Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

First of July and the war in Mogadishu continues

Recommended Posts

War deg deg ah:Dagaal aad u daran oo ka bilowday xaafadaha Yaaqshiid,Kaaraan iyo Shibis ee Muqdisho

Warkii 01-Jul-2009 iyo Qormadii: News

Muqdisho:Dagaal la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kale duwan ayaa goor dhaweyd ka bilowdey Isgoyska Sanca ee Degmada Yaaqshiid, iyo weliba Deegaanka Jiiro-wacbuudhan oo ka tirsan Degmada Kaaraan & Nasiib Buundo oo iyana ka tirsan Degmada Shibis.Dagaalku waxa uu u dhaxeeya Xoogaga Xisbul Islaam & Al-shabaab oo isku dhinac ah iyo Ciidamada DKMG ah.

 

 

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii xoogaga Al-shabaab & Xisbul Islaam oo is kaashanaya weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladu u sugnaayeen, sida uu inoo xaqiijiyay Qof goob jooge ah oo halkaasi ku sugan.

 

 

 

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashey dagaalka ayaa sii xoogaysanaya marba marka ka danbeeya,wuxuuna ku sii fidayaa xaafado hor leh,iyadoo dagaalkani u eeg yahay kii lagu kala bixi lahaa.

 

Wixii warar ah ee dheeraad ah,ha ka fogaan Afnugaal.com

 

Afnugaal News Desk,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

This is a higher then average amount of NW Somalia propaganda. It looks like the members that hail from there are on a cooridinated effort today to try and ruin the July 1st celebrations. By either writing more about their enclave or bashing other parts of the nation. Come on guys, you can join the party!

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is nothing to bash sxb it’s just the situation why is alshabab and the sharif forces fighting on this Independence Day. This has nothing to do with Somaliland hadhow na waxad odhan dhiba xammar na Somaliland ba ka danbaysa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Contact Us Quraan An-Naas Al-Falaq Al-Ikhlaas Al-Masad An-Nasr Al-Kaafiruun Al-Kawthar Al-Maacuun Quraysh Al-Fiil Al-Humazah Al-Casr At-Takaathur Al-Qaaricah Al-Caadiyaat Az-Zalzalah Al-Bayyinah Al-Qadr Al-Calaq At-Tiin Ash-Sharx Ad-Duxaa Al-Layl Ash-Shams Al-Balad Al-Fajr Al-Ghaashiyah Al-Aclaa Adh-Dhaariq Al-Buruuj Al-Inshiqaaq Al-Mudhaffifiin Al-Infidhaar Al-Takwiir Cabasa An-Naazicaat An-Naba Al-Mursalaat Al-Insaan Al-Qiyaamah Al-Muddaththir Al-Muzzammil Al-Jinn Nuux Al-Macaarij Al-Xaaqqah Al-Qalam Al-Mulk At-Taxriim Adh-Dhalaaq At-Taghaabun Al-Munaafiquun Al-Jumacah As-Saff Al-Mumtaxinah Al-Xashr Al-Mujaadalah Al-Xadiid Al-Waaqicah Ar-Raxmaan Al-Qamar An-Najm Adh-Dhuur Ad-Daariyaat Qaaf Al-Xujuraat Al-Fatx Muxammad Al-Axqaaf Al-Jaathiyah Ad-Dukhaan Az-Zukhruf Ash-Shuuraa Fussilat Ghaafir Az-Zumar Saad As-Saaffaat Yaasiin Al-Faadhir Saba' Al-Al-Axzaab As-Sajdah Al-Luqmaan Ar-Ruum Al-Cankabuut Al-Qasas An-Naml Ash-Shucaraa' Al-Furqaan An-Nuur Al-Mu'minuun Al-Xajj Al-Anbiyaa' Dhaahaa Maryam Al-Kahf Al-Israa' An-Naxl Al-Xijr Al-Ibraahiim Ar-Racd Al-Yuusuf Al-Huud Yuunus At-Tawbah Al-Anfaal Al-Acraaf Al-Ancaam Al-Maa'idah An-Nisaa' Aali-Cimraan Al-Baqarah Al-Faatixah Sh. Cabdira RadioHadhwanaag News In English

 

 

 

Dagaal La Isku Adeegsanayo Hub Culculus Oo Goor Dhaweyd Ka Bilaabmay Degaanno Ka Mid Ah Degmada Yaaqshid Ee Magaalada Muqdisho

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

 

 

()

hadhwanaag 2009-07-01 (Hadhwanaagnews) Muqdisho(HWN):-Iska horimaad culus ayaa goor dhaweyd ka bilowday Is-goyska Sanca ee degmada Yaaqshid, halkaasoo ay gacanta ku hayeen Xoogaga Mucaaradka ku ah dowladda KMG Soomaaliya.

