Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The Khuusuusi Upset With Dahaabshiil

Recommended Posts

Xawaaladda DahabShiil(Dhiigshiil) Oo Dhaqankeedii Gooni Goosadka Iyo Siyaasadda Mar Kale Dhexfadhiisatay.

Written by Jidbaale.com

Tuesday, 08 June 2010 04:52

 

 

 

 

 

Xawaaladda Siyaasadda Iyo Gooni goosadka meheradda ka dhigatay ayaa mar kale dhaqankii hore loogu yaqaanay dib ula soo baxday kaas oo ahaa in ay ganacsiga iyo siyaasad isku ladho, waxaanay mar kale xayeysiis iyo olole u qaaday maamulka Soomaalidiidka ee Hargeysa iyaga oo Calanderka ay soo saareen ku soo daabacay Calanka Soomaalidiidka waxay u qayaaniin.

 

 

 

 

 

 

Haddaba Xawaaladda Dahabshiil(Dhiigshiil) waa markii imisaad ee ay falal siyaasadaysan ku kacdo.

 

1.sanadkii 2004 buug ay soo daabacday oo isna Calander watay, waxay shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil(Dhiigshiil) ku soo bandhigay arrimo siyaasadeed oo ay ku kala qaybinayso goboladfa Soomaaliya iyada oo qaarka ku sheegtay Somaliland kuwana Somalia.

 

2.Waxay 2006 hubka si tuuggannimo ah uga gaday tay magaalada Buuhoodle iyada oo dhaqaale ku bixisay in hubka halkaa yaala ee difaaca deegaanka in ay gacan tugaalayso, waxayna ku guulaysteen in ay qori kuwa waaweyn ah si tuuga u gadato, markii la dalbay in ay soo celiyaana diideen.

 

3.2006 waxay muddo Cudhaah ugu haysteen(qafaalasho)magaaladda Burco muwaadin SSC ka soo jeeda kaas oo markii danbe ee saxaaffaddu arrintiisa soo bandhigatay ay ka hadheen.

 

4.2007 waxay KOnto u furtay maamulka SNM iyaga oo xoojinaya sidii ay goboladda SSC u sii joogi lahaayeen.

 

5. waxaa had iyo jeer soomara dhaqaalaha lagu doonayo in lagu curyaamiyo deegaanka SSC iyaga oo amar telefoon oo hargeysa kaga soo dhaca ku bixiya.

 

Xawaaladda dahabshiil(Dhiigshiil) waxay maantana soo bandhigtay Calander muujinaya Calanka SNM oo ku dhex jira calamada aduunka iyo kan Soomaaliya iyadda oo ay arrintaasi tahay siyaasada cad oo ay ku soo bandhigayaan sida ay isu dhex galinayaan Ganacsiga iyo Siyaassada, sannadihii 2004 markii saxaafadda SSC soo bandhigeen waxa ay waddo xawaaladda Dahabshiil (Dhiigshiil) waxay xilligaa sheegeen in ay joojin doonaan waxyaalaha astaanta u ah siyaasadda hasa yeeshee tan iyo intii ka danbaysa waxay ku talaabsadeen dhacdooyin badan oo siyaasad Xanbaarsan, Mulkiilaha xawaaladda Dahabshiil(Dhiigshiil) ayaa had iyo jeer marka warar xaqiiqadda xanbaarsan marka la soo bandhigo wuxuu adeegsadaa rag ka soo jeeda SSC oo iyagu gunnooyin joogta ah ka qaata kuwaas oo uu ku cadaadiyo in ay wax ka qabtaan wararka xaqiiqada ah ee laga soo bandhigayo, kuwaas oo sida gantaalka isa soo maqiiqa hasa yeeshee guul darooyin kala kulma in ay Gaashaan u noqdaan Mulkiilayaasha Dhiigshiil(Dahabshiil).

 

Waxa kale oo ay xubnahani ku guul daraystaan in ay dhinaca Dahabshiil(Dhiigshiil) ka dhaadhiciyaan in uu kala saaro Siyaasadda iyo Ganacsigha maadaama ay sandareero joogta ah ka qaataan, isla markaana aanay fahasanaynba siyaasadda Xawaaladdan.

 

Waxaa haddaba isweydiintu tahay Dahabshiil miyuu abbaari kari waayey wadda saxda ah, oo ah in uu qaado talaabooyin aan shaqo ku lahayn siyaasadda?

