Jacpher Posted July 26, 2005 Maxaa ka jira warar-ka sheegaya in dekadda Kismaayo uu ku soo fool leeyahay markab hub u sida Barre Hiiraale, kadibna uu qorsheynayo weerar..? Kismaayo Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegaya in dekadda magaalada Kismaayo uu ku soo fool leeyahay markab hub u sida wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta ahna guddoomiyaha isbaheysiga dooxadda Jubba Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale). Xiriir qadka Isgaarsiinta ku dhexmaray madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf & Wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Hiiraale ayey kaga wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee uu dalka ku sugan yahay, & qaabka ay mowqif mideysan uga qaadan karaan arrimo door ah, waxeyna labada nin oo in muddo ah isku khilaafsanaa gacan ku haynta magaalada Kismaayo ay isla meel dhigeen in ay meel uga soo wada-jeestaan meelmarinta qorshaha dowladda federaalka, waxaana laga soo xigtay saraakiil ku dhow dhow Barre Hiiraale in uu soconayo abaabul dagaal oo uu doonayo Barre Hiiraale in uu ku soo kiciyo gobolka Sh/hoose, iyadoo qorshahaasina uu garab ku siinayo madaxweyne C/llaahi Yuusuf. Dhinaca kale, waxaa Muqdisho ku sugan xubno ka tirsan mas’uuliyiinta Isbaheysiga dooxadda Jubba ayna ka mid yihiin Jen. Axmed Warsame & Xildhibaan Seeraar oo ka mid ah mas’uuliyiinta sar-sare ee Isbaheysiga dooxadda Jubba, waxaana soo baxaya warar sheegaya in dhinaca Muqdisho uu ka soconayo abaabul ka dhan ah Barre Hiiraale oo xubnaha wada uu ku jiro Jen.Morgan. Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini)Dayniile,Muqdisho Diinicadde@hotmail.com Source: Dayniile Barre Huuraale & Beerlaawe ma dirir sokeeye ayey doonayaan iney dab u holciyaan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
contraflow Posted July 26, 2005 The media of Mogdishu is just attacking anyone who hails from the Presidents clan. Today its Hiiraale, I wonder whose next? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted July 27, 2005 Warar lagu kalsoon yahay So it's ku tidhi ku teen? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 27, 2005 I guss Qaynyare is not sleeping well.. Now Hiiraale is getting wepons, I guess he never had some before :rolleyes: Quote Share this post Link to post Share on other sites