Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Gen A/Qaybdeed sacks police comanders of Lower Shabbele

Recommended Posts

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Soomaaliya oo la ruqseeyay

 

Khamiis, July 31, 2008(HOL): Saraakiishan oo gaaraya ilaa shan Sarkaal ayaa waxaa lagu ruqseeay Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo wareegtadaas saxaafadda u aqriyay kadib shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ayaa wuxuu sheegay in saraakiisha la ruqseeyay ay isugu jiraan kuwo xilalkoodii gudan waayay iyo kuwo dowladda ka soo horjeestay.

 

Saraakiisha la ruqseeyay ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Aadan Cali (Cali Ganey), ku xigeenkiisa Nuuriye Cali Faarax iyo C/qaadir Cabdi Xasan Beebe oo ka tirsanaa Taliye ku xigeennada Booliska Gobolka Banaadir.

 

Dhanka kalena, Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa wuxuu ka hadlay Ciidamo Boolis ah oo dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya, kuwaasi oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay in ay ka howlgalaan Gobolka Bay iyo Gobollada la deriska ah, wuxuuna sheegay Jen. Cabdi Qeybdiid in Ciidamadaas ka howlgeli doonaan Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in markii ay Mudanayaasha Baarlamaanka ansixinayeen uu rumeysan yahay in ay taasi ku xambaartay wel wel ay ka qabaan ammaankooda, sidaasoo ay tahayna waxaa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay Ciidamadaas iska xaadiriyaan Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ku taala Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiil Boolis ah oo maanta xil ka qaadis lagu sameeyay

 

Muqdisho, S/Afrika (Calanka.com) 31-Luulyo-08

 

 

Iyadoo ey wali howlihii casilaada xilalka ey si xowli ah u socdaan ayaa waxaa maanta sidoo kale xilkii ey hayeen laga xayuubiyay saaraakiil ka tirsan ciidamada boliska kuwaasoo qaarkood baryahan danbe lagu eedeynayay in ey lug ku leeyihiin falal kala duwan.

 

Saraakiishan la casilay maanta oo tiradooda lagu sheegay 4 ilaa 5 sarkaan ayaa waxaa u horeeyay tiyaha qeybta booliiska gobolka Sh/hoose Cali Aadan (Cali Ganeey) oo isagu la sheegay in uu xiriir la leeyahay kooxaha dowlada kasoo horjeeda iyo ku xigeenkiisa Nuuriye Cali Faarax.

 

 

Taliye Cali Ganey oo la eedeynayo halkan ka >> -Dhageyso

 

Wareegtadan lagu casilay saraakiishan ayaa waxa ey kasoo baxday xafiiska taliyaha ciidamada boliska Somaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

 

Raggan la casilay qaarkood ayaa dalka dibadda uga maqan, waxaana qaar kalena ey sheegeen in ey horayba isaga casileen xilalka iminka laga xayuubiyay.

 

Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan wareegto kasoo baxday xafiiska r/wasaaraha xilka looga qaaday gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere).

 

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Federaalka oo xilalkii ka xayuubisay 5 ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyed.

 

Sida ay sheegayaan Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo Wareegto ka soo baxday Dowladda Federaalka ayaa waxay xilalka kaga xayuubisay 5 ka tirsan Saraakiisha Booliska Soomaaliyed, kuwaasoo qaarkood xilal muhiim ah ka haayay Maamulada Dalka.

 

Warka ayaa intaa ku daraya in Wareegtadan ay ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, taasoo xilalka loogaga qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabellaha Hoose Cali Aadan Ganey iyo Kuxigeenkiisa Nuuriye Cali Faarax.

 

Sidoo kale waxaa kaloo xilalka laga qaaday 3 sarkaal kale, kuwaasoo oo horay u sheegay in ay iska casileen halka kuwo kalena ay Dowladda ka goosteen.

 

Dadkaas waxaa ka mid ah C/qaadir Beebe oo ahaa Taliyaha Booliska ee Qeybta Bartamaha, kaasi oo la sheegay inuu ka goostay Dowladda, waxaa kaloo isna xilka laga qaaday Madaxii Xiriirka Booliska ee Gobolada Dalka Col Cartan oo dhowaan isna is casilay.

 

Xilka qaadistan waxay tahay fariin ku socota Nuur Cadde iyo Axmed Cabdisalaan, oo horay xilka qaadista Maxamed Dheere soo diyaariyay, waxaana arrintan gaar ahaan taabaneysaa Mr Axmed Cabdisalaan oo shaqsiyaadka xilalka Gobolka Shabellaha Hoose laga qaaday ay yihiin kuwo ay aad isugu dhow yihiin, isla markaana hal beel ku abtirsada.

