Sign in to follow this  
RedSea

Latest news from Baydhabo: agitated crowds welcome Al-Shabaab!

Recommended Posts

RedSea   

 

41812858.jpg

shabaab71.jpg

 

Waa Sidee Xaalada Magaalada Baydhabo Oo Ay Gacanta Ku Hayaan Xoogaga Al-shabaab.

 

Warkii 27-Jan-2009 iyo Qormadii: Yaasiin Faytin

Xaalada magalada baydhabo ayaa saaka degan kadib markii shalay ay la wareegeen xoogaga al-shabaab dagaal aan dhiig ku daadan kaasoo saaka laga dareemayo magaalada baydhabo jawi ka bedelan kii ay markii hore lahayd .

 

 

Ciidamada Xoogaga Al shabaab ee gacanta ku haya magaalada Baydhabo ayaa saaka lagu arkayaa ciidamadooda oo raxan raxan u socda magaalada islamarkana fariisimo ka samaystay goobihii ay ka bexeen ciidamadii Ethiopia sida warshadii hore Xaseey , Garoonka diyaaradaha iyo meelo kale oo duleedka magaalada baydhabo ah .

 

 

 

Sidoo kale waxaa bilaabmay isu socodka gaadiidka iyo adeegii caadiga ahaa ee bulshada kaasoo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku jiray xaalad cakiran iyadoo xaalada aman magaladana ay tahay mid aad u wanagsan islamrkana xalay saqdii dhexe lagau arkayey magalada baydhabo dhalainyaro ku caweynaysa goobaha baararka iyo xaafadaha dhexdooda oo markii hore mid aan nabad gelyuo ahayn oo fiidkiiba laga hoydo .

 

Dhinaca kale Dadweynaha magalada baydhabo aya saaka isugu soo baxay wadooyinka waweyn ee magalada dhexmara kuwasoo iyagoo koox koox ah ku dhex marayey wadooyinkas islamrkana aad ugu faraxsana isbedelka ka dhacay magalada baydhabo ee xarunta gobolka bay.

 

 

 

Isbedelka magalada baydhabo ka dhacay ayaa ku soo beegmaya xili uu baarlamanka FKMG ah ee fariisinka ay u ahayd magaalada baydhabo ay dhamantood u baqooleen dalka jabuuti oo ay shirar ku leeyihiin dowlada KMG ah iyo mucaaridka dib u xoraynta garabka jabuuti.

source: afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this