General Duke Posted December 24, 2007 Gudoomiyaha Barlamaanka iyo R/wasaare Nuur Cadde oo Baydhabo kulan xasaasi ah ku yeeshay. (WYNET)Baydhaba:-Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Barlamanka Somaliya Sheikh Aden Madoobe iyo R/wasaare Nuur Cadde ay kulan ku yeesheen halkaasi,iyagoo ka wada hadlay qaabka loo dhiayo golaha Xukuumada iyo xaalada guud ee dalku ku suganyahay iyo qaabka wax looga qaban lahaa. Kulankan dhex maray labada Masuul ayaa ugu horrayn lagu falanqeeyey golaha Xukuumada Cusub ee Nuur Cadde doonayo inuu dhawaan ku dhawaaqo iyo sida ugu haboon ee lagu soo xuli karayo xubnaha golaga wasiirada. Masuuliyiintaan ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaalada guud ee dalku ku suganyahay iyo sidii loo nabadeyn lahaa dalka guud ahaan,waxayna wararka ka ag dhow sheegayaan in kulankaasi uu ku dhamaaday isafgarad wanaagsan. Dhinaca kale Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Qaybiid oo isaguna Baydhaba ku sugan ayaa mas'uuliyiintaas ugu warbixiyay xaaladda magaalada Muqdisho iyo horumarka laga gaaray dhinaca amniga oo hadda u muuqda mid ka soo reyneya, inkastoo uu Taliyaha sheegay in ay jiraan qaraxyo iyo weeraro lagu qaado xarumaha ciidamada. Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa ku amaanay Booliska Soomaaliyeed heeganka ay ugu jiraan xasilinta caasimada dalka ee Muqdisho isagoo ugu hambalyeeyay munaasabada 64- guuradii ka soo wareegatay xiligii la asaasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed. R/wasaare Nuur Cadde ayaa shaaciyey inuu dhawaan soo bandhigi doono golaha isla markaana uu soo gaba gabeeyey wada tashiyadii uu la lahaa Oday dhaqameedyada beelaha iyo wax garadka iyo waliba Xubnaha Barlamanka Somaliyeed. Xafiiska Wararka Waayaha.net-Baydhaba Editor@waayaha.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 24, 2007 Originally posted by General Duke: So that is the wada hadal ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 24, 2007 Informal talks in the beauty of Baidoa city. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 24, 2007 Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo ka wada hadlay magacaabista xukuumadda cusub ee la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo Mogadishu Isniin, December 24 2007 SMC Wararka ka imaanaya Magaalada baydhabo ayaa sheegaya in kulan ay yeesheen Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul wasaare Nuur Cadde ayaa kulan ka yeeshay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka. Waxyaabaha ay ka wadahadleen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen arimaha Xukuumada cusub ee dhowaan la filayo inuu Ra'iisul Wasaaraha soo dhiso iyo sidii xukuumadaasi ay u noqon laheyd mid tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka heysta Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay u noqon lahayd xukuumadaas mid ay ku qancaan Beelaha Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa gaaray magaalada Baydhabo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid , wuxuuna ka warbixiyay xaaladda magaalada Muqdisho iyo horumarka laga gaaray dhinaca amniga. Ra'iisul Wasaaraha ayaa cadeeyay inay u soo gabagabowday arrimihii la tashiyada Beelaha eek u aadan magacaabista Xukuumadiisa Cusub, wuxuuna sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono xubnaha ka mid noqonaya Golihiisa Wasiirada ee cusub. Dhinaca kale ra’iisul wasaare Nuur Cadde ayaa amaan u soo jeediyay Booliska Soomaaliyeed iyo weliba qaabkii ay u dhacaday xafladii loo sameeyay sanadguuradii 64-aad ee ciidanaka Booliska Soomaaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites