Sign in to follow this  
General Duke

The confusion of Sharif Hotel even baffles his men

Recommended Posts

Khilaaf soo kala dhexgaley Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka

 

Maalmahan waxaa Khilaaf u dhexeeyey Madaxweyne Shiikh Shariif Iyo wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka ka dib markii Ciidamada Dowlada ay qabteen Hub ku rarnaa Gaari Xamuul waxaana Hubkaas la qabtey xilli uu Madaxweyne Shiikh Shariif uu ka maqnaa dalka , waxaana hubkaa Sheegtey in uu bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Shiikh Cabduqaadir Cali Cumar , isagoo sheegey in Hub loo wadey Goballada Dhexe Gaar ahaan Ciimadda Maxaakiimta , hase yeeshee Waxaa arrimahaas ka biya diidey Qaar ka mid Saraakiisha Amniga ee uu ku jiro Wasiiru Dowlaha Gaashadhiga Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo isagu la sheegay in uu ku andacoodey in Hubkaas uu Sheikh Cabduqaadir Cali Cumar u wadey Kooxaha Dagaalka kula jira Dowladda Hase yeeshee wuxuu Cabduqaadir Cali Cumar ku qanciyey in Saxiixa Hubkaas uu lahaa Madaxweyne Shiikh Shariif inta uusan dalka Ka bixin , waxaana lagu balamey in lagu kala Baxo marka uu yimaado Madaxweyne Shiikh Shariif

 

ACCESS

Consultancy firm

1-Specialized on Organizational Development (OD), 2-Emergency Preparedness & Response (EPARA), 3-Human rights issues and Participatory Planning, Monitoring and Evaluation

E-Mail: accessmog@gmail.com

Phones: +2521-5553839 & +25250-990256

Markii uu madaxweynaha soo laabtey ayaa waxaa kulan deg deg ah isgu yimid Madaxweyne Shariif Iyo Saraakiishaas wuxuuna kulankaas uu qaatey Muddo Laba saacadood waxaana lagu waramey in madaxweyne uu u sheegay Saraakiishaas in Hubkas uu isaga uu Bixiyey amarkiisa , kaasoo loo wadey Gobaladda Dhexe , inkastoo qaar ka mid saraakiishaas aysan ku qancin Hadalka madaxweyne haddana waxaa markii dambe la qaatey Hadalka Shiikh Shariif ee ahaa in saxiixa hubkaa uu isaga bixiyey

 

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay in la isku afgartey in la sii waddo Dagaalada lagula jiro Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda oo iyagu ku soo siqanaaya Xarunta Madaxtooyada , waxana dagaaladda hadda ka sii socdaan Degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo Cabdulcasiis waxayna warkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in mar kale dagaalo ka qarxeen Degmooyinkaas waxaana lagu waramey in dad gaaraya 10 ruux ay ku dhinteen Dagaladaas kuwaas oo la sheegey in ay u badan yihiin Dad raiyid ah rasaasta ugu tagtey Guryahooda

 

Dagaaladaan dib uga bilowday (Sabti july 11) Magaaladda Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeen Xilli Madax Xarakada Shabaab Mujaahidiin Shiikh Mukhtaar (Abuu Subey) uu ciidamada Dowladda uu u qabtey in Hubkooda ku soo wareejiyaan Mujaahidiinta kaasoo uu ku ekaa maalintii Jimcaha ahayd , sidoo kale waxaa Maalmahan Dowladda Federaalka soo gaarayay Hub ay ugu deeqdey Dowladda Mareykanka kaasoo lagu xoojinaayo Ciidamada Dowlada waxaa kaloo la filayaa in Magaaladda Mumbasa uu dhawaan ku soo xirtey Markab sida Saanad kala duwan oo la sheegey in loogu deeqey Dowladda Federaalka waxaana lagu qiimeeyey Konton Miyan oo Doolar

 

War hadda Nasoo gaarey waxay sheegayaan in dagaaladii Maanta uu ku gaeeriyaado Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Dolada oo lagu magaaco Nuur Xasan Cali Nuur Daqle waa sarkaakii afaraad ee ka geeriyaada ciidamadda Dowladda tan iyo markii ay bilowdeen Dagaaladaan Dowlada FKMG.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif Oo Qarsoodi Kusoo Galay Muqdisho

10 July, 2009 12:37:00 Toronto t.

Font size:

 

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa si qarsoodi ah oo aysan baahin saxaafadu kusoo gaaray dalka, waxaana qoray imaashihiisa saxaafadaha gudaha qaar. Waxaan la'ogayn sababta keentay qarsoonaanta imaanshihiisa marka uusoo gaaray qasriga Madaxtooyada ama inay jiraan sababo siyaasadeed oo ku heeran socodkiisa.

 

Madaxweynaha socdaalkiisa waxaa uu kaga yimid dalal badan oo uu ugu dambeeyay dalka Ugaandha, waxaanan ka marnayn safarkiisa rag doonaya inay dano ganacsi ka fushadaan. Hore waxaa ugu yimid Madaxweynaha shirkado madaxbanaan oo dano waaweyn kaleh Soomaaliya doonayana inay kadhaadhiciyaan inay kasaacidaan arimaha aminiga. Macquul waxaa noqon karta inay kafaa,idaystaan khibrad yarida Madaxweynaha iyo hankiisa siyaasadeed oo aad uwaynaaday.

 

 

Add to: del.icio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

poor lad. he still thinks he is in charge of a militia thinking he can send people weapons without consulting the saraakiil. but he will learn insha'allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this