Sign in to follow this  
General Duke

C/LLAAHI GEEDI SHADOOR: profile of an MP

Recommended Posts

C/LLAAHI GEEDI SHADOOR: NABADOON U XUUB SIIBTAY SIYAASI

 

Somaliweyn.com ( Muqdisho 21 Abriil 2005)

 

Waxaa uu ahaa nabadoon Magac ku leh Bulshada soomaalida gaar ahaan magaalada muqdisho, iyadoo ay saas tahay haddana ma ahayn Nin hubeysan oo ka qeyb qaatay dagaaladii sokeeye, laakiin waxaa uu la hubaa inuu qeyb weyn ku lahaa arrimaha Dib u heshiisinta beelaha USC da.

 

Ka sokow Nabadoonimada waxaa uu ka soo jeeda reer inta badan talada beesha Mudulood ka arriminayay, sida ku cad magaciisa waxaa dhalay Geedi Shadoor oo ahaa nabadoon weyn oo soomaalida si wanaagsan u tagaano.

 

Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor waxaa uu ku dhashay Degmada Ceel Dheere ee Gobolka Galgaduud 1932-dii, Waxbarashadiisu hoose waxaa uu ku soo qaatay isla deegaankaas, xilligaas oo waxbarashada Soomaaliya gacanta ku haayeen Talyaaniga.

 

1961-dii Sanad kadib markii soomaaliya Xoriyadda qaadatay C/llaahi Geeddi waxaa loo doortayNabadoonka Guud ee degmada Ceel Dheere iyo Beeshiisa, xilligaas oo nabadoonimada ahayd darajada ugu sareysa oo beelaha Soomaalida isku qiimeeyaan.

 

Intii uu haayay xilkaas C/llaahi Geeddi Shadoor waxaa uu kaalin weyn ka qaatay dhexdhaxaadinta beelo badan oo soomaaliya, isagoo howlo nabadeyn ah u tagay Togdheer, Boosaaso iyo Jubbooyinka.

 

1989-kii C/llaahi Geeddi waxay is khilaafeen Madaxdii Dowladdii Kacaanka,iyadoo Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre amar ku bixiyay in la soo xiro Nabadoonkan oo xilligaas ku sugnaa magaalada muqdisho ee caasimadda dalka soomaaliya, taasina waa sababta C/llaahi Geeddi ugu baxsaday Degmada Ceel Dheer,isagoo ku dhaqaaqay sameynta Jabhad ka soo horjeeda Xukuumadii hore halgankii USC oo waqtigaasi ka socday Gobolada dhexe.

 

1990-kii C/llaahi Geeddi waxaa uu suuragaliyay Ciidankii ugu horeeyay oo gaaraya 200, kuwaasoo ah bilowgii Ciidankii dowladda ka soo weeraray jidka bacaadka ee soo gala xamar, waxaana ciidankaas xarun ugu dhigay Coos weyne, waxaana ciidankaas hor-jooga u ahaa C/llaahi Geeddi, iyadoo sidoo kale dhinaca dagaalka horkacayeen Saraakiisha kala ah Ciise Ma Qadeeye, Col Dhoore,Waadhoor, Ciise Gaab iyo kuwa kale .

 

Halgankaas oo C/llaahi Geeddi halkaas ka soo bilaabay waxaa uu qeyb ka ahaa Kacdoonkii hubeysanaa ee lagu riday Xukuumaddii Jen Maxamed Siyaad Barre oo isagoo Qaxooti ah ku dhintay dalka Nayjeeriya 2 dii Janaayo 1995-tii.

 

Burburkii Dowladda kadib Waxaa uu xubin ka noqday Golihii dhexe USC, kadibna waxaa uu ka mid noqday markii USC kala burburtay USC/SSA oo xilligaas Madaxweyne ka ahaa Cali Mahdi Maxamed, xilka uu haayay markaasi waxaa uu ahaa Xoghayaha Dib u heshiisinta SSA.

 

Waxaa uu ka qeybgalay shirkii Carte kadib waxaa uu ka mid noqday raggii Mucaaradka ku noqday C/qaasim, waxaa lagu xusuustaa isaga, Dr Xuseen Xaaji Bood, Cusmaan Caato, Xuseen Caydiid iyo xubno kale waxay orod ku tageen dalka Yamen halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Yamen Cali C/lla Saalax.

 

Xilligan oo uu yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka waxaa uu tartan adag xilkaas kula galay ragg ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Macalin Muuse, Xuseen Xaaji Bood iyo kuwa kale oo heyb qabiil ka soo wada jeedaan.

 

Waxaa uu ka mid yahay Xildhibaannada Baarlamaanka ee Fikir ahaan taageersan madaxweynaha Soomaaliya sida la og yahay waxaa uu 17-kii Marso arrimahaas darted dhaawac ka soo gaaray dagaalkii dhex maray Baarlamaanka soomaaliya ee ku saabsanaa arrimaha keenista Ciidamo ka socda dalalka Afrika, si ay hub ka dhigis ugu sameeyaan maleeshiyooyinka Soomaaliyeed.

