Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar: Shiekh Sharif returns home after two years

Recommended Posts

Jowhar: Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Imaanshihiisa Magaalada Jowhar.

1. November 2008

 

 

Jowhar(AllPuntland)- Hogaamiyaha Mucaaradka ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo gaaray Magaalada Jowhar oo ujirta Magaalada Muqdisho masaafo dhan 90 KM.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Kooxaha Mucaaradka ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo amaankiisa aad loo adkeeyey.

 

Kooxaha amaanka ee Maxkamadaha Jowhar ayaa aad uadkeeyey amaanka Magaalada Jowhar, waxa ayna wararku sheegayaan in uu maalmaha soo socda la kulmayo Odayaasha & waxgaradka Magaalada Jowhar.

 

Xubin ka tirsan Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa usheegay AllPuntland in uu Sheekh Shariif wadayo dadaalada nabdeed ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Isbaheysiga Dibu xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu heshiis xabad joojin ah la saxiixday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo markan doonaya in ay nabad ka dhalato gudaha dalka Soomaaliya.

 

Magaalada Jowhar ayaa ka mid ah goobaha ay Maamulayaan maamulada taageersan Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuuna saacadaha soo socda la kulmayaa masuuliyiin ka tirsan Maamuladaasi, isagoo kala hadlaya xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif ayaa dalka Soomaaliya meel ka mid ah cagta soo dhigey labo sanno in ka badan oo ku maqnaa meelo banaanka ah gudaha dalka Soomaaliya, isagoo cabsi ka qabay in hadii uu yimaado meel ka mid ah Soomaaliya uu qabsado dagaal ay ku soo qaadayen ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kuwa Itoobiya, oo markoo horeba ka saaray gudaha dalka Soomaaliya.

 

Dhaqan galinta heshiiskii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Mucaaradkeeda hubeysan gaar ahaan Kooxdan uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka soo horjeestay Ururka Al- Shabaab oo horey u ahaa Garab ka mid ah Maxkamadihii laga saaray Soomaaliya sannadkii 2006-dii.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Shariif oo ka dagay Jowhar

1 Nov 1, 2008 - 6:37:31 AM

 

Gudoomiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee ARS Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka gaaray degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe.

Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa ka mid ahaa; xoghayaha arimaha dibada ee isbahaysiga ARS Col. Cumar Xaashi Aadan iyo xoghayaha warfaafinta Sheekh Axmed C/llaahi iyo Daahir Max'ud Geelle.

 

Xubnaha uu horkacayo Sheekh Shariif ayaa waxaa magaalada loogu soo dhaweeyay si diiran, waxaana ka mid ahaa mas'uuliyiinta soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka Maxkamadaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

 

"Ujeedad socdaalkeenu waa mid ku saleysan sidii aan kormeer ugu kala bixin lahayn qaybo dalka ka tirsan, una ogaan lahayn xaaalada shacabka Soomaaliyeed maamul ahaan iyo nolol ahaan" ayuu yiri Sheekh Axmed C/llaahi.

 

Mas'uulkan ayaa intaas ku daray in qorshahooda uu ka mid yahay inay la kulmaan maamulada ka jira goobaha ay gacanta ku hayaan; isla markaana ay la kulmaan odayaasha iyo waxgaradka goobaha ay booqanayaan.

 

Xoghayaha warfaafinta ayaa wuxuu ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyo goobaha ay socdaaladooda ku bixin doonaan, waxaana lagu wadaa in Sheekhu uu meel fagaare ah kala hadlo shacabka Jowhar.

 

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa kasoo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay kaga soo qaybgaleen shirkii IGAD, waxaana dhawaan heshiis dhigaya xabadjoojin ay dhexmaratay ARS iyo DF.

 

Gudoomiyaha Isbahayisga ARS ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horeysay oo uu dib ugu laabto dalka, tan iyo dabayaaqadii 2007, markaasoo laga itaal roonaaday Midowgii Maxkamadaha oo uu horkacayay.

Garowe Online, Jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this