Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu Warlords say NO to peace governance..

Recommended Posts

The Adan agreement between the Parliment Speaker and President Yusuf has gained a wide support from all the MP's in Jowhar, Bakool, Mogadishu and other parts of th country and world. Not a single MP has come out against the agreement. Xabsade of Baido has even welcomed the agreement. Yet as ever the warlords in Moagdishu have kept quite, some even said we dont welcome it. The reality is the people will now see through them..

 

 

Xubnaha Labada Gole Muqdisho oo ku kala

qeybsan Heshiiskii ka dhacay Magaalada Cadan

 

kulan ay Maanta Hotelk Saxafi ku yeesheen Wasiirada iyo Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka ayaa markii uu kulankooda dhamaaday waxay sheegeen inay taageersan yihiin heshiiska khmaiistii Magaalada Cadan ku gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka labada gole ee Muqdisho ayaa sheegay in dhamaan xubnaha labada gole ee Muqdisho ay si weyn u soo dhaweynayaan heshiiska ay u dhan yihiin Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha, oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu soo afjarayo khilaafkii mudada dheer ka dhex oognaa Labada Garab ee Dowladda Soomaalida.

 

Dhinaca Kale Wasiirada Hubeysan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka hor yimaadeen heshiiska dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo shaki geliyay dhaqan galka heshiiskaas.

 

Maxamed Qanyare, Muuse Suudi iyo Cusmaan Caato oo diidan heshiiska ayaa lagu tilmaamay inay saldhig u yihiin dhibaatad ka jirta dalka ayna diidan yihiin nabad ka dhalata dalka Soomaaliya marka la doonayo in la xaliyo arrimaha Soomaaliya waxey isu arkaan in la siiyo tixgelin gaar maadaa ay hubeysan yihiin in kastoo ay heystaa jagooyin muhiim ah ayaan la garaneynin wax ay dhabahan rabaan, sidaas darteed dad badan ayaa aaminsan in heshiiskan uu yahay mid ay hor taagan yihiin madaama aysan ka dhex arkin danahooda.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubnaha labada gole ee Muqdisho oo taageeray Heshiiskii cadan

 

Muqdisho-07.January.2006 Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho marka laga reebo hogaamiyeyaasha

hubaysan ayaa waxaa ay ka sheegeen inay soo dhoweynayaan heshiiskii ay magaalada Cadan ku kala saxiixdeen madaxweynaha dowladda Federaalka kmg ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Ogolaanshahan ayaa ka dambeeyay ka dib markii kulankii maanta lagu falanqeeyay qoraal saddex bog ka kooban uu gudoomiyaha baarlamaanka shariif Xasan Sheekh Aadan u soo diray magaalada Muqdisho kaasoo ku xusan qodobadii ay ku heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha.

 

Kulankii maanta ayaa waxaa ka soo qayb galay ku dhowaad 45 xubnood oo ka tirsan xubnaha labada gole ee dowladda federaalka, waxaana qoraalkii dokumentriga ahaa ka akhriyay shirka hortiisa xildhibaan Shariif Saalax.

 

Saxaafadda ayaa loo ogolaaday inay goob joog ka ahaatoo xilligii lagu dhowaayay go’aanka ay ka qaateen heshiiskaasi.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ahna ku simaha gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh aadan oo isagu gudoomiyay kulankii maanta ayaa ku tilmaamay qodobada lagu heshiiyay inay yihiin kuwii la sugayay.

 

Wuxuuna sheegay inay soo dhoweynayaan heshiiskaasi ay gaareen madaxweynaha dowladda federaalka kmg ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan wuxuu sheegay in tallaabadani ay bog cusub u furtay xubnaha labada gole ee dowladda federaalka uu u furmay bog cusub isagoo ugu baaqay xildhibaanada kale ee ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa inay taageeraan heshiiskaasi.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi ayaa intaa ku daray in uu soo dhammaaday khilaafkii mudada dheer u dhaxeeyay xubnaha labada gole ee dowladda federaalka ee ku kala sugan magaalooyinka muqdisho iyo jowhar.

 

Laakiin shirkii maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ayaa waxaa ka maqnaa wasiirada ku hubaysan magaalada Muqdisho sida wasiirka gacansiga Muuse Suudi Yalaxo, wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax iyo wasiirka hawlaha guud Cismaan Xasan Cali Caato.

