General Duke Posted July 28, 2008 Riyaale oo la eedeeyay 28 Jul 28, 2008 - 8:29:20 AM Kulan ay maanta yeesheen wakiilada Somaliland ayaa lagu eedeeyay Madaxweyanaha talada dalkaas haya Daahir Riyaale Kaahin, iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo khiyaano Qaran. Wakiilada ayaa kulankoodaan kaga hadlay ganacsiga xorta ah ee Somaliland, iyadoo ay jireen muran xoogan oo ka dhashay ganacsiga xoolaha nool ee SL oo xiisado ka abuuray maamulka goonida isku taagay. Shirkii maanta ayay wakiiladu si weyn uga dooden waxa uu ka qabo dastuurka Somaliland ganacsiga xorta ah, waxayna ku eedeeyeen Riyaale inuu si guracan u naas-nujinayo shirkado shisheeye ah, isagoo cunoqabteynaya ganacsatada gobolka. "Riyaale waa inuu si dhaqso badan isku casilo, maadaama u galay khiyaano Qaran iyo ku tumashada dastuurka dalka u yaala" ayay wakiiladu u sheegeen warbaahinta markii uu kulankoodu dhamaaday. Wakiiladu waxay ka codsadeen Maxkamada sare ee dalkaas is magacaabay inay xilka si dhaqso badan uga qaado Dahir Riyaale Kahin iyagoo ku eedeyay inuu ku xadgudbay qodobka 11-aad ee dastuurka Somaliland oo dhigaya in ganacsigu xor yahay. Sidoo kale, waxay u cuskadeen xil ka qaadista Riyale in qodobka 96-aad ee Dastuurka Somalilanad oo qaba in haddii Madaxweynuhu uu ku kaco Khiyano Qaran iyo ku tumasho dastuur laga qaadi karo xilka. Mudanayaashii maanta kulanka yeeshay ayaa waxay 8-ka mid ah soo jeediyeen in si deg-deg ah xilka looga qaado Riyaale, kadib muran ka dhashay dhoofka xoolaha nool. Xisbiyada mucaaradka ah ee ka jira Somaliland ayaa waxay dhawaan soo jeediyeen in xukuumada hadda jirta ay ku xadgudubtay dastuurka dalka u dagsan ayna doonayso inay awooda xukunka u adeegsato naas-nuujinta shirkado shisheeye. Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Daahir Riyaale Kaahin oo ku aadan go'aanka aqalka wakiilada dalkaas ay maanta gaareen, waxayse tani dhaawac ku noqonaysaa maamulka Riyaale. Garowe Onilne, Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 28, 2008 Mudanayaasha Wakiillada oo isku Raacay in Go’aan Degdeg ah ay ka Soo Saaraan Muranka Dhoofka Xoolaha “Dhibaatooyinka dalka ka taagan waxa u sabab ah kootada faraha badan ee dalka la geliyey sida kulluumaysiga, shidaalka iyo xoolaha” [/b Xil. Xaashi Xuseen Caabi “Waa in si degdeg ah xukuumadda looga dalbo heshiiska Al-jabiri, waayo heshiis aanay Wakiilladu ansixin inay xukuumaddu ku dhaqanto waa xaaraan” [/u] Xil. Cali Yuusuf Axmed “Waa ayaan-darro iyadoo aynu hiigsanayno aqoonsi in marka mudaharaad yari dhaco Booliska inta la iska dhaafo milatari la soo geliyo, ma Puntland baa qabsatay Dunbuluq?” Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 28, 2008 Hargeysa (Jam)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si kulul uga dooday qodobada ajandaha kalfadhiga 7aad ee golaha, isla markaana badankoodu isku raacay in lagu daro qodobo aan hore u jirin oo ay ka mid tahay muranka dhoofka xoolaha ee hadda taagan. Fadhigii shalay oo ahaa kii ugu horreeyey ee goluhu si rasmi ah u fadhiisto muddo toddobaadka ka badan, kadib markii mudanayaashu ka soo noqdeen fasaxoodii, isla markaana uu hagayey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa waxa xildhibaanadu dood ka yeesheen qodobada uu ka kooban yahay ajandaha kalfadhigan cusub ee ay gudogalayaan, kaas oo mudanayaashii dooda ka qaybqaatay ay si kulul uga hadleen xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrinta khilaafka weyni ka taagan yahay ee dhoofka xoolaha ay ku tilmaameen waxaan indhaha laga qarsan Karin, sidaa daraadeedna si degdeg ah go’aan goluhu uga soo saaro, iyada oo qaar ka mid ah mudanayaashuna soo jeediyeen in arrintaa guddi soo baadha murankan loo saaro, isla mrkaana si degdeg ah warbixin uga soo diyaariyeen. Mudanayaasha dooda ajandaha ka qaybqaatay oo tiradoodu ahayd 15 xildhibaan, ayaa badidoodu ku dooday in la kordhiyo waqtiga goluhu shaqeeyo oo maalmaha uu fasaxa yahay lagu daro