Sign in to follow this  
Jacaylbaro

LIBAAX H AH IYO DACAWO REER MUDUG AH

Recommended Posts

Gabalkiiba dhacay dad iyo duunyaba guryohoodii bay ku xaroodeen, shinbirihii dhirtooda ayay fuuleen. Waa gudcur magan gooyo waa habeen jilaala oo dabeyl badan, waa habeen wixii nooli dad iyo duunyaba ay cabsiyi wadnaha u fadhido. Dhirta ayaa fooraysa cid kastaa waxay ka baqa qabtaa in lafaheeda loo dilo ama loo cuno waxaa ugu cabsi badan Habardugaag, cabsidana waxaa keenay isagoo og inaanu dhexdiisa isu gurman kareyn ka dib colaad xun oo dhex martey.

 

 

Colaadooduna kuma saleysna waxaan Qabyaalad iyo huguri ahayn, haba waada xumaadaane lakiin way ku kala fog yihiin xumaanta. Qaarkood waxay gòaansadeen in mar hadii uu H/dugaag heshiin waayey inay gooni uga baxaan oo iyaguna ay is nabad geliyaan H/dugaaga kalena ay nabad galiyaan, guul badan kumay gaadhin oo waax baa maqan, hadana uma caalacalaan mar hadii ay og yihiin in waaxda ka maqani ay qudhuntey oo ay dhimatey, waxay aamineen inay lug keliya ku socdaan oo ay is dabaraan!!!!!

 

 

Qeybta maqan Dawaco ayaa ka mida, iyadaa ugu itaal daran hadana ugu dhaqan xun. Waa basaasad, waa ta H/dugaag kala eriday ee dabka dhex dhigtey, ma aha wadaniyad oo nacabka iyo gacalku waa isugu mid, gaaraadka waxaa laga galiyey indhaha oo waxay qiimeysa oo kaliya inay wax xukunto. Xukun jacelkeeda ayaa keenay in uu H/dugaag kala dhaqaado, oo midba geed ku xidhmo. Waxay jeceshay in H/dugaag la xusuuqo oo ay kelideed noolato. Damaceeda ma gaadho, mana deyso. Waxaaba lagu xantaa inay ku dhaaratey inaaney daynin xumaanta ilaa ama wax xukunto ama uu qiyaamuhu dhaco. H/dugaag way ogyihiin oo hadii ay xukunka u dhiibi lahaayeen waxay la socdaan inay tahay Dawaco cadaalad xun oo khiyaamo badan, hantida H/dugaagna isku darsaneysa.

 

 

Libaax baa ka mida groupka dhanka qudhmay jooga. Waa libaax oo waa geesi geesi dhalay, lakiin wuxuu ku xun yahay naafihiisna uma roona, nafo Islaamna uma roona. Way sahlantahay inuu isagu gudihiisa is maaruqo, waxaa kale oo sahlan inay Dawacadu khiyaamyso. Lakiin dacawada wuu ka wadanisan yahay, kana qaranimo jecelyahay, mana ogala in cid kale dibada kaga timaado. Isagoo is dilaya hadii uu maqlo caro Habardugaag baa la soo hujuumay wuu is raacaa, wuxuuna isaticimaalo awood wadaninimo. Wuu yaqaana sida guusha loo keeno, lakiin waxaanu aqoon sida guusha loo maalo. Hadhow buu u kala baxaa Aar, Gool, Birinbirqo iyadoo midkastaa doono inuu yidhaa Mahan (Goofkan) anigaa iska leh, taasa keentey inuu qeyrkii ka hadho taasana keenta iyo ubadkiisu uu silic ku noolado, wuxuu garan waayay hadii H/dugaag kala socdey adigu gaarkaga u tasho oo u midow.

 

 

Horrar ayaa jira geyiga ku nool waa Horror, Horrarnimo dhaafey, oo waliba Ibleysa oo ay walaalo yihiin kun Ibleys oo kale. Waa horor hadii uu H/dugaag is raaco aan awood badan lahayn, wuxuuse cidla ka helay guul u dagentay. Wuxuu ka faàiideystey xiliga ay H/dugaag silcayaan ee ay qeybsan yihiin. Si uu danihiisa u fushado oo H/dugaag uga dhigo wax dhintey iyo wax uu taliyo, ayuu wuxuu fahmay inay tahay Dawacada ta muraadka la fulin kartaa ee indhaha uun wax ka aragta.

 

 

Dawacooy waxaan rabaa in aad H/dugaag u taliso tashan garanwaaye eh ayuu ugu tiraabey "Waan u talin lahaaye awood ma hayo ayay u celisay". "Awood anigaa kuu haya ee miyaad ka nixi markaan xasuuqo ayuu ku jawaabey". "Sideen uga naxaa mar hadii aan xukumaayo, xanuunka i hayaaba waa inaan wax xukumòe, ayay u celisay".

 

 

"Libaaxa sideynu ka yeela ayuu ku yidhi" "Anigaa taa kuu sheegaya ayey tidhi" Way sii wadey waxaaney tidhi "Libaaxu waa Aar iyo Gool, Goosha ayayn la hadli waxaanan odhan Gooley adigaa dalka leh ee ka saar Aarka".

 

 

Waa talo fiican ee anigana igu daa inaan xidho Miciyo dhaadheer oo dhiiga H/dugaag jaqo kana dhigo wax dhintey, wax qaxey iyo waxaad u taliso. Adna waa kugu khiyaamo iyo xukun jaceyl ayuu talo ku soo xidhey.

 

 

Dacawadu may ka fikirin in Gooshu Libaax tahay oo inteeda badani ay Aarka raaci doonto, mida kale kamay fikirin in Horrorku uu iyada hadhow cuni doono. H/dugaagii kale wuu dawaanaya waxa socda isagoo ka baqanay Horrorka. Waxaa ka maqan H/dugaaga kale inuu is waydiido adigu xageed hadhow ku noolaaneysaa.

 

 

Alla mahad leh

 

 

Osman Omar Dool

 

 

Oslo Norway

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this