Sign in to follow this  
General Duke

Ahlu Sunna group defeat Al Shabaab again in central Somalia

Recommended Posts

Maxaakimta Iyo Ahlu Sunno Oo Qabsaday Degmo Muhiim U Ah Al-Shabaab

13 May, 2009 05:16:00 Toronto t.

Font size:

 

Dagaal shalay ilaa iyo xalay ka socday degaanka Yasooman ayaa waxa u suurto gashay xoogaga Midowga Maxaakimta oo kaashanaya Ahlu-Sunna Wal Jamaaca inay gacanta ku dhigaan degmo muhiim ah oo ku taal gobolka Hiiraan. Degmadan oo la yiraahdo Yasooman 50km-na u jirta Baladweyne, ayaa waxay u ahayd Al-Shabaab mucaskar wayn oo ay ku tababaraan dhalinyarada cusub ee kusoo biira, waana xaruntii uu fadhiyay Fu'aad Shongolo oo aan la ogayn halka uu soo aaday hada.

 

Dagaalkan oo ay soo qaadeen xoogaga is bahaysanaya ayaa looga danlahaa in lagu hakiyo isbalaarinta Al-Shabaab oo isbuucan qabsaday degmada Buula-Barde, waxana looga cabsi qabay inay u dhaqaaqaan dhanka Jowhar, waxase hada muuqata inaysan aadi karin Jowhar maadaama dhanka Hiiraan looga soo durkayo. Waa degmadii labaad oo muhiim ah ee laga qabsado Al-Shabaab. Todobaadkii hore ayay ahady markii laga qabsaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

 

Dagaaladan ka dhex bilowday Islaamiyiintii una muuqda inay isku badaleen hab qabiil ayaa waxay lasoo bexeen isbahaysiyo aan isku meel wax u wadin laakin iska kaashanaya cadow guud oo ay leeyihiin. Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo kala shakisan ayaa dagaal ku wada jira, halka dhanka Hiiraana ay hada is bahaysteen Ahlu-Suna iyo Midowgii Maxaakimta oo iyaguna kala shakisan laaki leh cadow guud oo Al-Shabaab ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this