkaas oo ah fariisinka labaad ee ugu weyn dowladda KMG ah ahna xarun muhiim u ah dowladda KMG ah.

 

Wixii soo kordha kala soco wararkeena dambe Insha'alaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogaga Ururka Al Shabaab oo la wareegay gacan ku heeynta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyo xildhibaano ay gacanta ku dhigeen.

Posted: 1/26/2009 3:57:00 PM

Shabelle: BAYDHABO

 

Xoogaga ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heeynta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo horay xarun KMG ah u hayeed xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya iyadoo ay gacanra ku dhigeen mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG Soommaaliya.

 

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegayaa in galabta halkaasi ay la wareegeen ciidamada Ururka Al Shabaab kuwaasi oo la wareegay dhamaan xarumihii laf dhabarta u ahaa dowladda KMG Soomaaliya.

 

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya kuwaasi oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Ibraahim ***** Yarow kuwaasi oo ay ku lugaysiiyeen xaafadaha magaalada Baydhabo.

 

Dagaal mudo gooban socday ayaa la sheegay in uu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi iyo xarunta Barlamanka ee ADC-da halkaasi oo ay maanta ku dagaalemeen maleeshiyaad horay uga mid ahaa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo qaab beeleed u kala baxay markii ay ka bixeen magaladaasi ciidamada Ethiopia,waxaana ay galabta xoogaga Ururka Al Shabaab kala ceyriyeen maleeshiyaadkii halkaasi ku suganaa.

 

Majiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ururka Al Shabaab hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in uu magaaladaasi ka hadli doono Afhayeenka Ururkaasi oo la sheegayo in uu haatan gudaha magaaladaasi ku dhex wareegayo.

Maanta ayay aheeyd markii guud ahaan magaaladaasi Baydhabo ay isaga guureen ciidamada Ethiopia ee mudada labada sano aheeyd ku sugnaa,waxaana ay arintaani amaanaysaa xili xoogaga muqaawamada ay tartan ugu jiraan la wareegida goobihii ay baneeyeen ciidamada Ethiopia kuwaasi oo sugaya ammaanka goobahasi.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Islamists seize Somali MPs' base

 

Islamist insurgents have captured most of Somalia's central city of Baidoa - one of the last strongholds of the fragile transitional government.

 

Officials and witnesses say Islamists have seized the parliament building in the city, some 250km (155 miles) north-west of the capital Mogadishu.

 

Some reports say the presidential palace is also under their control.

 

The MPs are currently meeting in neighbouring Djibouti, where they are due to elect a new president this week.

 

There has been widespread looting in Baidoa since the last Ethiopian troops pulled out overnight.

 

The Ethiopian troops withdrew after two years of battling Islamist insurgents.

 

Some 16,000 civilians have been killed in the conflict and a million more have been forced from their homes.

 

Somalia has not had an effective national government since 1991, since when various militias have been battling for control.

 

 

bbc.com

 

Somali-Pirate...I don't think they care for pirates :D

 

PS..Did anyone see Duke n JB today?

Share this post


Link to post
Share on other sites

i know they don't care for pirates. But piracy will vanish when there is order in the country.

 

Right now the pirates are doing a job of stopping foreign fishing trawlers from entering our waters to steal our fish

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this