Sign in to follow this  
RedSea

War of words officially underway(Gabay iyo jawaabo)

Recommended Posts

RedSea   

Poem by Abwaan:Abshir Bacadle

 

Gabaygani hin-buu kicinayaa waana la hubaaye

 

Hargeysoo dhan uma jeedo iyo heybahaa dega’e

 

Gabaygan I wuxuu la hadlayaa howlwadeenada’e

 

Iyo wixii u hiilinahayoo heyb u daba jooga

 

Hadhow yaan la oran beel dhambaad holaca gaarsiisay

 

Waxaan ka hadlayaa culumadii beeca loo helaye

 

Oo aad waayaradii Korontada ku holcineyseene

 

Oo aad timaha heyseen sida Gaal la soo helaye

 

Ood ku hirdiseyseen Jilbaha ha igu towxiidin

 

Magaaladan Hargeysoo Kufriga hibada loo siiyay

 

Oo Gaaladeenaad handadi lagu huruufaayo

 

Oo hiilka Buush noqotayoo Xabashidow heegan

 

Oo naasigii Hitler shaabahdoo Diinta ka huleeshay

 

Oo hilibka culimada ku nool, kuna haliileysa

 

Oo aan Hadyigii Nebiga rabin heestase u qaada

 

Oon haba yaraatee Sunnaha hoos u dhuganeynin

 

Hida raaca Gaaladey Tigraha kaga horeeyaane

 

Iimaanki-bey u huri Kufrigu hey aqoonsado’e

 

Hanka beesha iyo Gaal unbey u halgamaayaane

 

Hey haatan calan aad heshoo hibo laguu siiyo

 

Intaan Koonfurta habeynayaad hununuceysaaye

 

Huuraalayaalkaan qaxiyay iiga howlyaride

 

Kuwii dhiiga culimada harqaday waan isku hubaaye

 

Rabibaan isku haleynayaa guulna waan heliye

 

INSHA ALLAAH, Hargeysiyo Berbera waan hantinayaaye

 

Kitaabkaanan ku hogaaminn ee ma’ahan heybteyda

 

Haad geed saaran-baad ii tohoon waraf u heysaaye

 

Howd iyo Burciyo xeebta Bari kuuma heegana’e

 

Raggii aad isku haleyn jirteen hiil ALLEY noqone

 

Kuwii Xamar ka heyruubay-baad la hal wadaagtiine

 

Hareeraha markaan kaaga rido hoos unbaad dhugane

 

Hayaayda iyo qeyladana waad sii hawaawiciye

 

Hidaha Gaala raacoo dhambaa hoos u sii degiye

 

Ka huleele meeshay Furqaan ku hagranaayeene

 

Hanka beeshu Diintoo dhambey kala horeysaaye

 

Nadyiga Nebiga iyo Aayadaha ku hakan maayaane

 

Hiyi raaca Gaaladey Furqaan kaga habsaameene

 

Wax la heysan jirayoo kaley u haminaayaane

 

Helina waaye go’itaanki ay u halgamaayeene

 

Dulcad iyo *****i Sheekh mar waan kuu hantaaturine

 

Har-cadbaa la geli oo la qaban howlwadeenada’e

 

Daroogada markaan ka hurgufney Khabar helaayaane

 

Hurdada waxay ka kici waa markaan how-da ma qashiiyo

 

Rabbi kuwo u hiilinahayuu hibada siiyaaye

 

INSHA ALLAHU hadalkeenu waa noo hirgelayaaye

 

Haamaha markii laga quboo holac la leefsiiyo ama aan Qabriga ku hubsaney Khabar helaayaane

 

Wan humbulan kor ma haleelayee hoos unbuu dhugane

 

Cirkaba woxowgu hora maalintii helayo Gaal-leefta

 

 

Hadana waxaan idiin soo gudbineynaa tix Shirib ah:-

 

 

Safar badnaa Somaliland

 

Madax Ahlu sunney sidaan

 

 

Madax garleh Mareykan geey

 

Malyan ha kugu maalgelshee

 

 

Riyaale

 

 

Raa’ix iyo Rujuuc dhowaa

 

Illeyn ru’uus dadoow raraa

 

 

Howshiisi mow hilmaamayaa

 

Hilib dadow horuu bartee

 

 

Bahdow hogaamiyaa ba’doo

 

Bilad basaasnimow sitaa.

