Sign in to follow this  
Suldaanka

Dhanxiir on Kenya's elections and Somaliland

Recommended Posts

DHANXIIR

2347Dhanxiir.jpg

 

Waaryaadhaheen; waxa la yidhi, ‘cimrigaaga oo raagaa geel dhalayana waa ku tusaa!’ Budhcaddii shandadaha haweenka kala baxsan jiray ayeynu khaati ka joognee ma maantaynu laadariintii Talyaaniga iyo LEEBAANADII Xabashida hoy innag dhigteen? Kaaga darane waxa la yidhi, duhurkii gaadhiga ku aamini maysid gurigaaga hortiisa oo iyagoo aan biyo ku kaban ayey degdeg u furfur ugu beddelayaan. Cajab!

 

 

Weger
; Adeer, reer-magaal baanad ahayne maanta ayey Hargeysa caasimad noqotay, mar haddii kaarto nacastii xumayd ee tuugta guryaha laga raystay oo budhcaddii xiddiguhu soo gaadhaye,
Waxaanse ku weydiiyey odaygii Cawil ee nabarka gardarro ku gaadhay Nairobi waa sidee xaalkiisu, mise arrinkiisu waa dhako kale oo wuxuu meesha u tagay sidii u soo baran lahaa qaabka doorashooyinka laysu daba-mariyo. Igawala waxaan ka baqayaa in ay Somaliland ka dhacdo wixii magaciisu ‘A’ ka kaco waa laga waayey caasimadda oo waxay ka codaynayaan Ballidhiig.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this