Haatu Posted April 15, 2010 Khamiis, April 15, 2010 (HOL) Dastuurka dalka Jabuuti ayaa laga badalay qodobo dhowr ah, waxaana sidoo kale lagu daray qodob u ogolaanaya Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle inuu mar saddexaad isku soo taago xilka Madaxweynenimo. Wuxuu dastuurku qabay in laba jeer oo keliya uu Madaxweynuhu iskusoo taagi karo doorashada dalkaas, balse waxaa lagu kordhiyay mar kale, iyadoo sidoo kalena la xadiday xilliga da'da Madaxweynaha oo laga dhigay 75-sano, waxaana sidoo kale muddada uu xilka hayn karo laga dhigay 5-sano, halkii ay horay u ahayd lix sano. Sidoo kale dastuurka ayaa laga saaray qodobka dilka ah, kaasoo lagu fulin jiray dadka geysta dilalka ama dambiyo culus ka gala dalakaas, waxaana hadda kaddib lagu xukumayaa qofkii dambiyadaas oo kale geysta xabsi daa'in. Dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa inay doorasho ka dhacdo sannadkan 2011, iyadoo xilligii labaad oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loo doorto xilkaas uu ku egyahay, wuxuuna isku taagayaa xilkaas mar saddexaad. Xildhibaanada dalka Jabuuti ayaa ku sheegay sababta ay u kordhiyeen in mar kale uu doorashada iskusoo-taago Madaxweyne Geelle ay tahay iyadoo dadka dalkaas ay dalbadeen in mar saddexaad uu Madaxweyne u noqdo Ismaaciil Cumar Geelle. Dastuurka Jabuuti oo markii labaad wax laga badalayo tan iyo markii uu dalkaas ka qaatay xorriyadiisa Gumeystihii Faransiiska, ayaa waxaa loo gudbin doonaa Madaxweynaha talada haya, isagoo oglaanaya ama diidaya markaasoo dib loogu soo celin doono Baarlamaanka. Sidoo kale Xildhibaannada Jabuuti oo tiradoodu tahay 63-mudane ayaa waxay dalbadeen in la sameeyo Aqal sare (Senate) si loogu gudbiyo arrimahan oo kale oo muran dhalin kara, iyadoo xildhibaannadu ay cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen isbadalka lagu sameeyay dastuurka. Hiiraan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted April 15, 2010 The first steps towards dictatorship? He has fallen into the trap which many African leaders fall into, hunger for power. This could tarnish Djibouti's reputation abroad. Quote Share this post Link to post Share on other sites