Liibaan Posted January 29, 2010 FALALKII AY KU KACEEN MADAXDA PUNTLAND EE KA SOO JEEDA SSC, WARARKII UGU DANBEEYEY (Boocameonline.com) Waxaa cadaatay in M/ku xigeenka Cabdi AliShire uu la xiriiray maleeshidii Waqooyi Galbeed ee ku sugnayd Koonfurta Laascaanood, kana codsaday inay hore u soo dhaqaaqaan, si ay u bur buriyaan shirka ka dhacaya Hol Hol qab qabtaana Issimada. Waxay horgalyaashii ugu jawaabeen inaysan haysan shidaal ku filan. Wuxuu u balan qaaday inuu usoo diri doono dhaqaalaha ay hawlahooda ku qabsan doonaan. Sidaas daraadeed wuxuu u diray W/xigeenka Abdi Qawdhan (halas) iyo Xildhibaan Cali Dhegacade oo uu adeer u yahay. Markii arintaas wax laga weydiiyeyna uu jawaab qancisa siin waayey Masuuliyiinta iyo Xildhibaanada ka soo jeeda SSC ee Maamul Goboleedka Puntland. Xildhibaanada iyo Wasiirad hortoodana ay ka qirteen Cabdi Halas iyo Cali Dhegacade, iyagoo weliba ugu jawaabay Masuuliyiintii kale si ka baxsan Masuuliyadnimo. Waxaa la sugayaa meesha arintani ku danbayn doonto, bacdamaa ragii ugu sareeyey Maamulka Puntland ee ka soo jeedaa SSC, ayba yihiin Horgalyaasha Waqooyi Galbeed. Arintani waxay dhamaan kalsoonidoodii bedeshay beelaha SSC gudo iyo dibadba. Maamul ahaan waa Puntlandne uusanba sii jiri doonin, hadiiba madaxdii ugu saraysay sidaa wax ku maamulayaan. Mar aan maanta soo maray xarunta golaha baarlamaanka iyo Wasaaradaha waxaa hadalku u badnaa in si deg deg ah labada xubnood ee kala ah W/xigeenka Maaliyada Cabdi Qawdhan (Halas) iyo Xildhibaanka Cali Dhegacade xilka looga qaadi doono. Maxkamadna la soo taagi doono. Madaxweyne ku xigeenkana uu mudan yahay xil ka xayuubin“ impeachment”. Mar aan wax ka waydiiyey rag masuuliyiin ah arintana ay ii sheegeen in xalka geliya ee sharafta Puntland amaba jiritaanka Puntland uu yahay in Ragaasi si deg deg ah isku casilaan intaan sharafta laga qaadin. Waxaanu si toos ah hadba idin la soo socodsiin doonaa hadba meesha arinku marayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 29, 2010 Puntland's so-called vice-president A/samed Shire is another traitor, he use to work for Somalidiid a long-time, and he still secretly serves the Hargeisa militia. Currently, Mr. Shire works for both Puntland and Somali-diidland. Now it is open secret and obvious to all, that Mr. Shire and Mr. Haabsade are working very closely to spoil the conference of traditional leaders of SSC in Holhol and Buuro-Wadal. Few days ago Puntland transferred 2 SSC towns Holhol and Tukaraq to Somalidiid militia, to halt the meeting of Issims. Now when Issims moved the venue of their meeting to Buuro-Wadal, Mr Double Agent A/samed Shire and his Puntland militia went to Buuro-Wadal to dismantle the meeting of Issims. Shame on Puntland VP Instead of Puntland supporting the struggle of SSC people to free their land, Puntland Admin and its double agents are doing everything possible to prevent any meeting of SSC leaders and confuse people of SSC Aakhirkii waa la isbartay, huuhaadiina waa soo dhamaatay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 29, 2010 Shirkii Khamiista Ee Golaha Wasiirada Puntland Oo Buuq Ka Dhacay, Iyo Dood Dhex Martay G.Jaamac G. Ismaaciil Iyo C/samad Cali Shire. Shirkii Khamiista Ee Golaha Wasiirada Puntland Oo Buuq Ka Dhacay, Shirkii todobaadlaha ahaa ee maalinkasta oo khamiis ah uu yeesho golaha wasiirada ee Puntland kaas oo hadba wixii cusub laysku weydaarsado xaalada Maamulka Puntland ayaa ahaa mid xaasaasiya oo ku saabsanaa arrimaha todobaadkan Puntland ka dhacay. Kulankaas ayaa waxa uu ka cadhaysiiyey xubno ka tirsan golaha wasiirada ka dib markii ajandaha shirka aan lagu soo qaadin dhulkii