 

Maxaase ugu wacan in markasta Dahabshiil(Dhiigshiil) soo saaro sawiro muujinaya siyaasad oo xataa miyuu garan kariwaayey in ay sawiradda sida kuwa aan siyaasadda muujinayn adeegsadaan, magacyada magaaladdana sidoo u qoraan iyaga oo aan raacin weedh siyaasadeed?

 

Shifo Lagala quusay.

 

 

Calanderka Dahabshiil Soo bandhigay(Xafiiska Canada)

 

 

Warkan Hoose Akhri waa Kontaday u Furtay Maamulka Somalidiidka ee ku saabsanaa Gobolka Sool.

 

 

hadhwanaag 2007-11-17 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasin,isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida qaadhaan Uruurinta Gobolka Sool,Sanaag bari iyo Degmada Buuhoodle ee dhawaan Madaxweyne Rayaale u magacaabay ayaa maanta soo bandhigay qorshe uu u sameeyey taakuleynta loogu qaadhaamayo Goboldaasi,isaga oo u sameeyey guddi ka kooban laba xubnood dhaqaalaha lagu Uruurin-doonta.

 

Sida waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenku ku sheegay Warsaxafadeed qoraal ah oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxaanu u dhignaa sidan:

 

"Dhammaan Hayadaha, Ururrada, Shirkadaha iyo muwaadiniinta Somaliland ee si hawlkarnimo iyo xilkasnimo ku jirto uga qayb gaadanaya taakulaynta iyo dib u dhiska Gobolada Sanaag, Sool iyo Degmada Buuhoodle, waxa lala socodsiinayaa in la dhisay guddi qaran oo xil waajibaadkeedu yahay midaynta iyo maamulka taakulada ku wajahan gobolladaas.

 

Haddaba si looga midha dhaliyo looguna maamulo qaabka ugu haboon loogana fogaado jaantaa rogan iyo is bar-bar yaac waxa dhamaan taakulada lagu uruurinayaa Guddida Taakulaynta Qaranka JSL.

 

Waxa Gobol walba laga dhisayaa guddi taakulayn ah oo heer gobol ah una xilsaaran ururinta tabarucaasi.

 

Cid kasta oo ugu deeqda taakulo sanduuqa taakulaynta ee gobolada bari waxa la

siinayaa cadayn ay ku faah faahsantahay tirada iyo nooca taakulada laga gudoomay wixii lacag ah ee cadaan ah Kaash waxa loo furay xisaabaadka xisaabaha soo socda.

 

1.Baanka dhexe ee Somaliland 404 Somaliland Shillin

2.Baanka dhexe ee Somaliland 112 Lacagta adag

3.Dahabshiil Account D10160 (Guddida Taakulaynta Qaranka) Muwaadiniinta Somaliland ee Jaalliyadaha Dibaddu waxay Tabarucooda ku shubi karaan Xisaabta Dahabshiil ee kor ku xusan waxaanay kala soo xidhiidhi karaan

 

1.Mudane Abshir Axmed Xasan Wasiirka Dib u dajinta

2.Mudane Maxamed Cali Xirsi Xubin Golaha Wakiillada ah

Guddidu waxay muwaadiniinta somaliland ku boorinayaan in ay si muwaadinimo ah, xilkasnimo leh uga qayb qaataan hawshaa qaran iyo dhibaatooyinka, dhib u dhaca soo food saaray Gobollada bari, taasoo aan uga baryayno Ilaahay in uu if iyo aakhiraba ka abaal mariyo tabarucoodaasi".

 

 

 

1275992982_dhiigshiil.jpg

 

This is the picture ka xanaajiyey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Maybe Dahabshil should run for President, clearly he knows how to manage a multination successfully in Somali environment. That is half of the job. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

They blamed wadaadada, they blamed Ethiopia, they blamed the NGOs ,, they blamed the UN ,, they blame everybody ....... Even themselves ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

JB, the main problem in this group is within themselfs waligood 1 road kuma heeshiyaan even in the siyaad abdalle times until he took drastic measures himself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

They blamed wadaadada, they blamed Ethiopia, they blamed the NGOs ,, they blamed the UN ,, they blame everybody ....... Even themselves ,,
:D

Dahabshiil is a good Somali company that serves all Somalis and writing otherwise will not change the reality. Laakin Mr. Bugland yaa kaa calaal badan, kettle calling the pot black.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this