Sign in to follow this  
General Duke

Dputy speaker , Mayor police chief attend seminar ....

Recommended Posts

Siminaar lagu baranaayay Nabadda iyo xuquuqda Haweenka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 28/02/07

 

Siminnar socday muddo 5-casho oo lagu baranayay Dhismaha Nabadda iyo horumarinta Haweenka ayuna ka qaybgaleen 50-haween ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

 

Siminnaarkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Hay’adda Family Empowerment Relief Organization (FERO) waxaana dhanka dhaqaalaha ka saaciday Swiss Embassy in Kenya, waxaana ka soo qaybgalay Madaxda sarsare ee Dowladda qaarkood.

 

Xubnaha ka socday dhanka dowladda ee ka qaybgalay siminnaarkaan soconayay muddada 5-ta casho ah ayaa waxaa ka mid ahaa: Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Prof. Maxamed Cumar Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Wasiir ku xigeenka Ammaanka Qaranka Bashiir Maxamed Aadan (Dhuuracaso) Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow) iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

Prof. Dalxa oo halkaas ka jeediyay hadal ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay siminnaarkaan lagu baranayay Dhismaha Nabadda iyo horumarinta Haweenka, isagoo sheegay in haweenka Soomaailyeed ay udub dhexaad u yihiin dalka Soomaaliya oo dhan.

 

Mar uu ka hadlay Kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin xornimadii dalka iyo illaa maanta wuxuu sheegay in xornimada ay tahay mid ku timid madaxa haweenka Soomaaliyeed loona baahan yahay inay howlaha ay u hayaan bulshada kor u qaadaan.

 

“Haweenka waxay barlamaanka ku leeyihiin 25-xubnood, waxaan qirayaa in tiradaas ay tahay middii ugu badnayd ee ay haweenka Soomaaliyeed ka heleen dowlad ka dhalatay dalka intii dowladood ee soo maray” ayuu yiri Prof. Dalxa oo intaas ku daray: “Haweenka Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwii dahabkood u gaday xornimo inuu dalkaan helo, sidoo kale ugu dhex umulay xabsiyada iyagoo lagu haysto inay dalkooda la doonayaan madax-baannaani, maanta loo baahan yahay inay ka dhex muuqdaan dib u soo celinta nabadda iyo hagaajinta dalkaan burburka ku soo jiray mudada ka badan 16-ka sano”. Waxaan siminnaarka oo dhan soo xiray oo soo gabagabeeyay Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladda Cadde Gaaboow oo sheegay in haweenka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gacan ka geystaan nabad soo celinta gobolka banaadir, isagoo sheegay in haweenka ay yihiin udub dhexaadna nolosha dalka Soomaaliya.

 

Dhanka kale, wuxuu sheegay in loo bahan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay ogaadaan in maamulka gobolka Banaadir uu ugu talogalay jagooyin waaweyn si ay wax ugu qabtaan bulshada Soomaaliyeed qaasatan Gobolka Banaadir oo uu sheegay inuu yahay meel ay ka jirto nabadgalyo darro baahsan.

 

Baaq laga soo saaray gabagabadii siminaarka oo ay ka qaybgaleen Haween gaaraya 50-xubood ayay ku sheegeen in ay ugu baaqayaan kuwa madaafiicda tuuraya inaysan madaafiic shacabka dushiisa ku tuurin, loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ee Hooyada iyo Caruurta u badan loo turo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this