Sign in to follow this  
xiinfaniin

Abuu Mansuur demoted ( no reasons given) + Mahadday retaken

Recommended Posts

Abuu Mansuur oo wareejiyay Xilkii Afhayeennimada Ururka Al-Shabaab

 

Khamiis, May 21, 2009(HOL): Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii Afhayeennimada Al-Shabaab.

 

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in uu Afhayeennimada Ururka Al-Shabaab ku wareejiyay Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) oo Gobollada Dhexe u qaabilsanaa Ururka Al-Shabaab, kaasi oo dhinac fadhiyay Abuu Mansuur markii uu xil-wareejinta sameynayay.

 

Abuu Mansuur oo ka hadlay munaasabaddii uu xilka ku wareejiyay ayaa wuxuu sheegay in uu muddo soo ahaa Afhayeenka Al-Shabaab, howl badanna uu soo qabtay, haatanna uu ku faraxsan yahay in uu xilkaas ku wareejiyo Shiikh Cali Dheere.

 

Shiikh Cali Dheere oo isna ka hadlay munaasabadda xil-wareejinta ayaa sheegay in lagu wareejiyay xil culus, wuxuuna tilmaamay in Abuu Mansuur oo soo ahaa Afhayeenkii hore iyo isagoo ah Afhayeenka cusub ay wada shaqeyn doonaan.

 

Munaasabadda uu Abuu Mansuur xilka ku wareejiyay labada mas’uulba kuma aysan soo hadal qaadin sababta keentay in Abuu Mansuur uu wareejiyo xilkii Afhayeennimada Ururka Al-Shabaab.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal xalay ka dhacay Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

 

Khamiis, May 21, 2009(HOL): Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacya dagaal dhexmaray Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam iyo kuwo ka soo horjeeda oo u daacad ah Maxkamadaha Islaamka.

 

Dagaalka oo dhacay 3-dii habeennimo ee xalay ayaa waxaa ku geeriyooday afar ruux oo seddex ka mid ah ay ahaayeen dhinacyadii dagaallamay, halka ruux kalena uu ahaa qof rayid ah.

 

Sidoo kalena dagaalka oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa looga qabsaday xoogaggii ku sugnaa degmada Mahaddaay gaari dagaal, inkastoo xoogaggii Maxkamadaha ee weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen meelihii ay ka yimaadeen.

 

Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa dhawaan gacan-ku-heynteeda la wareegay Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam, halka Degmada Jowhar oo u dhow Degmadaasna ay gacan ku heynteeda la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: War Deg Deg ah Sh.Mukhtar Robow oo gor dhaw iska wareejiyey xilki afhayeenimada xoogaga Al-Shabab

21. maj 2009

 

Muqdisho: War Deg Deg ah Sh.Mukhtar Robow oo gor dhaw iska wareejiyey xilki afhayeenimada xoogaga Al-Shabab

21. maj 2009

 

 

Muqdisho(AllPuntland )-Daqiiqadao ka hor ayu xilki afhayeenimo iska wareejiyey afhayeenki Al-Shabab Sh.Mukhtar Robow isagoo xilkaa ku wareejiyey Sh.Cali Dhere oo isna ah sarkaal sare oo Al-Shabab ka tirsan.

 

Mukhtar Robow oo shir jaraa'id ku qabtay goor dhaw magaalada Muqdisho oo uu maalmahan socdaal ku joogay ayaa sheegay in xilkaas uu u wareejiyey madama uu mudo badan u soo hayey xoogaga Al-Shabab.

 

Afhayeenka cusub oo isna ka hadlay xilka lagu wareejiyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay uuna rejeynayo in waajibaadka xilkaas uu u guto sida Sh.Robow.

 

Afhayeenka cusub ee maanta xilkaa loo dhiibay ayaa ah mas'uulki Al-Shabab u qaabilsanaa G/Dhexe ee Somalia.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

 

 

Muqdisho(AllPuntland )-Daqiiqadao ka hor ayu xilki afhayeenimo iska wareejiyey afhayeenki Al-Shabab Sh.Mukhtar Robow isagoo xilkaa ku wareejiyey Sh.Cali Dhere oo isna ah sarkaal sare oo Al-Shabab ka tirsan.