 

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Shidane Dabaan

Email shidane3@hotmail.com

 

 

Xafiiska somaliweyn ee Muqdisho

 

somoginfo@somaliweyn.org

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^And could you add in his decorated CV made by (you know who)that the guy is also famous for being a state created witnes( Marqati beenale) in the case against Caynanshe (Allah uu Naxaaristo). Or may be you did not that, ask adeero next time he comes around :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seem the allergy to anything good is growing.

Everyone who has no road block is bad. Those who dont cut down the trees are bad. Those who dont sell drugs are bad.

 

Those who dont hide behind the clan are bad. Those who want peace are bad. The list is long. The point here is simple if Geedi Shadoor is a bad man because he testified once against an individual under the former regime,then what is your beloved hero Abdiqasin? Who from the comfort of his ministry, watched Hargaysa and Burco get bombed.

 

The infamy of the man who was also a minister when the students got murdered in Jazera beach, when the Wadaad's got rounded up. When countless aggression and acts of barbarism were being done by the regime that he[Abdiqasin] was a top official of.

 

Geedi Shadoor on the other hand, is a man I have never heard of before but he is being praised in the article as a peace maker[article is from a Xamar website]. Thats a good enough refrence in comparison to Suudi, Qaynyare, Ato and the worst criminal Abdiqasin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another leader worthy of mention..

Xildhibaan Hilowle Iman Cumar "Caasimadda Soomaaliya waa Muqdisho waana lama taabtaan"

 

hilowle.jpg

 

Sidasina waxa yiray xildhiban hilowle iman Cumar oo Qudobo Qiiro leh ka jeediyay Kulan ay Jaaliyadda Beesha ****** 21/04/2005 ku yeesheen Magaalada Qaahira ee Xaruunta Wadanka Masar.

 

Shirkaas o ahaa mid soo Socday Muddo bilooyin ah ayaa waxaa uu ku saabsanaa sida ay isugu xermi laheyd Beesha ****** ee ku dhaqan Magaalada Qaahira.

 

Shirkan oo ka dhacay guriga Sh/Yuusuf ku yaala Qaahira ayaa waxaa ka soo qaybgalay inta badan Xubnaha Jaaliyadda Beesha ****** ee ku dhaqan Qaahira.

 

Shirkaan oo ah mid Maalmahan soo socday waxaa Caawa isugu yimid Qaybaha kala gadisan ee Jaaliyadda oo ka kooban Ganacsato Culumaa,udiin, Aqoon yahano , Haween iyadoo dhanka kalana halakaas Caawa lagu Xusay Munaasabada Dhalashada Nabigeena Muxamad N.N.K.H oo ku beegnayd Caawa waxaana halkaas Muxaadaro ku saabsan Mawliidka ka aqriyay Sheekh Yuusuf oo ku dheeraday Siirada Nabiga C, S, W,

 

Dhanka kale waxa halakaas ka hadlay Xildhiban Hilowle Iimaan Cumar o ah xildhiban ka tirsan DFKM Islama markasna Taransid ku ah Dalka Masar asaga oo ku sii jeeda Magaalada Dimishiq ee Dalka Suuriya asiga oo ku socda Booqasho Shaqsi ah.

 

Hilowle Imaan Cumar waxaa uu sheegay in 14ka Sano ee Bur Burka ka jirya dalka Dawlad kasta oo la dhiso ay ku dhiman jirtay ama ay Nafta uga Baxi jirtay Magaalada Xamar tan loo baahanyahay in aan lagu dadajin Xamar iyada oo aan la Sugin nabadgalayda Xamar hadii kale ay mari doonto Wadadii ay mareen kuwii hore, (Gudigaan lagu dhisay Beesha ****** ee Qaahira waxaa uu ka fiican yahay xubnaha labada Gole oo ah kuba aan ismaqal waayo idinka waxaa tihiin kuba wax sameystay waxna isku ogol waana idinkaga Mahad celinaynaa sida aad isugu xeran tihiin dhamaan tiin inta meesha imaaday.

 

Dhanka kale Shirkaas waxaa lagu doortay Gudiyo Toban ah oo ka kooban Arimaha Dibada, Dhaqaalaha, Xariirka Jaaliyadda Gudoomiyaha isku Xirka Jaaliyadda Beesha ****** ee Magaalada Qaahira.

 

Kulankana waxaa uu ku dhamaaday sidii loogu talagalay iyadoo ay Dadki ka soo Qaybgalay ay aad ugu faraxsanaayeen.

 

W/DMahad Carabow Cali Dheere.

Qaahira-Masar.xaruunta wadanka masar

Mahad554@hotmail.com mahad554@yahoo.com

 

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Duke ina Geedi shiddor was not born yesterday. I gave you one piece of his CV which skipped, prove me wrong if you have any, if not acknowledge the fact that u skipped that part or either that your sources did so. That is all there is to it, why calacalingi sxb?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this