Suldaanka Posted December 31, 2007 DHANXIIR Waaryaadhaheen; waxa la yidhi, ‘cimrigaaga oo raagaa geel dhalayana waa ku tusaa!’ Budhcaddii shandadaha haweenka kala baxsan jiray ayeynu khaati ka joognee ma maantaynu laadariintii Talyaaniga iyo LEEBAANADII Xabashida hoy innag dhigteen? Kaaga darane waxa la yidhi, duhurkii gaadhiga ku aamini maysid gurigaaga hortiisa oo iyagoo aan biyo ku kaban ayey degdeg u furfur ugu beddelayaan. Cajab! Weger ; Adeer, reer-magaal baanad ahayne maanta ayey Hargeysa caasimad noqotay, mar haddii kaarto nacastii xumayd ee tuugta guryaha laga raystay oo budhcaddii xiddiguhu soo gaadhaye, Waxaanse ku weydiiyey odaygii Cawil ee nabarka gardarro ku gaadhay Nairobi waa sidee xaalkiisu, mise arrinkiisu waa dhako kale oo wuxuu meesha u tagay sidii u soo baran lahaa qaabka doorashooyinka laysu daba-mariyo. Igawala waxaan ka baqayaa in ay Somaliland ka dhacdo wixii magaciisu ‘A’ ka kaco waa laga waayey caasimadda oo waxay ka codaynayaan Ballidhiig. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted January 1, 2008 what is the joke? Quote Share this post Link to post Share on other sites