 

Mukhtar Robow oo shir jaraa'id ku qabtay goor dhaw magaalada Muqdisho oo uu maalmahan socdaal ku joogay ayaa sheegay in xilkaas uu u wareejiyey madama uu mudo badan u soo hayey xoogaga Al-Shabab.

 

Afhayeenka cusub oo isna ka hadlay xilka lagu wareejiyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay uuna rejeynayo in waajibaadka xilkaas uu u guto sida Sh.Robow.

 

Afhayeenka cusub ee maanta xilkaa loo dhiibay ayaa ah mas'uulki Al-Shabab u qaabilsanaa G/Dhexe ee Somalia.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gheelle, this is a group that will not last long.

 

The sad thing is the fitnah they started have the potential to turn Somalia into Algeria like conflict

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mahadaay:Maleeshiyo beeled xalay dagaal ku qabsaday degmada Mahadaay G/Sh/Dhexe oo ay heysteen xoogaga Xisbul islaam

21. maj 2009

 

 

 

Mahadaay(AllPuntland )-Dagaalo xoogan ayaa xalay degmada Mahadaay ku dhex maray maleeshiyo deegaanka ah iyo xoogaga Xisbul islaam ee dhawaan qabsaday degmadas.

 

Dagaalkaas ayaa wararka aan saaka heleyno waxa ay sheegayaan in dhanka Xisbul islaam looga qabsaday gaari nuuca Tiknikada ah looga dilay sadex ka mid ah ciidamadooda, waxaana dhinacii deegaanka ee soo weerar tagay iyana ka geeriyooday laba ka mid ah sadexna wey kaga dhaawacmeen.

 

Ganacsade lagu magacaabo C/fataax Max’ud ayaa APL ugu sheegay saaka qadka telefoonka in xaalada ay kacsantahay maleeshiyadii deegaanka ay ku laabteen hawdka degmada Mahadaay oo markii horey ay ka yimaadeen , waxaana saaka ciidamo xoojin ah ay ka yimaadeen degmada Jowhar .

 

Ganacsadah ayaa sheegay in maleeshiyadaan ay mudo heysteen degmada Mahadaay inkastoo uu sheegay in saaka si nabad ah ay isaga baxeen.

 

Dadka degmada Mahadaay ayaa saaka aad uga walaacsan weeraro kale oo dhici kara , waxaana jira abaabul maleeshiyo beeled deegaanka ah ay ka wadaan meelihi miyiga ah.

 

Waa weerarki ugu horeeyey ee ay la kulmaan xoogagi dhawaan qabsaday degmooyinka G/Sh/Dhexe.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sad how men fought for their country are paraded and the likes of Kheyrdiid are tolerated, even sadder likes of Xiin would wanna see Al-Shabaab turn on each other thereby distruping the lives of people in all southern regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Noted, and Mr Sharif will be shown the door soon enough.It is just so long he could depend oh his Ethio friends, AC-130s, and hide behind AMISOM troops while hoping ******** would come to his rescue.

 

[ May 21, 2009, 02:47 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol you really don't see it do you? Shabaab isn't what it used to be. It's a paper alliance now, ready to fall apart as soon as the common enemy disappears.

 

If Shariif is overthrown, which by the way won't happen, and Shabaab grabs hold of power, I swear to you on my blood that all the fake mujahidiin will start fighting amongst themselves.

Share this post


Link to post
Share on other sites

che, ******* is a great Muslim clan, and we love them. But Sharif approach enjoys more support than you think.

 

Adigu dhexda ha istaagin sidaadii, ee dhan raac.

 

Haddii kale, Bacadle shirib baan ku qabanayya:

Anoo tol weynee tiigsahaa, xaa ku taagay tub dhexdeed :D

 

 

edit:

 

Xattaa Garruuni's retort anaa iska leh:

Talyaani tuugaduu tumaa anna inaan tusaan rabaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

^That they are, but they are betting on the wrong horse *assuming they actually support him, I know he could bank on ******* As for me, the boys have my support-the sooner they subjugate Somalia, the better!

 

LoooooooL@shirib..I miss that smile.gif

 

[ May 21, 2009, 02:48 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

What is so holly about this group some seem to be obsessed with?

 

Che, do you really believe that these rag tags will subjugate Somalia?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this