ama gelinka dambe la soo noqdo, si ay uga gaadhsiiyaan dhammaystirka qodobada ajandaha ugu jira, maadaama ay waqti yar haystaan oo bishii barakaysnayd ee Ramadaan soo dhawdahay. Ugu horreyn Xildhibaan Baar Siciid ayaa ku dooday in ajandaha lagu daro xeerka taraafikada, maadaama buuq badani ka jiro shilal gaadiid oo ka dhacay meelo ka mid ah dalka, kuwaas keenay dhimasho muran ka dhashay Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa soo jeediyey in si degdeg ah go’aan goluhu uga soo saaro xiisadda dhoofka xoolaha ee taagan, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar ah oo isku dhac abuuri karta. Waxa kale oo uu doodiisa ku sheegay in xabbada ciidanka boolisku u adeegsado marka dad mudaharaadaan ay tahay mid soo noqnoqotay oo caado ah, isla markaana bar madow dalka ku noqotay. Xil. Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeye), ayaa ka sakow arrinta xoolaha oo uu ku taageeray mudanayaasha hore ee ka hadlay, waxa kale oo uu soo jeediyey in ajandaha lagu daro heshiisyada xukuumaddu gasho ee aanay Golaha Wakiillada hor keenin iyo in loo yeedho masuuliyiinta Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, si su’aalo loo weydiiyo. Xil. Xaashi Xuseen Caabi, ayaa isagu ka dariyey xaaladda dalka oo uu ku tilmaamay mid burbur qarka u saaran, taas oo ay sababtay buu yidhi kootooyinka badan ee xukuumaddu khayraadkii dalka cid kale ugu xidhay, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxay ila tahay dalka maanta waynu ka warhaynaa oo burbur ayuu qarka u saaran yahay ninkii dheeldheel moodayow. Sidaynu ka warqabnana dalka wax badan ayaa kooto la geliyey kulluumaysiga badda kooto ayuu ku jiraa oo nin qudha oo aynu wada naqaan baa haysta, shidaalku TOTAL buu kooto ugu jiraa oo iyana rag baa iska leh, xoolihiina kootaa la geliyey. Xooluhu waa udub dhexaadka ummadda, sidaa daraadeed waa in arrinta xoolaha lagu daro ajandaha oo loogu horreysiiyo, weliba waxaan odhan lahaa maanta intaynu ku darno isla maanta aynu bilowno oo aynu go’aan cad ka gaadhno, waayo Berbera xoolo ayaa ku qulqulaya tiknikana waa la geeyey.” Xil. Cali Yuusuf Axmed, ayaa isagu soo jeediyey in gudi baadhis ku soo samaysa loo saaro dhibaatada dhoofka adhiga ee taagan, kadibna goluhu xal ka gaadho, “Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in si degdeg ah xukuumadda looga dalbo heshiiska ay la gashay Al-jabiri, si goluhu u eego, waayo heshiis aanay Wakiilladu ansixin in xukuumaddu ay ku dhaqanto waa xaaraan,” ayuu yidhi Cali Yuusuf Axmed. Xil. Xasan Cawaale Caynaan ayaa isagu ku dooday in ajandaha lagu daro Xeerka midaynta cashuuraha ee X.L/12, si wax-ka-bedel loogu sameeyo maadaama buu yidhi degmooyin iyo gobollo wax-soo-saar badan keena uu culays ku hayo. Waxa kale oo uu Xildhibaanku soo jeediyey in isna ajandaha lagaga hadlo xeerka ciyaaraha, si dhallinyarada loogu dhiirigeliyo, isla markaana lagagala dagaalamo balwadaha. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw xoog) oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda xisbiga UDUB, ayaa isagu ku dooday in muranka ka taagan dhoofka xooluhu uu yahay mid u dhexeeya laba carab iyo laba dekedood, kuwaas oo aannu faahfaahin ka bixin, balse muu soo jeedin in lagu daro ajandaha golaha. Waxa kale oo uu mudanuhu taageeray in waqtiga yar ee ay haystaan ka faa’iidaysaan oo aanay dood badan gelin. “Xooluhu waa qayb maceeshada ka mid ah oo markaynu sicir-bararka ka hadlayno way soo hoosgelayaan, laakiin meesha waxa isku haya laba adhiile, laba dekedood iyo laba carab. Labadaa dekedoodna ta aad u hiilinaysaan waad garanaysaan,” ayuu yidhi Xil. Cabdiraxmaan Aw xoog. Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa isagu si kulul uga hadlay arrimaha xoolaha, dhacdadii dhimashada keentay ee ka dhalatay mudaharaadkii dhawaan ka dhacay koonfurta Hargeysa iyo guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada. “Ajandahan anigu waxaan qabaa in gebigiisaba siduu u dhan yahay la laalo, waayo waxa dalka ka taagan iyo ajandaha meesha ku qorani wax is leh maaha. Waxaynu ognahay in Golaha Guurtidu ka dhiidhiyey marxaladda dalku marayo, inaga oo ah golihii ummaddu soo dooratay ee sharciga ku fadhiyey in aynu indhaha ka qarsano xaqiiqada dalka taala waa ayaan-darro, waa in aynu garanaa waxaynu halkan u joogno,” ayuu yidhi Md. Buubaa. Waxa kale oo uu soo jeediyey Xildhibaanku in gebi ahaanba la baabiiyo guddiga joogtada ah ee golaha oo uu ku tilmaamay mid fadhiid ah oo aan wax shaqo ah hayn, maadaama aanay ka hadal waxna ka soo saarin waxyaabihii dhacay intii goluhu fasaxa ahaa. Md. Buubaa waxa kale oo uu ku baaqay in ajandaha lagu daro oo loo yeedho Taliyayaasha ciidanka Booliska iyo Militariga, si wax looga weydiiyo sababta keentay in dad mudaharaadaya xabbad lala dhaco, isla markaana loo adeegsado iyo wasiirada Daakhiliga iyo Xannaanada Xoolaha. Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “khaladaadka xukuumaddu ka gasho sharciyadda dalka u yaala in golaha lagaga hadlo ayaan aaminsanahay. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in loo yeedho labada janan ee Booliska iyo Milatariga, runtii waa ayaan-darro iyada oo dalkeenu marayo marxalad fiican oo aynu hiigsanayno aqoonsi in marka mudaharaad yari uu dhaco Booliska inta la iska dhaafo milatari la soo geliyo, ma Puntland baa qabsatay Dunbuluq maxaa laga soo gelinayaa suuga iyo baroonka, caqliga ma gasho waxaasi. Wasiirka Xannaanada Xoolaha isna haloo yeedho oo halagala hadlo waxa isaga geliyey ganacsiga oo heshiisyo galo, ma wasiir ganacsi baa waa dhakhtarkii xoolahee. Waxaan aaminsanahay in ajandaha kalfadhigani uu noqdo mid ku kooban masuuliyiinta siyaasadda qaranka hoggaaminaya khaladaadka iyo gefafka ay ku galeen shaqadooda ee sharciyadda dalka ay ka galeen in wax laga weydiiyo.” Md. Ibraahim Mahadi Buubaa, waxa kale oo uu soo jeediyey in xeer lagu dhaqo loo sameeyo TV-ga Qaranka oo uu sheegay inuu mar walba baahiyo dad yar oo la leeyahay UDUB bay ku soo biireen, iyada oo aanay gaadhi xilligii ololaha. Waxaannu soo jeediyey in si uu noqdo mid qaran loo baahan inuu ka hadlo xaaladda dalka ee kala duwan. Xil. Xuseen Maxamed Cige ayaa ku dooday sidan; “Anigu waxaan odhan lahaa in arrinta adhiga qodobka koowaad laga dhigo, sidaa daraadeed mar haddii muddada aynu shaqaynayna aad u gaaban tahay waxa dhacayana aynu ognahay in si degdeg ah loo galo, welibana haddii ay inagu kelifayso labada gelinba aynu shaqayno Arbacada iyo Khamiistana lagu daro.” Xil. Xamse Gaadaweyne, ayaa isagu doodiisa diirada ku saaray abaaro uu sheegay inay dalka ku soo fool leeyihiin oo ay muuqdaa calaamadihii abaaruhu, isla markaana loo baahan yahay in lagaga hadlo ajandahan. Waxa kale oo uu soo jeediyey in arrinta xoolaha mowduuc gaar ah laga dhigo oo si faahfaahsan looga hadlo. Xil. Xuseen Ismaaciil ayaa isna soo jeediyey in ajandaha lagu daro siyaasadda wax-soo-saarka ee dalka, maadaama raashinkii adduunka ee dibada laga keeni jiray cirka isku shareeray, isla markaana dawladda lagu dhiirigeliyo inay si xoog ah arrintaa uga hawlgasho. “Xaaladda aynu ku suganahay waxaynu u baahanay in dawladdu ku dhawaaqdo mucaawano aynu adduunweynaha ka helno, sababta oo ah roobkii uu yaraaday wixii kale waynu waynay, halis baynu ku suganahay. Xiisadda adhiga indhaha lagama qarsan karo waxaan raacsanahay mudanayaashii yidhi gudi haloo saaro soo baadha arrinta,” ayuu yidhi Md. Xuseen Ismaaciil. Sidoo kale, waxa iyaguna dooda mudanayaasha Golaha Wakiilladu ka yeesheen qodobada ajandaha kalfadhigooda 7aad ka qaybgalay Mudanayaasha kala ah, Siciid Cilmi Rooble, Axmed Maxamed Idiris, Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, Maxamed Barkhad Miigane, Cabdikariin Aw Cali Shabeel iyo Mudane Bulqaas, waxaanay dhammaantood soo jeediyeen in ajandaha lagaga hadlo arrinta xoolaha ee muranka badani ka taagan yahay Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites