Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UK Delegation End Their Visit - Praise Somaliland

Recommended Posts

mp44.jpg

 

 

Hargeysa (Qaran)- Weftigii ka koobnaa afarta xubnood ee ka socday Baarlamaanka Wadanka Ingiriiska,ayaa maanta duhurkii ka dhoofay Somaliland,markii ay dhamaysteen Socdaal qaatay muddo laba cisho ah,oo ay ku joogeen Magaalada Hargeysa.

 

Weftigaasi oo uu hoggaaminayay Allun Michael oo ka tirsan oo laga soo doorto carrdif,ee gobolka Wales,waxa xubno ka ahaa laba xildhibaan oo kale iyo danjiraha ingiriiska u fadhiya wadanka Ethoipia Bob Dewar,waxana mudadii ay joogeen ay kulamo la yeesheen Madaxweynaha Somaliland,Golyaasha Baarlamaanka [Guurtida Iyo Wakiilada],Xisbiyada,Komishinka Cusub ee Doorashooyinka Qaranka,ururada bulshada iyo muwaadiniinta Somaliland ee haysta dhalashada Ingiriiska,ee xiligan ku sugan dalka.

 

Weftiga oo uu madaarka magaalada Hargeysa,ku sii sagootiyay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Md Cabdi Xasan Buuni,ayaa intii aanay dalka ka dhoofin Saxaafada uga waramay waxyaabihii ay Somaliland ku arkeen mudadii ay ku sugnaayeen.

Allun Michael oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Madaarka ayaa sheegay in Somaliland ay u qalanto inay aqoonsi ka hesho Caalamka,waxana uu sheegay in Kooxdiisu ay Somaliland ka taageerayso,sidii ay Baarlamaanka UK ugu qancin lahaayeen Qadiyada Aqoonsiga.

.

‘’Hadalo qiimo badan oo aanu la dhacnay ayaanu kala kulanay dhinacyadii aanu la kulanay , waxa ka muuqatay in waxyaabaha qaar lagu kala duwan yahay , balse dulucda guud ee hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo u wanaagsan Somaliland ‘’.ayuu yidhi Allun Michael oo ka hadlayay kulamadii ay madaxda dalka ay la yeesheen.

 

Allun Michael oo sharax ka bixinayay waxyaabaha ay Somaliland ku arkeen waxa uu yidhi “Markaanu noqono waxa aanu haynaa wax badan oo aanu u gudbino dunida , kuwaas oo ka turjumaya fariimaha aanu idinka aragnay [somaliland] iyo wax qabadkiina , waxaan arkay Magaalada Hargeysa oo ah meel ay nololi ka bilaabantay , lana mid ah caasimadaha aan ku arkay dalalka Afrika’’.

 

Sidoo kale Mark Hendrick oo ka mid ahaa xubnahii wefdiga ayaa yidhi ‘’Halkan waxaanu ku aragnay waanu la dhacnay , hadalada dadka aanu kulanayna waxa ay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan , waxa aan arkay guddidii doorashooyinka oo la dhamays tiray markii aanu halkan nimid , isla markaana doonaya inay ka midho dhaliyaan arrimaha doorashooyinka’’.

 

“Waa socdaalkaygii labaad , saaxiibadaydan aan hore u imana waxay Hargeysa ku sheegeen waxyaabo badan oo wanaagsan , hase ahaatee waxa jira waxyaabo badan oo caqabado ah , sida Iskuulada , Caafimaadka , Dhaqaalaha iyo Arrimaha kale ee horumarinta Bulshada , waxaanu ku tallo jirnaa in aanu dawladayada caawimo idiinku waydiino arrimahaas”.ayay tidhi Karry McCarthy oo ka hadashay shirkaasi Jaraa’id.

 

Safiirka Britian u fadhiya Addis ababa Bob Dewar ayaa sheegay in socdaalkiisani uu qayb ka yahay Booqashooyin isdaba joog ah oo uu ku yimaado Magaalada Hargeysa,waxana uu ka hadlay taageerada dhinaca horumarinta dimuqraadiyada ee Britain ay u fidiso Somaliland iyo kaalmada dhaqaale ee ay u soo mariso Haa’yadaha Samofalka.

 

Clieve Belli oo ah Xildhibaan ka mid ah Wefdigaas

Belli waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya tusi doono sirtaa qarsoon ee Somaliland.

Safiirka Britian u fadhiya Addis ababa Bob Dewar ayaa sheegay in socdaalkiisani uu qayb ka yahay Booqashooyin isdaba joog ah oo uu ku yimaado Magaalada Hargeysa,waxana uu ka hadlay taageerada dhinaca horumarinta dimuqraadiyada ee Britain ay u fidiso Somaliland iyo kaalmada dhaqaale ee ay u soo mariso Haa’yadaha Samofalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this