 

Cali Ganey iyo Nuuriye Cali Faarax waxay horay uga tirsanaayeen Maamulkii Yuusuf Indha Cadde, balse waxaa markii dambe lagu soo daray Maamulka cusub ee Dowladda Federaalka u dhistay Gobolkaas, markii Muqdisho ay usoo guurtay sanad ka hor

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa u muuqanaya kuwo ku loolamaya awooda dalka, iyadoona Madaxweynaha uu wali cagta saarayo meel marinta xil ka qaadistii Maxamed Dheere

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

Jowhar.com & Jowharnews.com

Jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaran Diid Nuuriye Cali Faarax iyo taliye yaal kale oo xilalkii maanta laga xayuubiyay. {Qaran diid Nuuriye waa nin ceynkee ah??}

 

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalkii kaga xayuuibiyay taliye maliishiyadeedo hore oo dhanwaanahanba xilal ka hayay booliska Soomaaliyeed,waxaana ka mida qarandiidka weyn Nuuriye Cali Faarax.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalkii kaga xayuuibiyay taliye maliishiyadeedo hore oo dhanwaanahanba xilal ka hayay booliska Soomaaliyeed,waxaana ka mida qarandiidka weyn Nuuriye Cali Faarax.

 

Wareegtada kasoo baxday taliyaha booliska oo uu saxaafada u aqriyay afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col Bariise ayaa ku eedeysay taliye yaasha xilalka laga qaaday qaarkood in ay ku keceen amar diido,islamarkaana ay u shaqeeyeen dowladda Soomaaliya lidkeeda.

 

Afaheynka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ahna Taliyaha Boliiska Qaybta Weeliyow Cade Col. C/llahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ilaa iyo 5 sarkaal xilalkii laga qaaday,waxaana ka mida Taliyahii Qaybta Boliiska Gobalka Sh/hoose G/sare Cali Aadan Cali Ganeey oo horayna u ahaan jriay taliye maliishiyadeedkii Jaalle Indahcadde iyo ku xigeenkiisii Nuuriye Cali Faarax oo isna maamulkii Qarandiid Indhacade ka ahaa abaandullhaha ciidanka,waxaana lagu eedeeyay in ay heysteen hub iyo ciidan sharci darro ah oo ay kula dagaalamayeen dowladda Soomaaliya.

 

Taliye yaasha kale ee xilalka laga qaaday waxaa ka mida : G/dhexe C/qaadir Cabid Xasan (Beebe) oo ka tirsanaa Qaybta Boliiska gobalka Banadir, G/dhexe Xasan Cali Warsame oo ka tirsanaa Hogaanka ka hortaga Dambiyada iyo Gaashaanle Cabid Xaashi Baraale oo ka tirsanaa waaxda horumarinta cidianka booliska Soomaaliyeed.

 

 

Dhinaca kale Qaran diidka weyn Nuuriye oo ka mid ahaa raga baadilka ku heystay gobalka Shabeelaha hoose ayaa hadana waxaa uu ahaa ninkii gacanta ku hayay Hubkii uu lahaa Jaalle Indhacadde,kaas oo qeyb ka ah hubka sharci darada ah ee loo adeegsado xaaladaha amni darro ee ka aloosan qeybo ka mida dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiil ka tirsanaa DF oo xilalkii laga qaaday.

 

(Muqdisho, Khamiis,31,Julaay,2008,Hornafrik Media)

 

wareegto maanta ka soo baxsay xaafiiska Madaxweynaha dowladda KMG ah ee soomaaliya ayaa xilalkii looga qaaday saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Wareegtada xaafiiska Madaxweyne C/laahi ka soo baxday, waxa xilalkii looga qaaday Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka shabeelaha Hoose Cali Aadan Cali (cali Ganey) iyo kuxigeenkiisii Nuuriye Cali faarax. Iyo waliba sadex sargaal oo lale,waxana xil ka qaadiistaan Madaxweyunuhu sameeyay u xaqiijiyay idaacada HornAfrik Taliyaha ciidamada Booliska Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid.

 

Wax faahfaahin wali lagama bixin sababta saraakiisha Ciidamada Booliska gobolka shabeelaha Hoose xilalka loo qaaday.

 

Waxa jira sadex sargaal oo kale Ciidamada dowladda Ka tirsanaa oo iyana xilalkii dowladda ay u hayeen laga eryay waxana ka mid ah C/qaadir Beebe.

 

Ilaa iminka wax war ah kama aysan soo bixin saraakiisha Ciidamada Booliska ee maanta u Madaweyneha dowladda KMG ah Mudane C/Laahi Yusuf, xilalka ka qaaday.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this