Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somali leaders close seminar..

Recommended Posts

Madaxda Qaranka Oo Maanta Xiray Siminaarkii 16-ka Degmo

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho (Calanka.com) 06-Augosto-2007

 

Madaxweynaha Somaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta waxa uu xiray siminaar mudo isbuuc ah uga socday magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Iskole Bolisio madaxda tabeelooyinka waaxyaha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

 

Siminaarkan oo uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka furmay Muqdisho maalinimadii Talaadada ee eynu soo dhaafnay (31-0707), waxaana kasoo qeybgalay xafladaas furitaanka siminaarkan dad tiradoodu lagu sheegay in ka badan 2334-ruux.

 

Dhageyso, Daawo furitaankii siminaarka

 

Gudoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Maxamuud (M/dheere) oo ugu horeyntii halkaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay siminaarka, wuxuuna sheegay in mudadii uu socday siminaarku ay madaxda Tabeelayaasha ku barteen halkaa daruus la xiriirta tiro koob qoys, arrimaha nabadaafada, qaranimada, maamulka, waxbarashada, bilicda magaalada, arrimaha nabadgelyada iyo qodobo kale oo badan, kuwaasoo uu sheegay in ka qeybgalayaashu si fiican ugu faa'iideysteen.

 

Wasiirka arimaha gudaha Somaliya mudane Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) oo isagana halkaas ka hadlay ayaa ugu horeyntii u mahad celiyay maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay xaga abaabulka gobolka iyo qorshaha deriseynta, wuxuuna wasiirku sheegay in guusha gobolka Banaadir uu gaaray ay tahay mid ay gaartay dowladda Federaalka Somaliya.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay halkaa ra'iisul Wasaaraha Somaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi, wuxuuna isna u mahad celiyay maamulka gobolka BAnaadir iyo qorshaha siminaarkan, kaasoo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid kor loogu qaadayey garaadka iyo biseylka hogaamiyeyaasha tabeelooyinka oo uu ku sheegay iney yihiin dal jirayaal.

 

"Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxay la mid tahay madaxa oo kale, Madaxa waxaa ku yaala maskaxdii, dhegihii, indhihii, sanka iyo afka, muhiimada uu madaxa uu leeyahay noolaha dartiis ayaa Muqdisho loogu bixiyay magaalo madax, hadii ay degan tahay dalkoo dhan wuu degayaa, hadii ay xumaatana dalkoo dhan wuu xumaanayaa, sidaas darteed waa inaan ku dadaalnaa in Muqdisho ay nabad noqoto", ayuu yiri Prof. Geeddi oo dhanka kale amaan u soo jeediyay kooxda fanaaniinta ciidanka Booliska ee Heegan.

 

Ugu danbeyntii waxaa halkaas ka hadlay Madaxweynaha Somaliya mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna salaan kadib mahad naq weyn u soo jeediyay maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo uu ku tilmaamay iney qaadeen tallaabooyin qiimo u leh dalka iyo dadka, wuxuuna Madaxweynuhu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay abaabulka qorshaha deriseynta ee min tabeele ilaa heer degmo.

 

"Xaruntan dugsiga sare ee Booliska (Iskol Bolizio) aniga iyo koox kale ayaa tababar noogu dhamaaday sanadkii 1957-kii, waxaana naloogu dhaariyay halkan in aan daacad ugu adeegno dalka iyo dadka, ilaa iyo hadana dhaartaas ayaan ku shaqeynaa, sidaas darteed madaxda tabeelayaasha ee tababarkan dhameystay waxaan kula dardaarmayaa iney si daacadnimo iyo howlkar ugu adeegaan umadda Somaliyed" , ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

 

"Inteena halkaan joogta waxaan hubaa inaan ka badanahay inta xun ee qaska ka wada magaalada, walaalayaal waa inaan garbaha is qabsanaa inteena wanaagsan ee daacadda ah, si aan ugu guuleysano kuwa u taagan xumaha", ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dhanka kale ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u xermay maanta tababarkii madaxda tabeelayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Calanka.com:Isha Wararka Xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf oo maanta xeray siminaarki Tabeelayaasha 16-ka degmo { 06 Aug 2007}

waxaa la daabacay Mon 06 Aug 2007 13: 59: 41

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta xarunta Dugsiga sare Booliska ku soo gabagabeeyay siminaar kor loogu qaadayey aqoonta madaxda tabeelooyinka waaxyaha 16-ka degmo ee G/Banaadir.