 

Dagaalkaa oo ay soo qaadeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa la isu adeegsanayaa hubka culus iyo midka fudud, iyadoo daryaanka rasaasta ay labada dhna isweydaarsanayaanna laga maqlayo xaaadaha ku dhow dhow halka uu dagaalku ka dhacayo.

 

Lama oga qasaaraha rasmi ahaan ka dhashay dagaalka, maadaama weli uu dagaalku si xowli ah ku socdo, iyadoo sidoo kale dagaalku uu barbar socdo duqeymo madaafiic ah oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan.

 

Maalmahan Muqdisho wey xasilooneyd oo wax dagaallo ahi kama jirin, inkastoo ciidamada labada dhinac ee dagaalladu u dhexeeyaan ay is hor fadhiyeen, waxaana la sheegayaa in dagaalka haatan ka bilowday degaankaas uu yimid kadib markii kooxaha Mucaaadku ay halkaasi soo dhoobeen gaadiidka dagaalka oo aad u fara badan, kadibna ciidamada dowlada oo shaki uu galay ay sidaa dagaalka ku bilaabeen.

____________________ ____________________ ____________________ ___

 

=Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya Oo Muqdisho ku geeriyooday

 

Muqdisho(HWN):-Xildh ibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo uu in muddo ah ku xannuunsanaa.

Xildhibaankaas geeriyooday oo oo lagu magacaabi Jiray Shariif Saafi Rooble ayaa ku geeriyooday Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo looga dabiibayay xannuunka.

 

Xanuunka uu marxuumku u geeriyooday ayaa la sheegay inuu ahaa mid muddo dheer hayay, balse waayadii dambe uu la galay Cusbitaal, waxaana lagu wadaa in isla maanta lagu aaso Muqdisho.

 

Geerida xildhibaankan ayaa ka dhigeysa xildhibaanada ka geeriyooday dowladda KMG kii 6-aad kuwaasoo saddex ka mid ah ay si caadi ah u geeriyoodeen, saddexda kalena kooxo hubeysan ay dileen, sida Wasiirkii Amaanka Qaranka oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah.

 

Geerida xildhibaan Shariif Saafi Rooble ayaa waxaa xaqiijisay wasiiradda Horumarinta reer Miyiga ee dowladda KMG Soomaaliya Qadiijo Maxamed Diiriye xilli ay ka hadlay Munaasabad lagu xusayay 49-guuradii ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada Koofureed isla markaana ay midoobeen Waqooyi iyo Koonfur.

 

 

C/raxmaan Dalmar

Hadhwanaagnews.com/O ffice

Muqdisho/Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Shibis iyo Kaaraan ee Magaalada Muqdisho

 

 

Arbaco, July 01, 2009(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo isku dhinac ah ayaa galabta wuxuu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sanca iyo Igsoyka Degmada Kaaraan iyo xaafadaha u dhow.

 

Dagaalka ayaa wuxuu xooggiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Sanca iyo Daarta Beyxaani iyo Isgoyska Degmada Kaaraan iyo halka loo yaqaano Geedoole, wuxuuna dagaalkaas ahaa mid xooggan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isugu adeegsaday.

 

Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa geeriyootay 40 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo ay haleeleen madaafiic iyo rasaas habow ah. Dhimashada iyo dhaawaca tirada badan ee dadkaas soo gaartay ayaa waxaa kordhiyay madaafiic ay dhinacyada dagaallamaya isu adeegsadeen intii uu dagaalka socday.

 

Dagaalkan oo bilowday galabta casirkii isla markaana socday muddo seddex saacadood ka badan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay xasiloonaayeen xaafadaha ay maanta dagaallada ka dhaceen.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this