 

Submited By hadhwanaag : 2006-10-03

 

Peom by Hayaan:Jawaab.

 

Bacadlow waxaad dadi lahayd, soo daleel bexe e'

mar hadaad in taasoo danbiya joogto dacalkooda

oo aadan deelkiisa gabay diirka oga qaadin

nin qabiil diloodaa tahee yaa dafiri doona

 

Deelayda gabay waanigii daadahayn jiraye

daruusteeda waataan wax badan daalib ku ahaaye

digrii waanigii qaatay iyo darajo waawayn e'

 

Dan na wowga baxayoo baryahan daayay hadalkeed e'

hayeeshee dareen wax i gashoon diiday baa jire e'

Deelqaaf weeye bacacloow, waxaad daabacd oo kale e'

 

Dadaad adigu dool iyo ku timid dab iyo baaruuda

asaad qiratay ******* inuu dagin ku kiisiiyah

Danbi weeye hadalada kalood daba dhigaysaay e'

 

Diintii islaamka iyo hadaad daacada u jeedo

oo aadan dariiqii ****** dacalka saaraynin

dadka maadan boobteen intaad duub u xirataay e'

 

Diinka iyo adoon kala marin damaca reer kiina

hadaad dooni wada saarto ood dibad u iib gayso

dubaaquu ka soo baxay caqligu Daahir ma ahayn e'

 

Waligiinba door baad kacdaan sida dabayshiiy e'

daf-daftiina badan baa ayaan lala dakaamaay e'

Diraacdana ma soo dhaaftid oo digo mareebtaan e'

 

Caydiid doraad bay ahayd daqara diisiiy e'

dagaal badan wixii uu galee dirir ku liibaanay

Maandhow dux kama uusan helin dunida waagiiy e'

 

Daahir iyo Aways-kaanu waa labo daqiiqood e'

dakanka iyo wuxuu badinayaa daynka ii qoran e'

Talo daa in tiyo kuma ogayn darari khyaareed e'

 

Waa nin darajo raadinahayoo diin gabaad-saday e'

asaga iyo wixii dabagalaa wax isma doorshaan e'

Dersi adag ninkii aan u dhigin dayni mahayaan e'

 

Dabka maalintaa qaadanee dirir u khaanshaysto

doqon diide iyo cowramale *** iyo sheekhaasha

Mushunguliga xeebaha dagiyo wabiga diishiisa

 

Anigay dad iyo ii yihiin daris wadaageed e'

dakan nama dhaxyaaliyo anaga dil iyo lays taan e'

Durbaan kaad garacayso iyo duulaanku waa been e'

 

Doqonkaa ******** ee aad dira diraynayso

daaftaas hadaan ola baxoon daan wax ugu sheego

daruustayda way qaadan oo diidi mahayaan e'

 

Inkastoo dubaakhiyo qalbigu daxashu gaashaysay

dad anaa u xiga ee hadaan daawo galin waayo

dugaag iyo ****** waa inuu dacal kasaaraaye

 

Daaftay baneeyeen hadaan sacad ku daaduumo

ayagaba dulaa lagu markaday doorki ree jalaf e

dakan kiyo colkii waa qabaan waana diriraane

 

Wuxuu duud balaaraa ****** dacay maqaateene

dabka sidi ayaan looga dhigay dood masoocalin e

duqa cali ah waataad daraad daar ku xirateen e

 

Inuu ciilku soodaashadoo daamurkii karayo

dumar iyo ragiisuba inuu duub cad wada qaatay

ooy dibinta wada ruugayaan daafigaa siday e

 

Hadii niman dagaan ah islaam loogu diirnaxayo

dur durada kuwaa laga gadee biyaha loodiiday

dadka labo shabeeliyo wixii doy ku dhaqanaayay

 

Dalaga iyo beeraha maxaa loogu dacareeyay

dulinkaas kuwii galay markaad dililahaydeen se

durba Sheekh maxaad uga dhigteen diinka ku ikraaman

 

Daaraha agoomaha kuwii duud siyee cunayay

diir kiisi,******** qaboo daqaradiisii leh

duqowda iyo shuurada maxaa loogu darayaase

 

Bacadlow waxaad dadi lahayd, soo daleel bexe e

mar hadaad in taasoo danbiya,joogto dacalkooda

oo aadan deelkiisa gabay,diirka oga qaadin

nin qabiil diloodaa tahee yaa dafiri doona

 

Hayaan

************************************************

 

 

Jawaabtii labaad: Cabadallah Farax Sigad.

