Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: happless Sharif Ahmed loses again to Al Shabaab

Recommended Posts

Muqdisho:Xoogaga Al-Shabaab oo dagaal ku qabsaday saaka wadada xeebta duleedka bari Muqdisho

16. juni 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Xoogag ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka dagaal ku qabsaday wadada xeebta ah ee duleedka Muqdisho halkaas oo ay fariisimo ku lahaayeen ciidamo ka tirsan dawladda Soomaliya.

 

Dagaalka saaka oo ahaa mid aad u xoogan waxaa uu ka qarxay deeganada Galgalato , Cali Cabdulle , iyo Cisileey , waxaana uu socday mudo saacado ah .

 

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab Sh.Cali Dheere ayaa sheegay in weerar ay saldhigyadaa ku qaadeen ay qabsadeen goobihi ay ciidamada dawladda joogeen , waxaana uu sheegay in ay ka qabsadeen gawaari dagaal iyo qoryo fudud.

 

Sh.Cali Dheere waxa uu sheegay in dagaalkaas ay guulo ka gaareen dhinacooda gacantana ay ku hayaan dhamaan goobihi lagu dagaalamay.

 

Waxa uu sheeegay in dagaalkii saaka uu qeyb ka yahay dagaalo ay doonayaan in ay ku wiiqaan awooda dawladda

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg deg ah:- Dagaal xoogleh oo goordhow ka qarxay qeybo ka mid ah Muqdisho

 

 

Dagaal xoogan ayaa goor dhoweyd dib uga qarxay degaanka Galgalato uu duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho, sida wararka ku soo dhacay waqrqabadka SBC ay sheegayaan.

 

Dagaalkan oo u dhexeeya xoogaga Al Shabaab iyo ciidamada dowlada ayaa saaka waaberigii ka dhacay degaanka Galgalato ee duleedka magaalada inkastoo uu saaka xoogaa istaagay dagaalkaasi.

 

Wararka haatan na soo gaaraya ayaa sheegaya in dagaalku uu markale dib u bilawday, waxaana la maqlayaa daryanka madaafiicda culus ee ay dhinacyada dagaalamaya is weydaarsanayaan.

 

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashey dagaalkan, waxaase sida uu soo sheegayo wariyahaga C/raxmaan Laki uu madfac habow ah uu ku dhacay guri ku yaalla meel ku dhow degaanka lagu dagaalamayo, halkaasi oo aaney cidina wax ku noqon.

 

SBC International Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaadiid dagaal oo lagu soo qabsaday Galgalato oo saaka lagu arkay Suuqa xoolaha.

 

Waxaa saaka lagu arkayay deegaanka Suuqa Xoolaha dagaaliyahano hubeysan oo geeyay halkaasi gaadiid dagaal oo la sheegay in ay kusoo furteen dagaalki saaka ee Galgalato, kaasi oo lagu xiray calamada mad madow ee lagu yaqaano xoogaga Islaamiga ah.

 

Gaadiidkaasi ayaa dad ku dhaqan Suuqa Xoolaha waxay inoogu kala sheegeen qori Biiteem ah iyo gaari Shilke ah waxaana la sheegaya in ay dushiisa saarnaayeen dagaaliyahano badan oo kamid ah xoogaga Al-Shabaab.

 

Marki gaadiidkasi lagu arkay deegaankaasi ayaa dadka waxaa galay dareen ka duwan midkii hore iyadoona laga baqay in laso duqeeyo ciidamadaasi maadaama marar badan la duqeeyay deegaanka Suuqa Xoolaha.

 

Xoogaga Al-Shabab ayaa la rumeysan yahay cududooda ugu badan in ay isugu geeyeen deegaanka Suuqa Xoolaha oo ah halkii ugu darneyd ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa Muqdisho, lagana soo abaabuli jiray weerarada, mana dhicin hal mar in xukuumadda KMG ah ay gaarto.

 

Markacadey.net,Muqdi sho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

You know what. An old Somali man had a cup of tea with me. He's been in the diaspora for almost more than 4 decades. Wuxu igu yidhi. Adeer, anigu markaan Somalia joogay. Raggu si geesinimo leh ayay u dagaalami jireen. Face to face with a hand talk, spears, Toorey ama Somali Ableey. Hada wuxuu yidhi waxaa badalay. Qolo Alshabaab la yidhaahdo oo fulaynimo heerkay ka gaadheen iyagoo Afku duubanyahay ayay ku dilayaan ama ku tooganayaan! Warkaas waxbaa ka jira!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this