Sign in to follow this  
General Duke

Bushes: Indha cadde vows to defend the clan interest

Recommended Posts

Yuusuf Indha Cadde oo ka horyimid hub ka dhigis lagu sameeyo isaga iyo beeshiisa

 

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo lagu yaqaan xadgudubyadii uu ka geysan jiray gobolka Sh/Hoose ayaa lagu soo waramayaa in xiriir khadka isgaarsiinta uu kula soo sameeyay Afhayeenka Al-Shabaab Abuu Mansour Roobow.

 

Yuusuf Indha Cadde oo ka horyimid hub ka dhigis lagu sameeyo isaga iyo beeshiisa

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo lagu yaqaan xadgudubyadii uu ka geysan jiray gobolka Sh/Hoose ayaa lagu soo waramayaa in xiriir khadka isgaarsiinta uu kula soo sameeyay Afhayeenka Al-Shabaab Abuu Mansour Roobow isla markaana uu ku amray Mr. Indha Cadde in hubkiisa uu ku soo wareejiyo Maliishiyada uu hoggaamiyo Abuu Mansour.

Jaalle Indha Cadde ayaa arintaasi u cuntami weyday, wuxuuna sheegay in hubka uu haayo ay yihiin hub beeleed isla markaana hadii beeshiisa ay ku taliso in la wareejiyo uu diyaar u yahay inuu wareejiyo.

"Hubka aan gacanta ku haayo waa mid beeleed, mana dhici doonto inaan si fudud ku wareejiyo, waayo hubkani waa mid aan wakiil ugu ahay beesha aan ka dhashay, hadii ay ku talisana inaan wareejiyo diyaar baan u ahay inaan ku dhaqaaqo" ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde oo xiligan ku sugan magaalada. Muqdisho.

Amar ka soo baxay ururka Al-Shabaab ayaa ka danbeeyay kadib markii dhawaan la dilay Nuuriye Cali Faarax oo la rumeysan yahay in gobalka uu Wakiil ugu ahaa Indha Cadde, isla markaana uu Yuusuf Indha Cadde oo meel fagaare ah ka hadlayey uu sheegay in maamul cusub oo badala kii horey ugu jiray magaaladaasi.

Hadalka uu Yuusuf Indha Cadde uu jeediyay ayaa caro badan ku dhalisay xubnaha Al-Shabaab, taasoo keentay in ay si sahlan ula wareegaan magaalada Marka, waxaana xiligaasi magaalada ku sugnaa Indha Cadde iyo xoogag hubeysan ee la socda.

Jaalle Indha Cadde ayaa xiligan diyaar u ah inuu isaga soo tago magaalada Muqdisho oo uu soo gaaray, waxaana uu ku soo fool leeyahay Gobolada Dhexe ee ay beeshiisu ka soo jeedo, iyadoo uu u muuqdo mid aan meelna ku xerneyn xiligan, iyadoo laga haayo afkiisa maah maahdii aheyd "Xidka Gef ee Xeebta ku ooy" oo ah maah maah Soomaalida soo qaadato marka ay meeshii ay ku tiirsanaayeen ka tagaan meeshii ay doonayaana ay kala kulmaan soo dhoweyn la'aan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this