 

 

Abshiroow hataataca iyo hadal xumaantiisa

 

 

Hadaad diinta hiil u tahay uma hiloowdeene.

 

 

Hamigaagu waakaa kuyidhi hawdaka soo qabo e’

 

 

Hubsanwaagu waa tii ****** heertay waa horee

 

 

Hawraarta maansada adoon hubin maxaa hadalka kaa keenay.

 

 

Hinyi kaca iyo hamaahsiga waxbaa ku horsocdood

 

 

Haabo leedahaye

 

 

Hargeysiyo barbaraa lagu horkeenaaye, adigoo

 

 

hurduunbaad hawd xoraysaaye.

 

 

Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid.

 

 

Afartaa hadaan hakiyo oon hoos u daadago

 

 

Hirdankiyo dagaalkaad wadaa Abshiroow

 

 

Haybsi weeyaane

 

 

Haday xamar hagaag diiday ooy diintu ka

 

 

Hadaaftay

 

 

Oo aad hanoonini kufriga adi ku hoosjooga

 

 

Hiilbaaban soo diri lahaa iyo culimi heeryaysan

 

 

Ee hiilkiyo xumaantaad wadaan hiifay waahoree

 

 

Hawiyaa higaadini quraan waa hadal macaankaaye

 

 

Hashayduun baad rabtaa inaad haanta goysee

 

 

Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid.

 

 

Habeenadan khayrka badan ee ibliis

 

 

Haanta laga buuxshat, aduunbaa dijaal

 

 

Nagu hadhoo Abshiroow soo hagoogane

 

 

Hadaad diin hawaysani bishani maba

 

 

Habaaqdeene

 

 

Hido uma aad lahayn ee anaa diinta kuu

 

 

Huraye, halkaan kuugu joojaad wali ku haysaaye

 

 

Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid

 

Halgankii hawaas iyo markaan herar xoraynaayay

 

 

Haylihii sayidku sheegaybaa malaha kugu hagoognaaye

 

 

Hada diinta lama soo dajine yaad

 

 

hanoonini

 

 

Habeen baad gudaysaa dayuxu hoyday waa hora e’

 

 

Hulac iyo rasaas baan kuhelin oon timaha kaa hoolin

 

 

Hawlyraan kismaayaad gashee way ku

 

 

hodintaayi

 

 

Ee hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid.

 

 

Hadii uu ********** ****** soo horkaco manta

 

 

Oo ay hamiga soo gashaan hawdka bari gaadha

 

 

Hawaas ciise joogiyo tolkaybaan soo

 

 

Horkacayaaye.

 

 

Hadii aad hawaawiga ***** heer istidhi maanta

 

 

Anigaa hogaanshoo soo horaynaaya.

 

 

Hubka niman hindisaan Awdal ku hayaaye

 

 

Heegan bay yihiin hadaad nabada heertaan inay xamar

 

 

Hujuumaane.

 

 

Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid

 

 

Haybadaha ilaahay hibada noo siiyay sunahaa

 

 

uhoreeyo anagu kama habaabayno.

 

 

Ee hadaad hooriyoow wiil ******

 

 

Hilib dad ruugayso

 

 

Oo aad hanoon mooday dhiiga hawdhabani

 

 

Hargeysa inaad hantidi waa habeentagaye

 

 

Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid

 

Cabdale faarax sigad

sigad12345@yahoo.co.uk

Submited By hadhwanaag : 2006-10-07

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Gabay ka hadlaya jidh dilkii loogu gaystay Sh Maxamed Ismaaciil xabsiga Hargaysa

 

waxaa gabay kaga soo hadlay jidh dilkii loo gaystay Sh Maxmed Ismaaciil abwaan Axmed Cabdi Geelle illaahay haka abaal mariyee

 

Bacadlow aduunyadani waa oday ka sheekeeye

Amakaag ma laha shay haduu soo ahaan jiraye

 

Adamigu wixii ku cusub bay la ashqaraaraane

 

Arin aniga iga yaabiyoo aada baa jira.e

 

Arxan xumada soomaaliland maqal islaamkiiye

 

