Sign in to follow this  
ANWAR

Olole lagu nadiifinayo xarunta shirka dib u heshiisiinta oo ka socota Muqdisho

Recommended Posts

ANWAR   

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 15/05/07

 

Waxaa olole nadaafadeed ka bilowday xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi ay ka socoto nadaafad isla markaana qashinka ay ka qaadayaan gaadiid, waxaana qabanqaabada ololahan oo ay wado dowladda Hoose la sheegay inuu soconayo muddo afar maalmood ah.

 

Ku xigeenka duqa arrimaha bulshada ee duqa magaalada Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur iyo xubno kale oo ka socday D/hoose ayaa iyagu wada howsha nadaafadeed ee ka socota gaadiidka Booliska.

 

Dhinaca kale waxaa markii ay bilaabatay howsha lagu nadiifinayo xarunta gaadiidka Booliska ku soo xoomay dadweyne fara badan oo iyagu iskood isku xilqaamay si ay uga qeyb qaataan ololaha nadaafadeed, waxaana markii ugu horeysay la arkayay in halkaasi ay tageen madax ka tirsan Dowladda Federaalka.

 

Sidoo kale diyaar garowga loogu jiro qabashada shirka dib u heshiisiinta ayay sheegeen warar ku dhow dhow Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed in waqtiga loo qabtay uu dhici doono.

 

http://www.somaliweyn.com/pages/news/May_07/15may33.html

 

...................................

you will se ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this