Siminaarkan oo furmay Talaadadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka qeybgalayey madaxda tabeelayaasha, kaas oo ay barayaal ka ahaayeen macallimiin sare, waxaana soo diyaariyay siminaarkan maamulka gobolka Banaadir.

 

Guddoomiyaha G.Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud (M.dheere) oo ugu horeyntii halkaas ka hadlay ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay siminaarka, wuxuuna sheegay in mudadii uu socday ay madaxda Tabeelayaasha ku barteen daruus la xiriirta tiro koob qoys, arrimaha nabadaafada, qaranimada, maamulka, waxbarashada, bilicda magaalada, arrimaha nabadgelyada iyo qodobo kale oo badan, kuwaasoo uu sheegay in ka qeybgalayaashu si fiican ugu faa'iideysteen.

Guddoomiye Maxamed Dheere wuxuu sheegay in qorshaha dariseynta ee gobolka Banaadir uu yahay mid wax weyn ka taraya qorsyahaasha sugida amniga ee gobolkan, wuxuuna mahad naq gaar ah halkaas ugu jeediyay hey'addihii gacanta ka geystay suurtagelinta siminaarkaas.

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka KMG ah Md. Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo isagana halkaas kja hadlay ayaa ugu horeyntii u mahad celiyay maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay heerka xaga abaabulka dadka gobolka iyo qorshaha deriseynta, wuxuuna Wasiirku sheegay in guusha gobolka Banaadir gaaray ay tahay mid ay gaartay dowladda Federaalka.

 

Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa isagana halkaas ka hadlay, wuxuuna sidoo kale maamulka gobolka ugu mahad celiyay qorshihii siminaarka, kaas oo uu tilmaamay inuu ahaa mid kor loogu qaadayey garaadka iyo biseylka hoggaamiyeyaasha tabeelooyinka, kuwaasoo uu ku tilmaamay iney yihiin dal jirayaal.

 

"Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxay la mid tahay madaxa oo kale, Madaxa waxaa ku yaala maskaxdii, dhegihii, indhihii, sanka iyo afka, muhiimada uu madaxa uu leeyahay noolaha dartiis ayaa Muqdisho loogu bixiyay magaalo madax, hadii ay degan tahay dalkoo dhan wuu degayaa, hadii ay xumaatana dalkoo dhan wuu xumaanayaa, sidaas darteed waa inaan ku dadaalnaa in Muqdisho ay nabad noqoto" ayuu yiri Prof. Geeddi oo dhanka kale amaan u soo jeediyay kooxda fanaaniinta ciidanka Booliska ee Heegan.

 

Ugu danbeyntii waxaa halkaas ka hadlay Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna salaan kadib mahad naq weyn u soo jeediyay maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo uu ku tilmaamay iney qaadeen tallaabooyin qiimo u leh dalka iyo dadka, wuxuuna Madaxweynuhu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay abaabulka qorshaha deriseynta ee min tabeele ilaa heer degmo.

 

"Xaruntan degsiga sare ee Booliska aniga iyo koox kale ayaa tababar noo dhamaaday kadib sanadkii 1957-kii naloogu dhaariyay in aan daacad ugu adeegno dalka iyo dadka, ilaa iyo hadana dhaartaas ayaan ku shaqeynaa, sidaas darteed madaxda tabeelayaasha ee tababarkan dhameystay waxaan kula dardaarmayaa iney si daacadnimo iyo howlgar ah ugu adeegaan umada Soomaaliyeed" ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

 

"Inteena halkaan joogta waxaan hubaa inaan ka badanahay inta xun ee qaska ka wada magaalada, walaalayaal waa inaan garbaha is qabsanaa inteena wanaagsan ee daacadda ah, si aan ugu guuleysano kuwa u taagan xumaha" ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dhanka kale ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u xeray tababarki madaxda tabeelayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Xafiiska warfaafinta gobolka Banaadir

Share this post


Link to post
Share on other sites

i am glad the seminar how to be a good boyz for the amxaar is done...!!

 

yo any body failed this seminar?? this will be the only class that i would love to fail.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this