Iyaga iyo axmaaradu iblays agabki weeyaane

 

Culimada ilaahay diraye diinta u adeegta

 

Xabsiga abu qurayb oo kalaa lagu idleeyaaye

 

Eed ma gelin wadaadkaniye waa la arjumaayaaye

 

Iimaanka uu leeyahay buu eeday oo qudhahe

 

Elekteriga lagu ololiyee ubucda loo saaro

 

Indhihii arkaa la hubaa inay ilmeeyeene

Abtirsiinyahaa lagu arkay iyo oodda uu yahaye

 

Akishuu noqdaye ina ***** weys tixgeliyaaye

 

Awood nimaan lahayn iyo qariib waa alqaacido.e

 

Iyagay aduunyada tusaan kuna ugaadhaane

 

Abris iyo abeesay noqdeen arami jiiftaaye

 

Ehel ma laha gaal iyo ninkii aaladow sida.e

 

Inaguu gargaar inaga sugi ina ismaaciile

Adimada hadaan lagu tegeyn jeelka lagu ooday

 

Aan lagu afuufayn rasaas ololku qiiqaayo

 

Alaylehe inaan aamusnaa waa ardaalnimo.e

 

Abshirow adow hiilin jiray kii la aayiro.e

 

Inantii yarayd waadigii aakahow ridaye

Eegana afkaagay bulshadu eegaysaa weliye

 

Uugaami maansada mar baa lagu itaalaaye

 

Inta uurka nugul ee dulmiga ka anfariiraysa

 

Odayada wax garadkee xalila xaajo la adkeeyey

 

Interneedka ugu sheeg xaq waa loo arimiyaaye.

*************************************

 

Afartaasi alifkaan bartiyo erayadaydii dheh

 

Hawraar awow laga wato iyo hibo ilaahay dheh

 

Eegana rigaalow la maqal waxaad ahaateene

 

Oogada saraad uga eg tahay ina islaameede

 

Adigiyo israa.iilba waad edeb daraateene

 

Nin islaamka neceb baad tihiyo ehelu khayrkiiye

 

Axmaqyohow wadaad sooman baad adhaxda goysaaye

 

Laga ogaayey eeddaad fasheen tan iyo ireland.e

 

Aakhiro tagtaa oo cadaab lagugu aasyaaba

 

Kursiga kaa aryaa oo nabsigu ood ku geliyaaba

 

Indho beeshayaa oo arlada umal ku joogtaaba

 

Insha allaahu waan sugi siduu eebe kuu galo.e .

 

Axmed Cabdi Geele .

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

(This is a repost, It's better if all these political GABAYS about Sheikh Maxamed Sheikh Ismaciil's jidhdil are posted on the same tread.)

 

 

Abshir bacadle Nuur Faarax iyo cali xaashi oo laba gabay is dhaaf saday

 

 

Cali Xaashi ayaa Gabay ka tiriyey Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle), waxa uuna gabaygaasi u dhignaa sidatan:

 

 

* Abshirow warkaan kaa helniyo hadaladaad sheegtay.

* Hamigeena kuma jirin inaad noola hawooneysid.

* Taariikhda wuu kaa haleyn hadalka qaarkiise.

* Hilibkeeni baad goysayood halacsanaysaaye.

* Gacalkaagta lama hiifo maysidoo wa habeen tagey.

* Heyb kalane helimaysidoo waan habeen tagaye.

* Ayagaa kuu dhannoo kuu tol ahoo lama huraankiiya.

* Nin hunguri horkuuguma aqoon haatanse anmoogi.

* Halgankayagii Yunisoom adaa noo horeyn jiraye.

* Dib inaad u haakowsataa kuuma habooneyne.

* Dadku waxay ku haasaawayeen sooma aan hubine.

* Habaar owliyo wuxuu qabaa ha iyo wow reeb ah.

* Hantidaad laheyd meeday sow hadalku dow maaha.

* Haad haad maxaa kaa dhigoo la hirgisaysaa.

 

 

Jawaabtii Abshir Bacadle

 

 

* Cali Xaashiyow hadalku waa kaa habeensadaye.

* Anigu hiil rabigeybaan ahay waana la hubaaye.

* Waxaa hoogayoo ba'ay wixii gaal u howl galaye.

* Iyo kuwii u hiilinahayoo heyb ku daba joogay.

