Sign in to follow this  
Cowke

IGAD Calls For 20 000 Soldiers Into Somalia

Recommended Posts

Cowke   

Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD, ayaa shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadda iyo ammaanka ee Soomaaliya ku yeeshay magaalada Addis Ababa.

 

Shirku waxa uu go'aansaday qoddobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin in AMISOM iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay lagala shaqeeyo sidii labaatan kun oo askari loo keeni lahaa dalka Soomaaliya oo dhan.

 

Shirku, waxa uu hoosta ka xariiqay si taas loo suurta galiyo ay muhiim tahay in xoogagga Soomaaliya loo diyaar gareeyo suurtagalnimada in ciidamo dalalka deriska ka socda ay soo galaan dalka.

 

Shirku waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM aan la gaarsiin heerkii horey loogu heshiiyay, wuxuuna go'aansaday in laba kun oo nabad ilaaliyaal ah oo AMISOM hoostaga sida ugu dhaqsiyaha badan loo geeyo dalka.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariir Shiikh Axmed, xilli uu sii marayay magaalada Nairobi

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, oo shirkaasi ka hadlay ayaa ku baaqay kaalmo caalami ah oo looga hortago kooxaha kacdoonka wada ee Islaamiyiinta.

 

Madaxweyne Shariif waxa uu ka digay sida hadalka uu u dhigay in Soomaaliya ay gacanta ugu jirto Al-Qaeda iyo kooxo xag jir ah.

 

Shirkan magaalada Addis ababa ayaa la filayaa go'aamada laga soo saaray la hor dhigi doono shirweynaha guud ee Midowga Afrika oo dhici doona dabaqaayada bishan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Taangi ay lahaayeen ciidamada AMISOM oo gubtay

100705093735_au_tank_226x170_reuters.jpg

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariir Shiikh Axmed, xilli uu sii marayay magaalada Nairobi

100705164320_shariif.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Wasiirka.jpg

 

Yuusuf Dheeg: Ethiopia Kuma Jirto Ciidamada Cusub

 

Addis Ababa (RBC) Wasiirka arimaha dibada ee dowlada ku meel gaarka Soomaaliya Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia aysan ku jiri doonin ciidamada 2,000 ee ay IGAD ku baaqday in la keeno Soomaaliya.

 

Madaxda IGAD ayaa shaley isku raacay shaley in ciidamo gaaraya 2,000 askari oo ka tirsan wadamada deriska la ah Soomaaliya ay tagaan Soomaaliya, si ay u caawiyaan dowlada ku meel gaarka.

 

Wasiirka oo shaley ka qeybgalay shirkii wadamada IGAD uga socday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in ciidamada imaanaya Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wadamada aan xinifta kala dhexeyn Soomaaliya ay keeni doonaan ciidamada.

 

Wasiirka arimaha dibada ayaa dhinaca kale sheegay in wadamada Afrikanka ay noqon doonaan kuwa ugu horeeya ee bixiya dhaqaalaha ku baxaya ciidamada cusub ee tagaya Soomaaliya, ka hor inta aan caalamka kale la gaarin.

 

Warar soo baxay ayaa sheegaya in ciidamada gaaraya 2,00 ee ay isku raaceen madaxda IGAD ay ku jiri doonaan kuwa deriska la ah Soomaaliya.

 

Waxaana ciidamada ugu dambeyn la gaarsiin doonaa 20,000 askari.

 

Ciidamada ugu horeeya ayaa la filayaa in ay ka yimaadaan Kenya oo dhawaan tababar loogu soo xiray ciidamo loogu talagalay dowlada ku meel gaarka ah.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this