Sign in to follow this  
General Duke

President of Somalia on planned visit to Yemen, Egypt, Algeria, Jordan the US

Recommended Posts

M/weyne Yususuf oo Safar ku tagi doona dalal Carbeed iyo Maraykanka.

 

(WYNET)Muqdisho:-M/weyanaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa inuu manta ka amba baxo magaalada Muqdisho isagoo safaro kusii kala bixin doona Dalalka Masar,Jordan,Yemen Al-Jeria iyo NewYork oo uu kaga qayb galayo sida la sheegayo kulanka ay Jamcdiyada Quruumaha ka dhexaysa ku yeelan doonto dabayaaqada asbuuca soo socda.

M/weyne Yuusuf ayaa la sheegayaa inuu dalalkaan Carbeed ugu horrayn faah faahin ka siin doono kulankii dhawaan ku dhex maray kooxaha Somalida magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga kaas oo daba joogay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed ee Muqdisho kusoo gaba gaboobay dabayaqadii bishii hore.

 

Mr.Yuusuf ayaa sidoo kale wuxuu ka faaiidaysanayaa taageerada uu ka haysto boqorka Dalka Sacuudiga oo ay dalalkaan oo dhan xiriir dhow leeyihiin,isla markaana wuxuu dalalkan ka dalban doonaa inay Somaliya ka taageeraan dhinacyada dhaqaalaha iyo waliba Ciidamo ay dalkaas u soo diraan.

 

Dhinaca kale ilo wareed oo hoose ayaa sheegaya in Boqorka sacuudigu uu khadka Telefoonka kula xiriirray dhamaan dowladahan uu M/weyne Yuusuf Booqanayo isla markaana uu ka codsaday inay diyaariyaan ciidamo carbeed oo deg deg ah oo Somaliya la geeyo,kuwaas oo QM hoos tagi doona,

 

Safarkan C/laahi Yuusuf yimi maalin uun ka dib markii ay kaso noqdeen isaga iyo wafdigii balaaraa ee heshiiska kusoo saxiixday magaalada Jidda ee dalka Boqotooyada Sacuudiga kaas oo dowlado badan oo carbeed ay soo dhaweeyeen.

 

Dalalka Yemen,iyo Masar iyo J/Carabta ayaa isahu horay usoo dhaweeyey heshiiska Jiddah,iyagoo sheegay inay ka shaqaynayaan hir galinta qodobada lagu heshiiyey iyo waliba dar dar galintooda.

 

Dadka ka faalooda Siyaasada Somaliya C/laahi Yuusufna aad u yaqaan ayaa waxay sheegayaan inuu soo hagaagayo xiriirka u dhexeeya Dowlada Federelka ah iyo dalalka Carbeed,taas oo uu mahadeeda leeyahay Boqor Cabdallaha Sacuudigu.

 

Dhawaan ayey ahayd kolkii Wariye reer Sacuudiga ahi oo M/weyne Yuusuf waraystay uu waydiiyey sababta ay xukuumadiisu uga shaqayso inay Shacabka Somaliyeed ay uga fogayso Carabnimada iyo waliba diinta Islaamka taas oo laf dhuun gashay ku noqotay Mr.Yuusuf.

 

Axmed Xayrdaac

 

Waayahanet@hotmail.com

 

Waayaha.net-London-UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Madaxweyne Jamhuuriyada Soomaaliya oo dalal Carbeed u socdaalaya todobaadyada soo socda.

20. september 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa todobaadyada soo socda usocdaalaya dalal Carbeed ,sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Xaafiiska Madaxtooyada dowlada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa madaxda wadamadaasi wuxuu kala hadlayaa taageerida dowlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo sidii ay ugu qeybqaadan lahaayeen nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya iyo taageero dhaqaale oo ay siiyaan dowlada Soomaaliya si nabadgalyada loo soo celiyo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsan doona sidoo kale ciidamo Carbeed oo lakeeno dalka Soomaaliya si ay ubadalaan kuwa dowlada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ,waxaana Madaxweyne Yuusuf lafilayaa in uu wadamadaasi ka helo balanqaadyo ku wajahan soo dirida ciidamo loo soo diro gudaha dalka Soomaaliya.

 

Wadamada uu booqanayo sida lasheegay Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid ah Masar,Yemen,Al-Jeeriya iyo dalka Urdun.

 

Madaxda dalalkaasi oo kala ah Madaxweynaha Masar Max’ed Xusni Mubaarak, Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax, Madaxweynaha Al-Jeeriya C/casiis Batulfiiqa iyo Boqor Cabdalla labaad ee wadanka Urdun ayaa Madaxweynaha Soomaaliya todobaadkan isagoo jooga Magaalada Riyadh waxa ay kula soo xiriireen khadka Telfoonka lamase sheegin wax ay ka wada hadleen.

 

Wuxuu Safarka Madaxweynuhu noqonayaa kii ugu horeeyey uu ku tago wadamo Carbeed oo intaa fara le’eg oo uu kala hadlayo sidii ay dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda taageero usiin lahaayeen.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this