* Hogga maalintii lagu riday khabar helaayaane.

* Adduunyadana ku hungoobe waxay ku haminaayeene.

* Ka heyruube meeshey khalqiga ku handadaayeene.

* Haad geed waayey sow lagama dhigin hadura gaabgaabti.

* Himbiriirsi iyo waan la rabay hogasha ceebeede.

* Ka huleele Xamar aakhirana howl kalaa sugiye.

* Hagooga xun hadey magangaleen hoos allow celiye.

* Haddaabay falkiyo haykalkii ka harqinaayaane.

* Oo mayd u heybinahayaan hanasho guuleede.

* Iyagaa hantool iyo ku ridi god iyo hadaane.

* Oo hilib ka cuni waa waxay ku haminaayeene.

* Halkaasuu ku sugi goor dhawoo hiihah loo tumiye.

* Halgankeeni Yunisoom kufribaan wada halgaadeynay.

* Adinkaa haloosigii ka lumay nagu haboonaaye.

* Nin walibana hadafkuu lahaa aakhiruu heliye.

* Habaar waxaa ahoo lagu hubaa mayd gacmo u hoorsi.

* Hana igu hadadin owliyee qaadirka u hiili.

*Hawo been ah waa wixii tolkey hodaye sow moogid

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Gabey uu tiriyey abwan Said Du,ale :

 

geeshka ina riyaalow,haddaan gabay yar kuu tiriyo

 

magantii gacmaha laga xidhee,gaallo loo dhiibay gala,daad amxaar siinaysee,garab ka doonayso

 

aayaadka aad gadanaysaan,waydin gubayaane godmadow

wadaad lala galloo,gaallo loo jebiyo..

iyo gabadh habeen lala baxaad,tallo ku goyseene

 

geddii sayidku uu sheegay,baad gallabta joogtaane

 

halkuu gabayga uu mariyay,baa gogol idiin taalle

 

godka lagu janneeyoow,ninkii garasho dheeraaye

 

gafanaha riyaaliyo,intuu cawil gadhqaadaayo

 

ee gabanka ina dhoola yare,daba guclaynaayo

 

ama garabcastiyo shillinta,gacalka moodayso

 

war geeraa u taal ,reerihii gubanta xeebeede.

 

gobollada waqooyaan ka bixin,guuldarriyo hooge

 

waa taa dhulkii ganacsigii, uu gabaabsiyaye

 

waa taa galbeed iyo bal bari,godobi kuu taalle

 

waa taa gadaafadiyo ceeb,goollal loo qallaye

 

gaadhiga dhaqaaqaba,wataa gaas ku baxayaaye

 

waa taa garsoorkiyo xaqii,gebi ka laadlaaday

 

gasabkeeda waa taa arladu,goror biyood wayday`

 

waa taa giraantani,durbaba guba la moodaaye

 

gobonnimadii aad doonayseen,waa gunnimo showe

 

 

 

W.T SAID DUALE

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

hadhwanaag 2006-10-08 (Hadhwanaagnews)

 

Gabaygan waxaa tiriyay nin layidhaah Abdirahman Adan, waxaanu soo raaca gabayadii hore la isku waydaarsaday. Waana Jawaab kusocota gabay hore ee Abwaan Abshir Bacadle. Waana kan.

 

Hargeysaay anaa kaa huredee ******** kuma soo haliileene.

Hagardamada kuwii ku baday hanjabaad kuuguma soo heeseene.

Halboowlaha kuwii ku jaray hagoog kale kuuma soo qaateene

Hangash cumaamadani hor Ilaahay kuuguma soo gabateene.

Hoostiisa isagoon eegin hadba laaca kulama soo higsadeene

Hadal meel waayay iyo cay kulama soo huluusheene

 

Hanti badan haddii loogu sheegay reer Alloore hungurigooda

Hadal yaraanta Rayaale haddii la arkoo lagu soo haliilayo.

Heeryadaad tuurtay hadduu raggi haatan kula goobayo.

Harta sheekhaan ku gayn hadduu maanta hadalku joogo

Hanadaddii S-taa la ismoodsiin inay ciidda hoos mareene

Heegan inaad leedahay iyo gaadh kuu holinaaya

Halyeeyo dab qaadi inay kuu kaceen heedhe maad sheegtid.

