Sign in to follow this  
Paragon

Breaking news: Ethiopians vacate Mogadishu!

Recommended Posts

Paragon   

Ciidamada Itoobiya oo Caawa kaguuray Muqdisho inteedii badnayd una diyaar garoobayo sidii ay Soomaaliya uga bixi lahaayeen. 29 Jan 2008

Posted to the Web 29 Jan 08, 17:44

 

Kadib Hal sano oo ay dagaallo iyo qaraxyo xoogleh kasocdeen magaalada Muqdisho ayay Caawa Miradhal naqdeen Dadaaladii ay Kooxaha waxiska caabunta Soomaliyeed Muqdisho kawadeen.

 

 

Caawa Maqribkii ayay Ciidamadii Itoobiya ee xarumaha kulahaa Wasaaradihii Qaranka Soomaaliyeed ay isgaa carareen, ilaa iyo 5-goobood oo ay kuusganaayeen Ciidamada Itoobiya ayaa Caawa faaruq ah waxaana kamida meelaha ay Ciidamada Itoobiya ka guureen, Warshadii hore ee Baastada, Wasaarada G/dhiga, Guul-Wadayaasha, Kuliyadii Jaala-siyaad.

 

 

sidookale Ciidamada Meleteriga dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa faarujiyay gebi ahaanba fadhiisimadii ay kusugnaayeen oo ay kamid ahaayeen Fagaaraha Tarbuunka, Xera Ruush ilaa iyo Saldhiga Booliska degmada Hodon.

 

 

Warar goordhaw nasoo gaaray ayaa xaqiijinayo in Ciidamada Itoobiya ay ka guureen Warshada Caanaha , Guul-wadayaasha iyo Xerada Maslax duleedka magaalada Muqdisho.

 

 

Wararka qaar ayaa sheegayo in Ciidamada Itoobiya ee kusugan Garoonka Isbartiibada Muqdisho ay alaabahooda Xirxirteen islamarkaana saacadaha soosocdo ay isku diyaarinayaan in ay ka guuraan Wadada 30-ka, ilaa iyo hada lama oga sababaha ay Itoobiyaaku uga guureen Muqdisho waxaasa xaqiiq ah in ay u adkaysan waayeen Weerarada ay kooxaha Muqaawamadu kumiraan xiliyada Habiin kii ah.

 

. Cadaado.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Ciidamadii Itoobiya Oo Caawa Ka Guuray Fariisimadooda

Ciidamadii Itoobiya ayaa caawa caawa bilaabay inay isaga baxaan fariisimo muhim ah oo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho. Waxay ka baxeen Digfeer, Tarabuunka, Shiirkole iyo xeradii Maslax.

 

Ciidamadii dabadhilifka ayaa iyagana faaruqiyay fariisamaha difaaca safka hore u ahaa ciidamada Itoobiya. Waxay ka baxeen Kasa bobolaare, Tarabuunka iyo kuwo kale.

 

Ilaaha weyn oo mahadle! Mujahidiinta Somaaliyeed waxay Itoobiya u galeen Bay, Bakool, Hiiraan, Shabeelaha Hoose si gurmadka iyo logistikada looga xayiro ciidamada Itoobiya.

 

Dalkanews, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Yeah, I know. I've been told of this news hadaayo but i waited until some sites write about it.

 

Yah, too good to be true!

 

Allahayoow1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Ciidamadii DKMG soomaaliya ayaa isga baxay fariisimo ay ku lahaayeen warshadii hore caanaha ilaa takabuunka .

Sh, M network 29 Jan 08, 16:45

 

Ciidamadani oo katirsan militariga DFK soamaaliya ayaa la xaqiijiyey inay 6:00 dii maqribnimo oo qadar daqiiqado dhiman ay isaga baxeen warshadii hore ee caanaha ilaa tarabuunka.

 

 

 

Dadka deegaanka ayaa shabelle u sheegay inay arkayeen ciidamadaasi oo wata gadiidka dagaalaka oo halkaasi ka siibaxaya waxa ayna ciidamadaasi sii mareen wadada laamiga ah ee tarabuunka iyagoo ugudbay KM4.lama oga halka ay ciidamadaasi aadeen waxaan sidoo kale aan laga warqabin in ciidamadaasi ay dib ugu soo laaban doonaan iyo in kale fariisimadii aay kabaxeen.

 

 

 

Dadka dagan goobaha ay ciidamadu caawa kabaxeen ayaa si weyn usoo dhaweeyay bixitaanka ciidamadaasi iyagoo qaarkood usoo baxay caawa markii ugu horeysay wadooyinka deegaanadaasi.

 

 

 

Bixitaanka ciidamadani ayaa kusoo beegmaya xili ciidamo fara badan oo Ethiopian ah ay isga baxeen wasaaradii hore ee gashaandhiga lama oga meesha ay ciidamadaasi aadeen.

 

 

 

Waxii warar ah ee laxiriira bixitaanka ciidamadani waxaynu idinkugu soo gudbineynaa wararkeena soo socda.

 

http://www.shabelle.net/view_contents.php?articleid=768

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon...Ceyrow and co have done some serious damage, not mention Roobow rooming freely in Bay/Bakool, and Turki handling the Jubbas. This is probably tactical retreat, but nonetheless Ethios have felt the heat. America's funding of the war will not likely continue either.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this