Sign in to follow this  
Sharif_seylaci

GERMAN COMPANY IN SOMALILAND FOR INVESTMENT

Recommended Posts

Wefti Ka Socday Shirkad Jarmala oo Booqasho Ku Tegay Berbara.

Written by Faysal Cabdilaahi.

Sunday, 15 October 2006

Berbera (hormoodnews) Wefdigii ka socday dalka Jarmalka ee Booqashada ku yimid Somaliland , ayaa maanta Socdaal ku tegay Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo ay ugu kuur galayaan xaaladda adeega Marsada Berbera iyo warshadii sibidhka.

 

Wefdigaasi oo ka socda shirkadda Zygote Engineering ee wadanka Jarmalka waxa ay ka kooban yihiin saddex xubnood, waxa socdaalkoodu qayb ka yahay heshiis ganacsi oo dhawaan ay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin iyo wefdigiisii ku soo gaadheen dalka Jarmalka.

 

Wefdiga Germany waxa ay booqdeen Buuraha laga farsameeyo sibidhka iyo kuwa dhuxul dhagaxda waxa ay qiimaynayeen tayada Buurahaas iyo Baaxada dhulka ay ku fadhido warshadii hore ee Sibidhku.Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Md Maxamed Saleebaan ayaa weriye Cabdisalaan Xariiroo jooga Berbera u sheegay in wefdigaasi ay joogi doonaan magaalada Berbera muddo saddex cisho ah si ay u dhamaystiraan hawlahooda ku wajahan sidii loo kicin lahaa warshadii sibidhka ee magaaladaasi.

 

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in wefdigu ay Booqan doonaan Buuro qani ku ah Dhuxul dhagaxda. Sidoo kale waxa ay wefdigu Booqdeen Dekeda Berberba, halkaas oo ay kulan la yeesheen Masuuliyiinta Dekedaasi.

 

Wefdigani waxa socdaalkooda magaalada Berbera ku weheliya wasiirada Macdanta iyo Biyaha iyo Wershadaha.

 

 

 

Faysal Cabdilaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti Ka Socda Shirkadda Shakigu Ku Gedaaman Yahay Ee Sougueta Engineering Oo Dalka Soo Gaadhey

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 14 October, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Waxa galabta ka soo degey gegida Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa wefti ka kooban saddex nin oo la sheegay inay ka socdaan shirkad Jarmal ah oo maalgashi ku samaynaysa Somaliland.

 

 

 

 

 

Saddexdaa nin waxa la sheegay inay ka socdaan shirkad lagu magacaabo Sougueta Engineering oo uu Madaxweyne Riyaale sheegay dhowaan inuu la soo saxeexday Heshiis maalgashi oo ay ku baxayso lacag dhan 250 ilaa 300 oo Milyan oo Doollar, meelaha ay maalgashanayaana – sida uu sheegay – ay ka mid tahay Wershed Shibidh, Dhuxul-dhag koronto laga dhalinayo iyo soo-saarista Macdanta loo yaqaano Gypsum.

 

 

 

 

 

Saddexdaa nin oo ay Madaarka ku soo dhoweeyey Wasiirka Wershedaha, mudane Maxamed Saleebaan iyo Wasiirka Qorshaynta mudane Cali Ibraahim Maxamed, waxay weriyayaasha u sheegeen in ay u socdaan sahaminta saddexda Mashruuc ee shirkaddoodu maalgelinayso.

 

 

 

 

 

Weftiga oo la weydiiyey lacagta ku baxaysa saddexdaa mashruuc inta ay noqonayso, waxa ay sheegeen in ay ku xidhan tahay sahanka ay iminka samaynayaan waxa ka soo baxa, balse aanay iminka cayimi karin adduunka ku baxaya.

 

 

 

 

 

Shirkada Sougueta Engineering ee ay ninkaasi ka socdaan ayaa shaki weyn la geliyey jiritaankeeda iyo xaqiiqada heshiiska Madaxweyne Riyaale sheegay inuu la saxeexday. Mar arrintaas wax laga weydiiyey, xubnaha weftigaasi waxay sheegeen in aanay taas iminka ka jawaabayn, waxayna su’aashaas ka muujiyeen cadho.

 

 

 

 

 

Intaas kadibna wasiirka Wershedaha ayaa joojiyey waraysigii weriyayaashu qolka VIP-da kula yeelanayeen weftigaas. Waxa kale oo ay diideen inay weriyayaasha siiyaan magacyadooda iyo masuuliyadaha ama xilalka ay ka hayaan shirkaddaas ay ka socdaan.

 

 

 

 

 

Bariga magaalada Berbera ayaa ka mid ah meelaha la filayo in weftigaa lagu sheegay Jarmalka la soo mariyo si ay u soo sahamiyaan. Maalmahan dambena waxaa deegaanadaas bariga Berbera laga dareemayey dhaqdhaqaaqyada dad xukuumaddu u dirtay iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan oo loo malaynayo inay u gogolxaadhayaan weftigan.

 

 

 

 

 

Dadka deegaanka Bariga Berbera ayaa iyaguna dareen weyn ka qaba dhaqdhaqaaqyada xukuumadda ee ku wajahan deegaankaas xeebta bariga Berbera.

 

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this