Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Radio Mogadishu back in the hands of the dowlad after 16 1/2 years!

Recommended Posts

Great day for the Somali nation, after 16 1/2 years, in which radio Mogadishu was a partisan radio station serving various warlords, now it has returned once again into the hands of an offically recongised government and instituition of the TFG!

 

Slowly things return as they were! Al-Hamdulillaah! We thank Allaah the great for this accomplisments and more inshallaah in the coming days!

 

WW&HD.JPG

Muqdisho: Dowladda KMG oo lagu wareejiyay wasaaradii warfaafinta iyo Raadiyo Muqdisho.

Isniin, January 01, 2007

 

APL

 

Muqdisho (Allpuntland) Muanaasabad lagu wareejinayey xaruntii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo Raadiyo Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo xafladaasi ay kasoo qeybgaleen mas'uuliyiiin uu ka mid ahaa Ra'iisul Wasaare kuxigeebka koowaad ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid.

 

Xuseen Caydiid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in cid walba oo gacanta ku heysa xarumihii dowladda ay waajib tahay in dowladda lagu wareejiyo, wuxuuna Xuseeen Caydiid uu sheegay in taageerayaashiisa ay in mudo ah xafidayeen raadiyaha Muqdisho iyo xarunta warfaafinta.

 

Inj. Xuseen Caydiid ayaa ka codsaday saxaafadda gudaha in ay wasaaradda warfaafinta dowladda KMG ah ay la shaqeeyaan, isla markaana ay isku xernaan ay muujiyaan wasaaradda warfaafinta iyo saxaafadda gudaha si looga wada qeyb qaato dib u dhiska dalka iyo xasilinta.

 

Cali Sandheere

Allpuntland-Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Dowladda Federalkaa oo maanta si rasmi ah ula wareegtay Radio Muqdisho iyo Wasaaraddii Warfaafinta

Posted to the Web Jan 01, 12:38

 

 

Muqdisho (PP) - Maanta ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay Wasaaradii warfaafinta iyo raadiyo Muqdisho Dowalad FKS oo uu ka hadalay Wasiirka arimaha gudaha Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid iyo Wasiir u Dowlaha Warfaafinta Drs. Sahro C/qaadir Mursal.

 

Ugu horreyntii ayaa waxaa halkaas ka hadlay Agaasimha guud ee raadiyo Muqdisho Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi oo sheeca ka qaaday in maanata wixii ka danbeeya ay Dowladda uga dambeynayaan kuna soo dhaweynayaan Raadiyihii Qaranka iyo Wasaaradii Warfaafintaba ayna mas’uuliyaddeeda la wareegeen Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Waxaana uu agaasimuhu sheegay in 55-Shaqaale iyo Ciidan isugu jira ay ka badbaadiyeen Bililiqadii dalka ka dhacday, dhammaan qalabkii yaalay Raadiyaha iyo wasaarada warfaafintana ay hayaan.

 

 

 

Mrs. Sahro C/qaadir Mursal Wasiir u dowlaha Warfaafinta Dowladda Federaalka oo markeeda hadalka qaadatay ayaa sheegtay in Raadiyo Muqdisho ay tahay hooyadii Saxaafadda Soomaaliyeed sidaa darteedana loo baahan yahay in Bulshada Lagu wacyi-galiyo Jidka toosana lagu baro, waxayna mahad u soo jeedisay intii badbaadisay ee heerkaan soo gaarsiisay Raadiyo Muqdisho iyo Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha.

 

 

 

Wasiirka Arimaha gudaha Ahna ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid ayaa wuxuu ugu baaqay dadka ku nool magaalada Muqdisho inay soo dhaweeyaan ciidammada shisheeye iyo kuwa Ethiopian-ka ah ee gacanta siinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Eng. Caydiid ayaa wuxuu sheegay in ay hoggaamiye kooxeedyada iyo ganacsatada hubka haysata ay horay u saxiixeen inay dhiibayaan hubkooda, si loo dhameeyo dhibaatooyinka ka taagnaa 16-kii sano ee la soo dhaafay dalka Soomaaliya.

 

 

 

“Diinta Islaamku weligeed Soomaaliya way ka jirtay mana ahan in lagu qaldo ummadda, waxayna muslim ahayd illaa 1400-sano wax ku dhow, haddana ma aysan imaan diin cusub ee waxaa jirta weli Diintii Nebi Muxamed (NNKH) lagu soo dajiyay” ayuu yiri Xuseen Caydiid isagoo intaas sii daba dhigay in looga baahan yahay wixii hadda ka dambeeyay culummada Ahlu sunna wal jamaaca inay u istaagaan sidii Bulshada Somaaliyeed ay ugu sharraxi lahaayeen diintooda muqadaska ah.

 

 

 

Xuseen Cayiid ayaa wuxuu ka hadlay arrimaha dib u heshiisinta Soomaaliya oo uu ku soo qaatay dadka ku dhex jira ee ka shaqeynaya isku dirkooda, isagoo yiri: “Waxaa isku keen diraya 22-ka dal ee carabta, Mareykanka iyo midowga Yurub”, wuxuuna intaas ku daray in Soomaalida looga haaban yahay inay iyagu wax walba xallistaan, balse waxa aanu marna soo qaadan inuu wax ka sheego Dowladda Ethiopia oo taageerada u fidisay Dowladda uu wasiirka ka yahay.

 

 

 

 

 

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay arrimaha hub ka dhigista isaga oo yiri: “Hub ka dhigista waxaa u xilsaaran guddi aan ka mid ahay aniga, Madaxweynaha iyo Ra’iiisul wasaaraha, mana jiri doonto cid gooni wax looga qaadayo, waxaana qorshaha dowladda u dagsan ee qoran uu yahay 45-kun oo ciidammo ah in la xareeyo adduunkana aan ka codsannay tababarkooda inay gacan naga siiyaan oo aannu ka sugaynno”.

 

 

“Haweenku Soomaaliyeed waxay ka helayaan dowladdaan xuquuqdii ay lahaayeen, iyadoo aan la duudsiinayn, waana inay helaan xaqooda” ayuu mar kale ka dhawaajiyay Xuseen Caydiid oo ka hadlayay xaruntii Wasaaradda Warfaafinta oo ay maanta ka dhacday xaflad lagu wareejiyay Raadiyaha iyo Dhismihii Wasaaradda.

 

 

 

Xuseen Caydiid oo soo hadal qaaday Saxaafadda ayaa sheegay in saxaafadda Soomaaliyeed ay tahay mid xor ah, isla markaana ay dowladdu u ogoshahay xornimadooda, waxaase uu sheegay in qaybaha warbaahinta looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda saxaafadeed ee caalamiga ah.

 

 

 

Kulankaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Siyaasiyiin ay ka mid yihiin: Xuseen Xaaji Bood, C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) iyo mas’uuliyiin kale.

 

Maxamd Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen Ceydiid “Waxaan ku jirnaa xaalad deg deg oo 90-maalmood ah waana in ay suxufiyinta…”

 

Dowladda Federalka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay xaruntii warfaafinta iy Radiyow Muqdisho, kaddib munaasabad ka dhacday xaruntaasi oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiinta qaar ka mid ah labada gole ee dowladda oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka 1-aad Xuseen Maxamed Ceydiid.

Xuseen Ceydiid oo hadal ka jeediyay munaasabaddaasi ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in lagu wareejiyo dhismayaashii Qaranka, isagoo si gaar ah ula fariin ugu diray warbaahinta gudaha in la shaqeeyaan Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna ammaanay mas’uuliyiintii badbaadisay hantida qaranka Radiyow Muqdisho.

 

“Waxaa laga doonayaa suxufiyiinta in ay soo maraan Wasaaradda Warfaafinta iyana waxaa laga rabaa in ay u gudbiso mabaadi’da shacabka ayna wixii masaalixdooda ah ay u soo gudbiso xukuumadda, waana xil adag oo aanu rabno in Web side-da, Raadiyayaasha in maanta laga bilaabo in la isla shaqeeyo ayaan rabnaa waayo waad ogtihiin in xaalad deg deg oo 90-maalmood aan ku jirno” ayuu yiri Xuseen Ceydiid oo intaa raaciyay in xiriir ay la sameeyaan suxufiinta guddiga nabadgelyada Qaranka oo uu guddoomiyaha ka yahay Madaxweynaha, iyadoo Ra’iisul wasaaraha oo maanta ku sugan caasimada uu wado shaqada.

 

Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta Sahra C/qaadir Axmed oo maanta lagu wareejiyay xarunta Warfaafinta iyo radiyow Muqdisho ayaa tiri “Waa Idaacaddii labaad ee ay yeelato dowladda KMG waxaana rajaynayaa in ay midoowi doonaan, waxaan kaloo filayaa in wada shaqeyn fiican ayna dhex marto iyadoo shuruucda saxaafadda la dhowrayo qeybaha kale ee warbaahinta dalka”.

 

Idaacadda Radiyow Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen muddo 16-sano ah taageerayaasha Xuseen Ceydiid oo la oran jiray Codka shacabka ayaa waxaa dhowaan la wareegay isla markaana dayactir xooggan ku sameeyay Midowgii Maxaakiimta ulana baxay Codka Ummada Soomaaliyeed ayaa haatan waxaa ay gashay wejigeedii afaraad kagadaal markii ay si rasmi ah maanta ula wareegtay dowladda federalka KMG oo iyada horey Idaacad uga furatay xarunteeda KMG ee Baydhabo.

 

Abdikarim Ibrahim Adan (Ampacilin).

E-mail: webmaster@goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good move! there is a BIG need for a media watch boddy (regulator). The likes of Shabelle and Horn is seen something of loose canons by many somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this