 

Wasiiradaasi ayaa shalay diiday inay aragtidooda ka bixiyaan heshiiska ka dhacay magaalada Cadan, ilaa iyo hadana ma cada mowqifka rasmiga ah ee ay iska taageen heshiiskaasi.

 

 

Saynab Abuukar Maxamed

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiyayaasha Muqdisho ku Hubaysan oo aan Juuq ka odhan Heshiiska

 

C/laahi Yuusuf iyo Shiriif Xasan

 

{Muqdisho}06.01.06

 

Qaar ka mid ah xubnaha dowladda FS ee ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay kala saxiixdeen Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan, iyadoo hogaamiyeyaasha hubeysan ee magaalada Muqdisho ay ka gaabsadeen arintaasi............................

 

Iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka iyo wasiir K.xigeenada dowladda FS ee ku kala Sugan Muqdisho, Jowhar iyo Xudur ay soo dhaweeyeen heshiiskaasi ayaa hogaamiyeyaasha hubeysan ee ku sugan magaalaada Muqdisho ayaan haba yaraatee ka hadlin heshiiska Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Gudoomiyaha Baarlamanka ay ku gaareen wadanka Yemen.

 

Hogaamiyeyaasha ku hubeysan magalaada Muqdisho ayaan wax taageero iyo diidmo ah ka muujin heshiiska labada Mas'uul ee ugu sareysa dowladda FS.

 

Xilhibaan xasan dhinbil Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka FS ee ku sugan magaalada Muqdisho oo u waramayay Saxaafada ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo heshiiska, isla markaana isagoo ku hadlaya magaca xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada muqdisho.

 

Yuusuf Max'ed Kheyr Guurow oo ah wasiir K/xigeenka Iskaashatooyinka dowladda FS oo ku suga degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in xubnaha dowladda ee jooga gobolka Bakool ay si weyn u soo dhaweynayaan, isla markaana ay ka shaqeynayaan dhaqan galka heshiiskaasi si looga gudbo ismari waaga sanadka ah ee ku dhex jira xubnaha dowladda FS oo ku kala sugan magaaooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

 

Waxa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo in waxba kama jiraan laga soo qaado dhamaan heshiisyadii dowladda FS ay gashay tan iyo markii ay Baarlamanka isku feereen wadanka Kenya, oo ay noqdeen kuwo u kala saftay labo garab.

 

Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir K/xigeenka wasaaradda warfaafinta DFS ayaa waxa uu sheegay in garabkooda ay si weyn u soo dhaweynayaan taageerada ay u hayaan heshiiska taariikhiga ah ay ku kala saxiixdeen magaalada Cadan Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

yassiin maxamed cali ( faytin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiiskii madaxweynaha & guddoomiyaha baarlamaanka oo helay taageero ballaaran

 

 

Taageero kala duwan ayuu helay heshiiskii madaxweynaha & guddoomiyaha baarlamaanka ay ku gaareen Cadan, waxaana taageeradaasi ay ku muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha & dibedda sida ay ugu faraxsan yihiin in mar un la soo afjaro khilaafka xubnaha dowladda federaalka, iyadoo sidoo kalena ay soo dhoweeyeen heshiiskaasi beesha caalamka & Q/Midoobay oo ku tilmaamay heshiiskaasi in uu yahay mid taariikhi ah.

 

 

Xubno uu ku jiro ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi & xubno ka tirsan labada gole dowladda federaalka ayaa si weyn u soo dhoweeyey heshiiska labada gole, waxaana ay heshiiskaasi ku tilmaameen in uu yahay mid yididiilo xambaarsan, wax weyna ku soo kordhin doona in la soo afjaro khilaafka labada dhinac ee dowladda.

 

 

Dhinaca kale, xubno ay ku jiraan wasiirada ganacsiga & amniga Muuse Suudi Yalaxow & Max’ed Qanyare Afrax ayaa sheegay in aysan soo dhoweyneyn isla markaana diideyn, ayna u baahan yihiin in faahfaahin dheeraad ah laga siiyo qodobada heshiiskaasi.

 

 

Isku soo duub heshiiskaan ay gareen labada masuul ayaa waxaa siweyn u soo dhaweyey dhamaan beelaha dhibanayasha ah halka ay ka goos adeegsan tahay beelaha loga bartay in ay wax walbo oo ah samaan diidaan

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this