todobaadan gudihiisa la qabsaday ee gobolka Sool, waxa kale oo aan lagu soo qaadin madax dhaqameedkii lagu hareereeyey deegaanka Holhol , iyada oo xubnahan ka cadhooday ajandaha ay shirka ka sheegeen waxa ay xukuumada Puntland uga indha qarsanayso arrimahan dhacay isla markaana looga hadli la yahay. Arrintan ayaa waxa markiiba is hortaagay in laga hadlo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ,wasiirka hawlaha guud Daahir Xaaji Khaliif , wasiir ku xigeenka waxbarashada C/qani Diiriye Carab arrintan ayaa sababtay in wasiiradu gacmaha isku taagtaagaan, isu baxsadaan ,kulankan golaha wasiirada ee ka dhacay madaxtooyada Garoowe ayaa lagu kala kacay oo ku dhamaaday natiijo la,aan ka dib markii buuq dhacay, wasiiradan cadhooday ayaa ku cel celiyey in arimaha dhacaya wax laga qabto . Dood Dhex Martay G.Jaamac G. Ismaaciil Iyo C/samad Cali Shire. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Puntland C/samad Cali Shire ayaa safar gaaban ugu kicitimay dhinaca Buura wadal halkaas oo ay shir ku lahaayeen madax dhaqameedka SSC , isla markaan ay ku gorfeynayeen amuuraha SSC , iyo xaalado la xidhiidha go,aamadii ay ku soo gaadheen shirkii Holhol iyada oo uu halkaasi soo gaadhay maanta Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka soo kicitimat magaalada Saaxdheer. Ka dib markuu halkaas kula kulmay madaxweyne ku xigeenku madax dhaqameedka SSC , wuxuuna u sheegay in uu ugu socday salaam iyo sidii ay mawqif midaysan uga soo saari lahaayeen kulankooda, waxaana la hadlay xubnihii uu hogaaminayey C/samad Cali Shire ee ka socday maamulka Puntland Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil wuxuuna u sheegay in aanu jiri doonin wax kulan ah oo dhexmaridoona madax dhaqameedka iyo xubnaha Puntland maadaama aadan xilligii ay ku haboonayd ee duulaanka nalagu soo qaaday nalaguna hareereeyey Holhol dawlada aad madaxda ka tahay waxba ka odhan. Wuxuuna intaasi ku daray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil in isla xilligaas wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan xukuumadaadu kula kulmeen Tukaraq maamulka Hargeysa xilligii weerarku nagu socday , aannuna maqalay ayuu yidhi Garaad Jaamac in xataa lacag loo geeyey maamulka Hargeysa , taas oo aananu cadayn Karin hasa yeeshee aad loo hadal hayo meelo badana laga sheegay , waxaana laga joogaa dhacdooyinkaas ayuu yidhi Garaad Jaamac 72 saacadood waxay maamulkiinu ka qabteena ma jiro , wuxuuna intaas ku daray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil haddii aad ka hadli lahayd weerarkii lagu qaaday madax dhaqameedka , xubnihii Tukaraq kulanka ku galayna go,aan ka gaadhi lahayd wax uun bay ahaan lahayd , hasa yeeshee in xaalku sidan yahay waxaa la aaminayaa in aad adiguna la qabtay wixii dhacay iyo raggii ku talaabsadayba, wuxuuna sadex jeer ku celceliyey Garaad ku (Maxaad ka qabateen, maxaad ka qabatee, maxaad ka qabteen shirqoolkii madax dhaqameedka loo gaystay)wuxuuna Garaad Jaamac hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in aanu jiridoonin kulan madax dhaqameedka iyo maamulka Puntland dhex mari doona . Waxaana hadalkii u baxay Wasiiru dawlaha Maamulwanaaga Maxmed Faarax Ciise Gaashaan oo ku afgobaadsaday idinka ayaanu idinla sugaynay go,aanka aanu gaadhi doono, wuxuuna Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ugu jawaabay annagu ma golihiina wasiiradaanu ka tirsanayn maxaad noola sugaysaan , madax dhaqameedka ayaa iyaguna sheegay in hadalka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ay ugu dhantahay oo aanay waxba ku darayn hadlkaasi . Wuxuuna goobtii kala soo noqday waji gabax madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubnihii uu horkacayey , madax dhaqameedka ayaa shir albaabadu u xidhan yihiin haatan uga socdaa magaaada Buura wadal. Dhinaca kale shacabka magaalada ayaa mudaharaad kala hor yimi xubnaha maamulka Puntland iyaga oo ku dhawaaqayey (Puntland doonimayno) iyaga oo shacabku muujinaya siday uga xun yihiin amuuraha ka dhacay Tukaraq. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 29, 2010 not surprising at all. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted January 29, 2010 MR ABDI SHIRE IS DECENT MAN LEAVE HIM ALONE. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted January 29, 2010 PUNTLAND MINISTERS TRIED TO BRIBE SOMALILAND MILLITARY GENERALS WITH MONEY SO THEY WONT TAKE TUKARAG VILLAGE Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 29, 2010 Originally posted by Qudhac: MR ABDI SHIRE IS DECENT MAN LEAVE HIM ALONE. Whoever is not anti-secessionist is a decent right? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted January 29, 2010 Dalmar..This current fiasco separates the wheat from the chaff and the good people of SSC have three choices. Go with those bidding for the secessionists, go with ineffective and opportunistic bunch in Garowe, or with the young Garaad who has shown good leadership along with under-Garaads. I hope people chose the last option if they want to see anything done. This will send message it is people that wants to stay within the union not cuz of their cousins but cuz they believe in one Somalia which so many of them have died for in the past. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BUKURR Posted January 29, 2010 I wish the day comes that political section makes sense to the other human's of SOL! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 29, 2010 Young garaad is trying imitate his father garaad cali but that era is over the time of garaadka guud lugu daba fayli jiray way dhamaatay. Garaad jamac can’t change anything on the ground he knows is it 2 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted January 29, 2010 GDwonder...You need to get acquainted with it a little. I might recommend this book. It is called "Somali Politics for Dummies" co-authored by Aw Xiin and Duq Oodka. LoooooooL@Xaji..how sure are you? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 29, 2010 ^^ adeer dunnidan in badan baan so joogay Siyasada waxa Buhoodle ka shiisheeysa na 30ki sannadood eeh ugu danbeyse wax baddan ba iska badalay. Berri bay Garaad cali Lugu daba fayli jiraylixdanadi. oo aan laga dabba hadli jireyn Maanta Garaad abshir salax aya dhinac Puntland ka amanaya Garadki nugaaleed garaad selebaan ba Isna Garowe Puntland iyo tolnimada ka duulinaya. 2 Garaaad oo laascanood iska dhex jooga oo aan kala jeclayn Somaliland iyo puntland. Garaadkan yar eeh garaad jamac adeerki. na isagu Intu marki hore snmta aha ayuu marki danbe na Puntland noqday.Dadku wa somaliland dalku wa somaliland garaadku wa garaadkayagi wa halki fuaad adan cade. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BUKURR Posted January 29, 2010 Originally posted by Che -Guevara: GDwonder...You need to get acquainted with it a little. I might recommend this book. It is called "Somali Politics for Dummies" co-authored by Aw Xiin and Duq Oodka. Honestly I would try to find one, but in the far future arriirow. haahah! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Awliyo Posted January 30, 2010 Somaliland will prevail Quote Share this post Link to post Share on other sites
FIDHIN Posted January 31, 2010 AWLIYO IS THIS UR FIRST POST SInce u joined in 2005? Quote Share this post Link to post Share on other sites