Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Another Tsunami in Somalia ????

Recommended Posts

Bosaso 25, March.07 ( Sh.M.Network) Dhul gariir xoogan oo dad ay ku dhinteen ayaa waxa uu ka dhacay deegaano ku yaala xeebaha gobolka Bari ee dalka Somalia.

 

Magaalo buuraley ah oo ku taala xeebta degmada Qandalla ee Puntland ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhuftey badgariir wata Mowjadaha Tsunami, iyadoo ilaa hal KM na uu soo gaaray bariga.

 

Ilaa iyo haatan inta la ogyahay Mowjadahan badgariirka ah ayaa waxaa lagu la'yahay doomo iyo waliba dad gaaraya ilaa 19 ruux oo u badan kaluumeysato ka agdhowaa xeebta.

 

Ilaa iyo 16 ruux ayaa la soo saaray oo baddu ay la tagtay, iyadoo 8 kalena wali la'ayahay halka wali ay jiraan qasaarooyin kale oo soo gaaray agabyadii kalmuumeysiga.

 

Gudoomiyaha degmada Qandale Saciid Waaberi ayaa warbaahinta shabelle u sheegay in badgariirkaan uu ku dhuftey degaanka xalay saqdii dhexe, iyadoo uu geeystay qasaaro naf iyo maalba leh oo wali isi soo taraya.

 

Waa markii ugu horreysay oo mowajaha Tsunami ay ku dhuftaan degmada Qanadale, iyadoo kal hore dabayaaqadii bishii Decemeber ee sanadkii 2004 ta badgariir ceenkaan oo kale ah uu ka dhacay degmada Xaafuun oo sababay qasaaraha dad aad u fara badan iyo waliba burbur soo gaaray qeyb ka mid ah degmada Xaafuun.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this