 

 

Haddaanan anigu kaa hurdin hadba doc lagaagama soo galeene

Hohe kuma rabo ninkaad tidhi kuma daba hadaafeene

Hanyaraantayduu moodi inaan ilko beelay haatane

Halkii dacawo macal uga baraty ku habsaanta maalin kale e.

Maantan hindisihoogu waa Hargaysaan galayaaye.

Hohe yaa noo kala turjuma garan maayo kuwan hadalkooge.

Hohe yaa digniin wayn u holiya dadnimo seegooda

Hohe yaa ku yidhaa eebow ha lug-gu’ina oo ku aada hawshiina.

 

Hadal-maluuq Abshiroow hadaad heeryaddii tuurtay

Shalay uun hadaad hambaaburtayood halaqyaddii iska saartay

Hagardaamaddii lagugu hayay haddii hibo ALLE kaa siiyay

Alxamdu halkaad ka odhan lahayd hadaad kibir caasha taagtay

Hargaysaan galayaa iyo hadduu xaalku noqday hurin colaadeed

Hilinkii Alle inaad seegtay hagoog igama saare

Hortaa intii ku lug go’aday kibirka maad hoos u eegtid

 

Huri colaad iyo ciidan heersare ah sayidkii hoobalayn jiray

Hayeeshee isba wakii kibirkiyo hagardaamadii eersadaye

Halyayadii kacaanka loo wada raxlee heerna gaadhe e

Na hogaami Siyaad la yidhi oo lagu wada raac hiile

Hargaysadaad u holinaysaa watay horay u eedeene

Soo mushaax hogay ku dhaceen hadaad wali soo higsanayso

 

Hal fudaydku Abshiroow waa hayb lagugu yaqaane

Hubsiimo li’ibaad waligaa afuuftaa uun hollace

Hadaad hurgumooyinkii jiray maata dib u soo hurinayso

Hal Alle kaama arko intaad dhiig islaam u soo haliilayso

Hiil ALLE inaad filataa waa habeen xalayoo tagaye.

Huuralayaashaad saartiyo adigu dhagar uma kala sokaysaane

 

Himbiriirsiga aragtidaaga gaaban ee kibirku haleeyay

Ku tidhi Hargaysaan galayaa oo hareertaan kaga dhufan hadeere

Hadalkiisa colaad islaam kii ku hurinaaya janadii seegye

Ha moogaan fidmadu dhagar islam kama hoosyasee

Hiil Allana kuma filan kartid oo waa la hubaaye.

 

Hayb dhan lama hadlayo ku hal qarso is tidhiye

Hawl wadeendaan doortay iyo kala saartay heegan koogiiye

Hargaysoo dhan lama hadlayo igu hoosasi is tidhiye

Haduu Rayaale khaldamo waa hawl anuun ii taale

Hoostaadoo ololi baad waligaa igu soo haliishaaye

Gondahaaga hoos uma eegtid waanad hagrataaye

Hoygooda kuwaad ku jirtid hiil kaama helaane

Haybsooc-baad ku riixdeen qabaa’il dhan ood halbowlaha jartaane

Habqankoogu wakaa meel walba yaalee gaalada hoosgalaye

Hal Alle hadaad ku socotid ood hilinkii raacaysid

Hiil maanay kaaga baahnayn inta badda ku heermi?

 

Hadalkaygiyo wax sheega hadaad ku hakan waydo

Haday kaa gaayn waydooy hamuumtu ku soo qaado

Ha soo hilmaamin Turki iyo Morgankii Hilblaha ahaaye

Hareertadana ka soo kaxayso guutooyinkii Horee jabaye

Hub waxaad haysatana soo qabadsii hilinka dheeraa

Hoobaan waxaad ka heshid aan aragno haatan

Hilinkii janadu inuu Hargaysa ku yaal aan aragno haatan

Hilbaha islaam waxaad ka heshid aan aragno haatan

Hurimii Siyaad inaad hogoodii ku dhacdid aan aragno haatan.

 

Abdirahman J. Adan

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

So far the wadaad's supporters are winning. Abshir Bacadle has the best ones so far. I think the the pro-wadaads are more skillfull. What do you think?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^I don't have any talents of gabay whatsoever, so I wouldn't know,but maybe we can have Xiinfaniin and Sharmarkee entertain this little bit.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this